Maxaa Qofka Ku Riixa Guurka Qof Ajnabi Ah?
Maqaalku wuxuu sharraxayaa 11 sababood oo dadka ku riixa guurka ajaanibta, sida jacaylka, shaqada, waxbarashada, baraha bulshada, dhaqaalaha, diinta iyo ka fogaanshaha hadal-haynta bulshada. Wuxuu adkaynayaa muhiimadda isfahamka, akhlaaqda iyo masuuliyadda marka la dhisayo qoys waara.

Waayadan dambe, dunidu waxay noqotay mid isku dhow, dadkuna si fudud ayay isu bartaan oo isu dhexgalaan, iyada oo aan loo eegin dal, dhaqan ama af (luuqad). Sidaas darteed, guurka qof ajnabi ah maanta waa arrin caadi ah oo si weyn looga arko bulshooyinka casriga ah. Hase yeeshee, sababaha keena in laba qof oo ka soo jeeda laba dal oo kala duwan ay isguursadaan way kala duwan yihiin, waxaana muhiim ah in la fahmo arrimaha hoos ku xusan ka hor inta aan la gaarin go’aan ku saabsan guurka.
Si gaar ah, baraha bulshada ayaa kusoo badanaya Soomaalida, rag iyo dumarba, ee guursanaya ajaanib. Waxyaabaha keeni kara arrintan waxaa ka mid ah 11-ka qodob ee soo socda, kuwaas oo aan maqaalkan ku eegi doono.
1. Jacayl iyo Isfaham
Waxaa la oran karaa sababta ugu weyn ee labo qof isu keenta waa jacayl dhab ah iyo isfaham dhexmara. Qofku wuxuu ka heli karaa qof, haba ka soo jeedo dal kale, qofkaas oo la wadaaga fikrado, himilooyin iyo aragtiyo nolol oo isku mid ah. Jacaylku ma xushmeeyo xudduudaha dalalka, waxaana jira dad badan oo helay lammaane wanaagsan iyaga oo aan horey isu aqoon.
2. Shaqo
Goobaha shaqada, gaar ahaan shirkadaha caalamiga ah ama kuwa leh shaqaale ka socda dalal kala duwan, ayaa sidoo kale fursad u ah in dadku isbartaan. Iskaashiga shaqo, kulamada shaqo ama mashaariicda wadajirka ah ayaa mararka qaar u rogma xiriir dhow oo uu ka dhalan karo guur.
3. Waxbarasho
Ardayda dhigata jaamacadaha caalamiga ah ama goobaha waxbarasho oo ka kala socda dalal kala duwan ayaa mararka qaar isbarta oo iskaashi waxbarasho ka soo baxaa xiriir dheer. Deegaanka waxbarasho ayaa fursad weyn u ah in qofku la kulmo dad leh aqoon iyo dabeecad ka duwan tiisa, taasoo horseedi karta xiriir qoto dheer oo gaarsiisa heer guur iyo xiriir mustaqbal.
4. Safar ama Sadcaal
Safarku wuxuu furaa albaabada isbarashada, waxaana dhici karta in qofku dalka uu booqday ka helo lammaane uu guursado. Dadka badiya safarka iyo booqashada dalal kale ayaa marar badan la kulma dad cusub oo ka soo jeeda dhaqamo kala duwan. Dadka qaarkooda waxay aaminsan yihiin maahmaahda ah “calaf waa laba cagood”.
5. Baraha Bulshada
Tiknooloojiyada casriga ah iyo baraha bulshada sida Facebook, TikTok, Instagram iyo WhatsApp ayaa si weyn u fududeeyay in dadka ka soo jeeda dalal kala duwan ay is bartaan, is dhaafsadaan xog iyo aqoon, isla markaana yeeshaan xiriir dhow. Maanta, kumannaan qof ayaa is guursaday kaddib markii ay internetka isku barteen, arrintaas oo hadda noqotay wax si weyn caadi u ah bulshada dhexdeeda.
6. Ganacsi
Xiriirrada ganacsi ee ka dhex dhasha shaqaalaha shirkadaha ama ganacsatada ka kala socda dalal kala duwan ayaa mararka qaarkood isu beddeli kara xiriir shakhsiyeed. Wadashaqeynta ganacsi waxay fursad u abuurtaa in labada qof ay si joogto ah isu arkaan, is bartaan, isla markaana yeeshaan xiriir dhow. Xiriirkaas ayaa mararka qaarkood horseedi kara xiriir qoys, sida guur iyo dhisidda mustaqbal wadajir ah.
7. Qoys iyo Ehel
Mararka qaarkood, qaraabada ama saaxiibbada ayaa dhex-dhexaadiya oo isbaraya laba qof, iyaga oo aaminsan in ay isugu habboon yihiin. Talooyinka iyo soo jeedinta qoyska ayaa door muhiim ah ka ciyaara habka ay isbarashadu u dhacdo, gaar ahaan bulshooyinka uu dhaqanka iyo doorka qoysku weli saameyn weyn ku leeyihiin.
8. Dhaqan iyo Nolol Cusub
Qaar ka mid ah dadka ayaa xiiseeya dhaqamada, caadooyinka iyo hab-nololeedka bulshooyinka kale. Xiisaha ay u qabaan dhaqan cusub ayaa mararka qaarkood horseeda in ay is bartaan, xiriir dhow yeeshaan, ugu dambayntiina ay la wadaagaan nolol qoys qof ka soo jeeda dhaqankaas ay xiiseeyaan.
9. Fursado Dhaqaale
Mararka qaarkood, qofku guurka qof ajnabi ah wuxuu u arki karaa fursad nololeed ama dhaqaale, sida hagaajinta xaaladdiisa nololeed ama helitaanka fursado ka wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, sababtan oo keliya kuma filna in lagu dhiso guur nabdoon oo waara. Waa in fursadaha dhaqaale iyo nololeed loo tixgeliyaa qayb ka mid ah arrimaha guurka, balse aan loo arkin saldhigga keliya ee lagu dhisayo nolol qoys. Waxaa xusid mudan in maal iyo dhaqaale ay ka mid yihiin waxyaabaha qofka lagu raaco marka guur la dooranayo, balse ay muhiim tahay in lala eego arrimo kale oo aasaasi ah, sida akhlaaqda, diinta, isfahamka iyo masuuliyadda.
10. Diin iyo Akhlaaq
Qaar ka mid ah dadka ayaa door bida qof ajnabi ah sababo la xiriira diintiisa, akhlaaqdiisa iyo dabeecaddiisa, iyaga oo arrimahaas ka hormarinaya qowmiyadda ama dalka uu ka soo jeedo. Isku-dhowaanshaha diineed iyo akhlaaqeed wuxuu noqon karaa saldhig muhiim ah oo lagu dhiso xiriir qoys oo waara oo sugan. Tani waxay si gaar ah uga dhex muuqan kartaa dadka caanka ah, sida culimada iyo dadka Qur’aanka ku caanbaxay, kuwaas oo mararka qaarkood lagu qadariyo diintooda, codkooda, aqoontooda ama akhlaaqdooda.
11. Sir Faaftay iyo Ogaanshaha in Waxba u Qarsoonayn Qofka
Waxaa jira xaalado uu qofku la kulmo marka sir uu qabay, oo aanay wax dad kale ahi ka ogeyn, markiiba ku faafto bulshada isaga oo aan raalli ka ahayn. Marka qofkaasi ogaado in dadka uu ku dhex noolaa aanay wax uga harin, oo aanay waxba hore uga qarsoonayn, waxay ka caro gelin kartaa dadka qaar, waxayna ku qasbi kartaa inuu dareemo ceeb, xishood ama go’doon bulsho, inkastoo sirtaasi aanay ahayn dembi cad ama aanay waxyeello u geysan dad kale. Tusaale waxaa u ah qof lagu ogaado xaalad gaar ah oo la xiriirta qoyskiisa iyo nolosha qoyskiisa, taas oo hore aan loo ogayn; markii uu gaaro da’da guurka, gayaankiisa kuma qancin karo guur.
Dareenkaas ayaa mararka qaar horseedi kara in qofku dib uga fiirsado xiriirkiisa bulshada uu ku dhex nool yahay, isaga oo dareemaya inuusan ku kalsoonaan ama ku xasilloonaan. Sidaas darteed, qaar ka mid ah dadka waxay doortaan inay dib u bilaabaan nolol cusub, waxayna xiriir la sameeyaan qof ajnabi ah oo aan wax ka ogeyn xaaladdoodii hore.
Guurka qof ajnabi ah ee sababtan ku dhisan wuxuu siin karaa qofka fursad uu ku bilaabo bog cusub iyo nolol cusub, oo aan lagu xakameyn xasuus xun ama hadal-hayn bulsho. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in tallaabadan aan lagu qaadan degdeg, balse lagu saleeyo baaritaan iyo go’aan miyir leh, si aan loogu gudbin dhibaato la mid ah tii hore.
Guurka Ajnabiga: Dhanka Togan
Guurka qof ajnabi ah wuxuu labada qof siin karaa fursad ay ku bartaan oo ay ku kala kororsadaan dhaqan, luuqad iyo aragtiyo ku salaysan nolol cusub. Waxa kale oo uu qofka u ballaarin karaa aragtidiisa nolosha, isaga oo la kulmaya hab-nololeed iyo fikrado ka duwan kuwii uu ku soo barbaaray. Xiriirka noocan ah mararka qaar wuxuu la xiriiri karaa fursado cusub oo dhinacyada tacliinta, shaqada ama nolosha dhaqaale ah. Sidoo kale, qoysku wuxuu abuuri karaa xiriirro caalami ah oo ka gudba xuduudaha dalalka, taasoo faa’iido u yeelan karta carruurta iyo qoyska guud ahaan. Intaa waxaa dheer, la kulanka dhaqan cusub wuxuu qofka ka dhigi karaa mid dulqaad badan, fahamkiisu ballaaran yahay, fikirkiisuna furan yahay.
Guurka Ajnabiga: Dhanka Taban
Kala duwanaanshaha dhaqan iyo caado ayaa mararka qaar keeni kara khilaaf iyo isfaham la’aan, gaar ahaan marka labada qof ay ka yimaadaan bulshooyin leh caadooyin iyo hab-nololeedyo kala duwan. Caqabadda afkuna waxay noqon kartaa arrin kale oo saameysa xiriirka, maadaama la’aanta wada-hadal fudud ay dhalin karto isfaham la’aan iyo kala fogaansho.
Sidoo kale, qofka guursada qof ajnabi ah mararka qaar wuxuu ku qasbanaan karaa inuu ka fogaado dalkiisa, qoyskiisa iyo saaxiibbadiis. Waxaa intaas dheer xaaladaha la xiriira fiisaha, degganaanshaha, muwaadinnimada iyo shuruucda guurka ajnabiga ah, kuwaas oo mararka qaar noqon kara kuwo adag. Arrimaha diinta iyo qiyamka ayaa iyaguna muhiim ah; haddii aan si wanaagsan looga wada hadlin oo aan la isku waafaqin arrimaha diinta, akhlaaqda iyo qiyamka nolosha, waxay noqon karaan sababo keena khilaaf iyo xitaa furriin.
Dhanka kale, waxaa jira dad qaarkood oo guurka ajnabiga u adeegsada dano gaar ah, sida helitaanka fiiso ama faa’iido dhaqaale, iyada oo aanu jirin jacayl ama xiriir dhab ah. Sidaas darteed, guurka qof ajnabi ah wuxuu yeelan karaa faa’iidooyin iyo caqabado labadaba. Waxa ugu muhiimsan waa in labada qof ay si wanaagsan isu bartaan, iska fahmaan qiyamka, diinta iyo himilooyinka nolosha, ayna go’aanka ku gaaraan miyir iyo taxaddar, si guurku ugu noqdo mid nabdoon oo waara.
Gunaanad
Inkastoo sababaha kore ay dhammaantood door ka ciyaari karaan isbarashada iyo guurka qof ajnabi ah, haddana waa muhiim in la xasuusto in guurku aanu ahayn wax keliya lagu saleeyo dhalasho, dhaqaale ama xiiso ku-meel-gaar ah. Guur nabdoon oo waara wuxuu ku dhisan yahay diin, taas oo ay ka mid yihiin isku-mid ahaanshaha caqiidada, qiyamka guud iyo mabaadi’da; akhlaaq, oo ay ka mid yihiin dabeecad wanaagsan iyo xushmad; isfaham, oo ah awoodda labada qof ay isku fahmi karaan; masuuliyad, oo ah diyaar u ahaanshaha qoyska iyo mustaqbalka; iyo baaritaan wanaagsan, oo lagu ogaado taariikhda, dabeecadda iyo xaaladda qofka la doonayo in la guursado.
Marka arrimahan la mideeyo, guurku wuxuu noqonayaa mid ku dhisan aasaas adag oo dhab ah, halkii uu ku koobnaan lahaa dhalasho ama dhaqaale, kuwaas oo keligood aan ku filnayn in guur waara ama mustaqbal adag lagu dhiso.
Ugu dambayn, waxaa jira dad ajnabi guursada sababo kala duwan awgood, sida kuwa dookhoodu ka xumaado, kuwa guurkoodu fashilmo, kuwa carruur aan sharci ahayn ku dhasha ama kuwa la kulma faquuq iyo caqabado kale.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Maxaa hortaagan baahinta adeegyada bulshada ee dowladda Soomaaliya iyo heerarkeeda kala duwan

Heshiis Bulsho Cusub: Furaha Mustaqbalka Dowladnimada Soomaaliya


Qaadku waa Maandooriye: Caddeymaha Cilmiga, Mamnuucidda Caalamiga ah iyo Aragtida Shareecada Islaamka

