Bulsho

Cibaado Badan, Akhlaaq Yar: Maxaa Innaga Qaldan?

Qoraalku wuxuu falanqaynayaa farqiga u dhexeeya cibaadada badan ee bulshada Soomaaliyeed iyo akhlaaqda ka muuqata nolosha iyo maamulka. Wuxuu ku baaqayaa hoggaan iimaanka u beddela daacadnimo, caddaalad iyo masuuliyad, si loo dhiso bulsho isku kalsoon iyo dawlad shaqaynaysa.

Cibaado Badan, Akhlaaq Yar: Maxaa Innaga Qaldan?

Waxaa jira su’aal aad u culus oo ay tahay inay qalbigeenna iyo maskaxdeenna wada taabato: Sidee bay suuragal u tahay in bulsho si qoto dheer ugu dheggan diinteeda ay muddo ka badan soddon sano ku jiri karto burbur, colaad, kala-qaybsanaan, saboolnimo, maamul-xumo iyo dawlad-darro? Soomaaliya waxay tusaale murugo leh u tahay farqiga weyn ee u dhexeeya cibaadada aynu gudanno iyo akhlaaqda iyo dhaqanka ay ahayd inay cibaadadu inaga dhaliso. In ka badan soddon sano, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka waxay marar badan soo celiyeen dhaqamadii siyaasadeed iyo bulsheed ee horseeday burburkii dawladda, iyagoo ku guuldarraystay inay dhisaan dawlad shaqaynaysa, sharciyad leh, caddaalad ah oo u adeegta muwaadiniinteeda.

Haddana, Soomaaliya ma aha bulsho aan diin lahayn. Masaajiddeennu waa buuxaan. Ramadaanka waan soonaa. Salaadaha waan tukannaa. Haweenkeennu waxay si weyn u ilaashadaan xijaabka. Kumannaan Soomaali ah ayaa sannad kasta u safra Maka si ay u gutaan Cumrada iyo Xajka. Diintu waxay si qoto dheer ugu dhex jirtaa nolosheenna, aqoonsigeenna iyo dhaqankeena. Laakiin haddana qalbiga waxaa ka soo baxaya su’aal aan laga carari karin: maxaa innaga qaldan? Sidee bay suuragal u tahay in masaajiddo buuxaan, safafka salaadduna dheeraadaan, Qur’aanka la akhriyo, soonka la soomo, Xajka iyo Cumrada la guto, haddana aynaan awoodin inaan heshiinno, caddaalad dhisno, danta guud ilaalinno, musuqmaasuqa iska celinno, ama dawlad shaqaynaysa dhisno?

Sidee bay suuragal u tahay inaan nahay ummad leh dhul ballaaran, bad hodan ah, xoolo badan, khayraad dabiici ah, dad tiro badan iyo meel juqraafi ahaan istiraatiiji ah, haddana aan marar badan awoodi weyno inaan nafteenna si ku filan u quudinno, halka malaayiin dadkeenna ahi ay ku tiirsan yihiin gargaar bani’aadamnimo? Sidee bay ku dhacday in bulsho Ilaahay ku tiirsan ay haddana ku guuldarraysato inay si wanaagsan uga faa’iidaysato khayraadkii uu Ilaahay siiyay? Dhibaatadu ma tahay inaan cibaado yar nahay? Mise dhibaatadu waxay tahay inaan cibaadada u fahamnay inay tahay dhammaad, halkii ay ahayd inay noqoto waddada lagu dhiso qof iyo bulsho wanaagsan?

 

Islaamku wuxuu ku dhisan yahay iimaan, cibaado iyo akhlaaq. Cibaadadu ma aha dhaqdhaqaaq madhan oo la celceliyo; waa tababar nafta lagu tarbiyeynayo. Salaaddu waa inay qofka ka reebtaa xumaanta. Soonku waa inuu baraa is-xakamayn iyo taqwo. Sakadu waa inay dhalisaa naxariis iyo garasho bulsheed. Xajku waa inuu xoojiyo walaaltinimada, sinnaanta iyo isu-dulqaadka. Cibaado kasta waa inay leedahay raad muuqda oo ku saabsan akhlaaqda iyo dhaqanka qofka. Haddii salaaddu aanay dhalin caddaalad, haddii soonku aanu dhalin is-xakamayn, haddii Xajku aanu dhalin walaaltinimo, haddii cibaadadu aanay dhalin daacadnimo iyo masuuliyad, maxay cibaadadii inoo taraysaa? Cibaado aan akhlaaq dhalin waxay la mid tahay caano badan oo la ruxay, laakiin aan subag laga helin. Dhaqdhaqaaq waa jiraa; dadaal waa jiraa; xitaa muuqaal diimeed oo xooggan waa jiraa, laakiin natiijadii la filayay ma muuqato.

Qur’aanku Nabigeenna Muxammad ﷺ wuxuu ku ammaanay eray aad u weyn: “Adigu waxaad ku sugan tahay akhlaaq aad u weyn.” (Qur’aan 68:4). Haddaba haddii Nabigeenna ﷺ lagu ammaanay akhlaaqdiisa, maxay tahay sababta aynu mararka qaar u cabbirno diinnimadeenna inta aan tukanno, inta aan soomno, ama inta jeer ee aan Xajinno iyo Cumro tagno, halkii aynu isweydiin lahayn: Ma noqonnay dad daacad ah? Ma noqonnay dad caddaalad ah? Ma noqonnay dad naxariis badan? Ma noqonnay dad lagu kalsoonaan karo? Ma jecelnahay walaalkeen waxa aynu nafteenna u jecelnahay? Qur’aanku wuxuu Muslimiinta ku tilmaamay: “Waxaad tihiin ummaddii ugu khayrka badnayd ee loo soo bixiyey dadka; waxaad amartaan wanaagga, xumaantana waad reebtaan, Ilaahayna waad rumaysan tihiin.” (Qur’aan 3:110).

