Bulsho

QURXINTA MAGAALOYINKA MISE QURXINTA NOLOSHA BANII’AADAMKA?

Maqaalku wuxuu falanqaynayaa saameynta bulsho iyo dhaqaale ee duminta guryaha iyo meheradaha loogu magac daro qurxinta magaalooyinka Soomaaliya. Wuxuu ku baaqayaa in horumarinta magaalooyinku ilaaliso hoyga iyo nolol-maalmeedka dadka, iyadoo la raacayo sharci, la-tashi, magdhaw caddaalad ah iyo dib-u-dejin habboon.

QURXINTA MAGAALOYINKA MISE QURXINTA NOLOSHA BANII’AADAMKA?

Hordhac

Duminta guryaha, meheradaha ganacsiga iyo deegaanada ay dadku ku nool yihiin waxay noqotay dhibaato kusoo noqnoqota magaalooyinka Soomaalida ee kobcaya, sida Muqdisho, Boosaaso iyo meelo kale.

Tallaabooyinkan badanaa waxaa loogu wanqalaa magacyo maqalka u qurux badan, sida ballaarinta waddooyinka, hagaajinta bilicda magaalada, qorshaynta magaalooyinka iyo hirgelinta kaabayaasha danta guud.

Hagaajinta magaalooyinku waa lama huraan. Magaalo waxay u baahan tahay waddooyin, suuqyo nidaamsan, adeegyo dadweyne iyo qorshe dhuleed oo wanaagsan. Hase yeeshee, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay:

Marka magaalo la qurxinayo, ma waxaa mudnaanta la siinayaa muuqaalka magaalada oo keliya, mise waa in mudnaanta koowaad la siiyaa nolosha iyo nolol-maalmeedka dadka ku nool?

Burburinta Meheraddu Waa Burburinta Silsilad Dhaqaale

Meheradaha yaryari ma aha oo keliya meel uu hal qof lacag ka sameeyo; waa il dhaqaale oo qoys dhan ku tiirsan yahay. Dakhliga laga helo meherad yar ayaa mararka qaar lagu dabaraa kirada, cuntada, caafimaadka iyo waxbarashada carruurta.

Sidoo kale, ganacsiga yaryari wuxuu qayb ka yahay silsilad dhaqaale oo ballaaran. Wuxuu ku xiran yahay ganacsatada waaweyn ee jumlada, gaadiidleyda, shaqaalaha, macaamiisha iyo adeeg-bixiyeyaasha kale.

Sidaa darteed, marka meherado badan si lama filaan ah loo dumiyo, khasaaruhu kuma eka hal ganacsade; wuxuu ku fidi karaa qoysas badan iyo qayb ka mid ah dhaqaalaha gudaha.

Sida ay tilmaamayaan daraasadaha caalamiga ah, ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ahi waxay door muhiim ah ku leeyihiin shaqo-abuurka iyo dhaqaalaha. (World Bank, 2017)

Guri La Dumiyey Mise Nolol La Dumiyey?

Dadka danyarta ahi inta badan waxay leeyihiin hanti yar oo aan si fudud loo beddeli karin. Hal guri ama aqal yar ayaa mararka qaar isku mar noqon kara hoy, goob ganacsi, meel shaqo iyo xarunta nolosha qoyska.

Sidaas darteed, qiimaha dhismaha oo keliya kuma koobna khasaaraha dhabta ah. Gurigu wuxuu leeyahay qiime dhaqaale, bulsho iyo nafsiyeed.

Waa meesha carruurtu ku korto, qoyska lagu ilaaliyo, derisnimada lagu dhiso, adeegyada looga dhowaado, laguna helo xasillooni. Marka guriga la burburiyo, waxaa lumin kara qoyska intaas oo dhan.

Hagaajinta Magaalo Mise Barakicin?

Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya hagaajinta magaalada (urban improvement) iyadoo dadka lagu ilaalinayo iyo barakicinta dadka (urban displacement) oo ah in dadka nugul laga saaro goobihii ay ku noolaayeen.

Labada xaaladoodba waxaa laga yaabaa inay ka dhashaan waddooyin cusub, jardiinooyin, nalal iyo dhismayaal qurux badan. Balse waxa kala duwan waa natiijada iyo raadadka ay bulshada ku yeeshaan.

Haddii guri la dumiyo iyadoo aan loo diyaarin meel ku habboon oo qoyska loo raro, ama meherad la burburiyo iyadoo aan ganacsadaha loo helin meel uu si dhab ah uga sii shaqeeyo, horumarka kaabayaasha wuxuu isu beddeli karaa qasaare ku yimaadda nolosha dadka.

Hoygu Waa Tiirka La Dagaallanka Saboolnimada

Hoygu ma aha oo keliya dhisme; waa saldhigga xasilloonida qoyska. Aragtida casriga ah ee Housing First, oo si weyn looga hirgeliyey waddamo ay ka mid tahay Finland, waxay muujisay muhiimadda uu hoyga xasilloon u leeyahay wax ka qabashada nuglaanta bulshada.

Dhanka kale, marka laga hadlayo doodaha ku saabsan burburinta hantida, mararka qaar waxaa la yiraahdaa: “Haddii dhul si sharci-darro ah loo degay, dowladdu xaq ayay u leedahay inay nidaamiso adeegsiga dhulka.”

Qodobkaasi dhinac ahaan waa la fahmi karaa. Hase yeeshee, in dhulku sharci yahay ama aanu sharci ahayn iyo in dadka ku nool la ilaaliyo marka laga saarayo waa laba arrimood oo kala duwan.

Sharciga, Magdhawga iyo Dib-u-dejinta

Burburintu waa inay ku dhisnaataa sharci, habraac cad, ogeysiis hore, qiimeyn madax-bannaan, magdhaw caddaalad ah iyo nidaam cabasho iyo racfaan oo hufan.

Marka raristu lama huraan noqoto, waa in la tixgeliyaa meel kale oo ku habboon iyo taageero dadka loogu suuragelinayo inay dib ugu soo ceshadaan nolol-maalmeedkooda.

Mabaadi’da caalamiga ah ee dib-u-dejintu waxay xoogga saarayaan in dadka ay saameeyeen qorshayaasha horumarintu aanay lumin hoygooda iyo ilaha nololeed iyada oo aan la helin magdhaw iyo xal ku habboon. (Cernea, 2000; IFC, 2012)

Soomaaliya gudaheeda, National Eviction Guidelines (2019) waxay sidoo kale adkaynayaan ka hortagga ka-saarista guryaha aan loo meel dayin iyo ilaalinta xuquuqda dadka guryaha ku nool.

Qurxinta Magaalada iyo Qurxinta Nolosha

Magaalo qurux badan waa muhiim. Balse magaalo quruxdeeda dadkeedu ku cayroobaan waxay noqon kartaa guul-darro horumarineed iyo qasaare cusub.

Qorshaynta casriga ahi waxay xoogga saartaa horumar magaalo oo aan dadka nugul looga tegin hayaanka horumarka.

Sidoo kale, Himilada Horumarka Waara ee Qodobka 11-aad (SDG 11) waxay ku baaqaysaa magaalooyin loo dhan yahay, ammaan ah, adkaysi leh oo waara. (United Nations, 2015; UN-Habitat, 2016)

Maxaa Dhiirrigeliya Burburinta?

Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee ay tahay in la isweydiiyo waxaa ka mid ah:

Maxaa ku riixa dowlad inay bilowdo hawlgal culus oo dadka hantidooda looga qaadayo iyadoo aan marka hore la diyaarin habraacyadii sharci, la-tashigii bulshada, magdhawga, hoyga beddelka ah iyo ilaalinta dadka nugul?

Soomaaliya waa waddan nugul oo ay ka jiraan khataro ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo isla-xisaabtan la’aan. Marka arrimahan oo kale ay ka dhacaan waddan nugul, waxaa sii xoogaysanaya baahida loo qabo daba-gal, isla-xisaabtan iyo hufnaan.

Sidaa darteed, ma fududa in arrintan lagu fasirto aqoon-darro ama wacyi-la’aan madaxda haysa oo keliya; waxaa sidoo kale muhiim ah in la baaro haddii ay jiri karaan dano gaar ah oo looga faa’iidaysanayo awoodda dowladda.

Waxaa kale oo isweydiin mudan: Yaa ka faa’iidaya dib-u-habaynta, yaase qasaare qaba?

Inkasta oo qorshayaasha noocan ah loogu wanqalo magacyo qurux badan sida qurxinta magaalada, casriyeynta iyo horumarinta kaabayaasha, haddana magac qurux badan ma beddeli karo xaqiiqda haddii habka loo marayo uu abuuro dulmi iyo ku-takri-fal bulsho.

Haddii dhul laga qaado dadka danyarta ah, aan lala tashan, aan la siin magdhaw ama hoy ku habboon, dabadeedna dhulkaas loo fududeeyo ganacsato ama dano gaar ah, markaas waxaa imanaysa su’aal culus oo ku saabsan cidda ay dowladdu dhab ahaan matasho.

Waajibka dowladdu ma aha oo keliya inay dhisto jidad iyo magaalooyin bilicsan; waa inay sidoo kale ilaaliso dadka nugul, xaqiijiso caddaaladda, kana hortagto in awoodda, hantida iyo saameyntu noqdaan waddo lagu duudsiyo xaqa dadka aan awoodda lahayn.

Maxaa Gudboon?

Mashruuc kasta oo waddo, dhisme ama qurxin magaalo ah waa inuu ka horreeyaa:

  1. Qiimeyn iyo cilmi-baaris lagu sameeyo saameynta uu mashruucu ku yeelanayo bulshada iyo dhaqaalaha.
  2. Qiimeyn madax-bannaan oo lagu sameeyo hantida dadka.
  3. La-tashi bulsho oo dhab ah.
  4. Ogeysiis ku filan oo dadka la siiyo.
  5. Qorshe dib-u-dejin oo cad.
  6. Goobo beddel ah oo loo diyaariyo ganacsatada.
  7. Taageero gaar ah oo loo fidiyo dadka danyarta ah ka hor inta aan laga burburin hoygooda.

Hay’adaha ay arrintani khusayso, sida hay’adaha xeer-dejinta, hanti-dhowrka, xuquuqul insaanka, caddaaladda iyo garsoorka, waa inay gutaan masuuliyadda loo wakiishay.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la sameeyo daba-gal iyo baaritaan hufan oo lagu xaqiijinayo inaan la dulmin dadka nugul.

Ugu dambayn, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta uu ka baraarugo dhibaatadan, cid kasta oo ay khusayso na ay qaadato masuuliyaddeeda.

Gunaanad

Burburinta nolosha dadka iyo qurxinta magaalooyinku waxay muddooyinkan noqdeen arrimo isku mataan ah, waana dhibaato si gaar ah u taabatay danyarta iyo ganacsatada yaryar. Sidaa darteed, maamullada iyo siyaasiyiintu waxay u baahan yihiin inay si dhab ah uga fikiraan: Sidee loo qurxin karaa magaalo iyadoo aan la dhaawicin nolosha dadka? Horumar dhab ahi ma aha waddo ballaaran oo keliya; waa waddo ballaaran, ganacsi shaqaynaya, qoys hoygiisa haysta, carruur waxbaranaysa, sharci la ixtiraamayo iyo muwaadin dareemaya in danta guud aysan ka dhignayn in xuquuqdiisa lagu tunto. Sidaa darteed, su’aashu ma aha oo keliya: Ma waxaan qurxinaynaa magaalada? Waxay sidoo kale tahay: Ma waxaan qurxinaynaa nolosha banii’aadamka?

Raadraac

  1. Cernea, M. M. (2000). Risks, Safeguards and Reconstruction: A Model for Population Displacement and Resettlement. In M. M. Cernea & C. McDowell (Eds.), Risks and Reconstruction: Experiences of Resettlers and Refugees. World Bank.
  2. International Finance Corporation (IFC). (2012). Performance Standard 5: Land Acquisition and Involuntary Resettlement. IFC.
  3. United Nations. (2015). Transforming Our World: The 2030 Agenda for Sustainable Development. United Nations.
  4. UN-Habitat. (2016). New Urban Agenda. United Nations.
  5. World Bank. (2017). The Global State of Small Business Finance. World Bank.

 


La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira