Ku saabsan Majaladda Marag
Hordhac
Majaladda Marag waa madal aqooneed oo bille ah, una heellan kobcinta fikirka, wadaagga aragtiyada, iyo dhiirrigelinta qoraalka tayada leh ee Af-Soomaaliga. Ujeeddadeedu waa inay isu keento qoraayaal, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal iyo akhristayaal xiiseeya falanqaynta arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, dhaqanka, suugaanta iyo horumarka guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Marag waxay ku dadaashaa inay soo bandhigto qormooyin asal ah oo leh aragti qoto dheer, xog la hubiyay iyo dood cilmiyeed oo dhisaysa fahamka akhristaha. Waxaan aaminsanahay in qoraalku yahay aalad awood leh oo lagu kobcin karo wacyiga, lagu dhiirrigelin karo isbeddel togan, laguna xoojin karo aqoonta bulshada.
Majaladdu waxay soo dhoweynaysaa dhammaan qoraayaasha leh karti iyo himilo ay ku cabbiraan fikradooda si hufan, mas'uuliyad leh, isla markaana waafaqsan heerarka qoraalka cilmiyeed.
Tifaftiraha Guud

Abdi Omar Bile
Tifaftiraha Guud
Abdi Omar Bile waa suxufi sare, khabiir dhanka isgaarsiinta dijitaalka ah, iyo cilmi-baare fadhigiisu yahay magaalada Garowe, kaasoo heysta shahaadada Master-ka ee Journalism and Mass Communication. Waa aasaase-wadaaga bogga wararka ee madaxa-bannaan ee Puntland Mirror, wuxuuna hadda yahay Agaasimaha Isgaarsiinta ee machadka cilmi-baarista ee SIDRA Institute. Abdi oo khibrad toban sano ka badan u leh falanqaynta amniga, siyaasadda, iyo baaritaanka xaqiiqda (fact-checking), ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Oxford Climate Journalism Network (OCJN), isagoo si weyn ugu takhasusay tebinta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Geeska Afrika.
Ku saabsan Majaladda Marag
Madal madaxbannaan oo soo saarta falanqayn, fikrad iyo cilmi-baaris Soomaaliyeed.
- 178
- Maqaallo
- 17
- Cadadyo
- 64
- Qorayaal