Tani ma aha sharaf lagu helo magaca Muslimnimo oo keliya. Waa mas’uuliyad akhlaaqeed iyo bulsheed. Waa in ummaddu noqoto mid wanaagga amarta (al-maʿrūf), xumaantana ka reebta (al-munkar), caddaaladda ilaalisa, dulmiga diidda, daciifkana garab istaagta. Haddaba, xaggee ayaynu maanta joognaa? Soomaaliya waxay muddo dheer ku jirtaa dagaal ay lafteeda kula jirto. Waxaan isku daynay heshiisyo badan, shirar badan, dawlad-dhisid badan iyo qorshayaal badan. Laakiin marar badan waxaan ku soo laabannaa isla meeshii. Siyaasaddii qabiilka, dano gaar ah, musuqmaasuq, awood-ku-takri-fal, kalsooni-darro iyo kala-qaybsanaan ayaa weli dhaawacaya jiritaanka qaranka.

 

Waxa ugu xanuunka badan ayaa ah in dhibaatadu aanay ka jirin oo keliya siyaasadda; waxay taabanaysaa akhlaaqda bulshada iyo hoggaankeeda. Qofka masaajidka kula safan maanta wuxuu berri kuu noqon karaa qof kaa qaata xaqaaga. Qofka Qur’aanka akhriya wuxuu mararka qaarkood ku lug yeelan karaa dulmi ama musuqmaasuq. Qofka dadka ugu hadla magaca diinta wuxuu mararka qaar ka aamusi karaa caddaalad-darrada. Tani waa meesha ay tahay inaan si geesinimo leh isu eegno. Ma diinta ayaa fashilantay? Mise innaga ayaa ku fashilannay inaan si dhab ah u fahanno oo ugu dhaqanno diinta? Anigu waxaan qabaa in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn Islaamka, balse ay tahay farqiga u dhexeeya waxa aynu rumaysan nahay iyo waxa aynu dhab ahaan ku dhaqanno.

Halkaas ayay arrintu ku soo laabanaysaa hoggaanka. Soomaaliya waxba kama bedelayaan dad badan oo cibaadeysta oo aan akhlaq lahayn; waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal akhlaaq leh. Uma baahna oo keliya hay’ado badan; waxay u baahan tahay hoggaan awood u leh inuu hay’adahaas si caddaalad ah u shaqaysiiyo. Uma baahna oo keliya shirar dib-u-heshiisiin; waxay u baahan tahay hoggaan awood u leh inuu cafis, caddaalad iyo kalsooni ka dhex abuuro bulshada. Uma baahna oo keliya khayraad; waxay u baahan tahay hoggaan khayraadkaas danta guud ugu beddela horumar.

Hoggaamintu waa xidhiidhka naga maqan. Hoggaan dhab ah waa kan iimaanka u beddela akhlaaq, akhlaaqdana u beddela ficil, ficilkana u beddela hay’ado, hay’adahana u beddela dawlad shaqaynaysa. Waa hoggaan awood u leh inuu danta qaranka ka hormariyo danta naftiisa, qabiilkiisa, kooxdiisa iyo kursigiisa. Sidaas darteed, baadigoobka hoggaan heer sare ah (searching exceptional leadership) waa inay noqotaa mudnaanteenna koowaad. Waxaan u baahanahay jiil hoggaamiyeyaal ah oo fahma in kursigu yahay masuuliyad, awoodduna tahay amaano, hantida dadkuna tahay xuquuq aan la taaban karin, caddaaladduna tahay waajib aan laga gorgortami karin. Waxaan u baahanahay hoggaamiyeyaal iimaankoodu dhalo akhlaaq, akhlaaqdooduna dhaliso daacadnimo, daacadnimadooduna dhaliso kalsooni, kalsooniduna dhaliso hay’ado, hay’aduhuna dhisaan dawlad.

Ugu dambayn, su’aashu ma aha oo keliya: “Ma Muslimiin baan nahay?” Su’aashu waa: “Islaamku ma ina beddelay?” Ma waxay cibaadadeennu inaga dhigtay dad caddaalad badan, daacad badan, naxariis badan, masuuliyad badan oo bulshada u adeegaya? Mise waxaan ku ekaannay muuqaalka cibaadada, annagoo luminay ruuxii iyo ujeeddadii ay cibaadadu ahayd inay naga dhisto? Waana su’aasha ugu dambaysa ee laga yaabo inay tahay tan ugu culus: Cibaadadeennu ma inoo horseedaysaa badbaado adduun iyo aakhiro, mise waxaynu u baahan nahay inaan dib u baranno sida cibaadadu u noqoto akhlaaq, akhlaaqduna u noqoto nolol? Waxaa laga yaabaa in isbeddelka Soomaaliya uusan ka bilaaban doonin shir kale, doorasho kale ama dastuur kale; waxaa laga yaabaa inuu ka bilaabmo qalbiga qofka, akhlaaqda hoggaamiyaha, iyo fahamka saxda ah ee xiriirka ka dhexeeya iimaanka, cibaadada iyo masuuliyadda bulshada.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira