Bulsho

Kaalinta Indheergaradka Soomaaliyeed: Dhab Mise Dhalanteed

Maqaalku wuxuu falanqaynayaa kaalinta indheergaradka Soomaaliyeed ee wacyigelinta, dib-u-dhiska iyo xallinta dhibaatooyinka bulshada. Wuxuu dhaliilayaa aqoonyahannada aqoontooda u adeegsada danaha qabiil, siyaasiyiin iyo kooxo, isagoo ku baaqaya fikir madax-bannaan, damiir bulsho iyo xalal wax-ku-ool ah.

Kaalinta Indheergaradka Soomaaliyeed:  Dhab Mise Dhalanteed

Hordhac

Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaadhacayaan colaado iyo abaaro soo noqnoqdo tan iyo bilowgii sagaashanaadka oo ku astaysan dumiddii iyo dhicidii Dowladii dhexe ee uu garwadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Burburkii Dowladdu waxa uu si taban u ragaadiyay dhammaan dhinacyada nolosha oo idil, haddday tahay mid bulsho, mid dhaqaale, mid waxbarasho iyo mid siyaasadeedba. 

Haddaba waxaa dow ah, in had iyo jeer la falanqeeyo sidii loo dabiibi lahaa bulshadaas bukta ee aafooyinka noloshu ku habsadeen. Sida ay soo bandhigeen cilmi-baarayaal iyo aqoonyahan badan, waxaa la rumaysan yahay in Indheergaradku uu kaalin togan ka qaadan karo dib-udhiska, hagaajinta iyo dawaynta bulshada gaar ahaan mujtamacaadka ka soo dooga colaadaha sokeeye.  Haddaba, maqaalkaan kooban waxa aynu ku gorfayn doonnaa Kaalinta Indheergaradka/aqoonyahanka ee ku aaddan xallinta mashaakisha, iyo dhibta haysata aqoonyahan faro badan oo Soomaaliyeed oo kaalintoodii gabay.

Qoraa Maxamed Daahir Afrax (2002), buuggiisa Dal Dad Waayay Iyo Duni Damiir Beeshay, waxaa uu ku falanqaynayaa cidda bi’isay magaca Soomaaliyeed, culayska iyo masuuliyaddana qaadaysa. Afrax waxa uu u kala abla-ablaynayaa bulshada Soomaaliyeed labo qaybood, kuwaas oo kala ah: Garwadeen (Elite) iyo La wadeen (Shacab-waynaha). Qoraaa Afrax, Garwadeenka ayuu dusha ka saarayaa masuuliyadda wixii hallaysmay iyo dhibta Soomaalidu ay dhex fadhido. Mar kale, waxa uu Garwadeenka u qaybinayaa Saddex qaybood: Garwadeen Siyaasadeed, mid Dhaqaale iyo mid Fikir.  Haddaba aqoonyahanka waxa uu soo galayaa kan danbe ee fikirka, sida uu dhibta qayb uga leeyahay, ayuuna xalka qayb libaax uga noqon karaa.

Cali Shariicati, buuggiisa Kaalinta Indheergaradka, waxa uu tilmaamaa in Mas’uuliyadda ay maanta leeyihiin dadka indheergaradka ama aqoonta leh iyo doorkooda dunida maanta uu asal ahaan la mid yahay doorkii ay lahaayeen hoggaamiyayaashii ummadaha, kuwii garwadeenka ka ahaa isbeddelka, kaalintii nebiyadii, rusushii, iyo sidoo kale hoggaamiyayaashii Madaahibta ee seeska u dhigay Culuumta Fiqhiga oo kale. Kaalinta indheergaradku waa in la dhiso wacyiga dad waynaha iyo Jamaahiirta si bulshadu ay unoqoto mid soo jeedda kana gilgilata gabood falka, xalna u hesha mushkiladaha horyaal.

Soomaaliya kama marna dad wax bartay. Waxa ay leedahay kumannaan jaamacado ka baxay, culimo, macallimiin, qoraayaal, suxufiyiin, dhaqaale-yahanno, sharci-yaqaanno iyo khubaro kaleba. Hase yeeshee, su'aasha muhiimka ahi ma aha immisa qof ayaa wax bartay. Su'aashu waa: immisa qof ayaa aqoontooda u beddelay damiir bulsho, fikir madax-bannaan iyo raadinta xal wax-ku-ool u ah colaadaha dabo dheeraaday iyo ma dhalaysnimada siyaasadeed?

Yaa indheergarad ah ama aqoonyahan?

Marka hore aan isku dayno in aynu ereygan af ahaan (luuqadda) u falanqayno, innaga oo kaashanayna Diiwaannada afka qalaad iyo Qaamuusyada afkeenna hooyo.  Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur (2012), oo leh Qaamuuska Afka Soomaaliga, waxa ay Kalmadda Indheergarad ku qeexeen, Qof caqli badan leh, qof cilmi meel sare ka gaaray. Markale waxay ku fasiraan, Awood aad ku fahmi kartid fikrad ama ra'yi ama akhbaar. Waxa iyaguna u micna dhow Waxgarad, xilkas iyo aqoonyahan. Annarita iyo Cabdalle, waxa ay aqoonyahan ku qeexaan: Qof aqoontiisa cilmiyeed sarrayso.  Keenadiid (1976), qaamuuskiisa waxa uu adeegsaday kalmadda Waxtar, oo yiri waa [qofka] wax loo baahi qabo keena. Sidoo kale Xilkas waxa uu ku qeexaa, xilka garan og.

Kalamadda Muthaqaf, oo aan isleennahay waxa ay u dhigantaa ama lagu beegi karaa micno ahaaan indheergarad, Qaamuusyada Carabiga sida Lisaan Al Carab, Mucjam Maqaayis Al luqah iyo, Qaamuus Al Muxiid, waxa ay xusaan in af-ahaan (luqadda marka la joogo): ay la micno noqonayso qof dhug leh ama fahan dheeri u saaxiib ah. Sidaas oo kale, buugta qayb baa ku fasirta, toosinta wax qalloocan, (Lisaan Al Carab, Ibnu Manduur)

Dr Suldaan Garyare waxa uu buugga uu ugu wanqalay DIIWAANKA EREYADA SIYAASADDA, ku qeexay Indheergarad. Waxa uuna tilmaamay in uu yahay Qof bilow ahaan isticmaala Maskaxdiisa, iyada oo aysan khasab ama muhiim ahayn inuu xirfad ama aqoon kale leeyahay. 

Ibnu Al Carabi, kitaabkiisa Axkaam Al Quraan, waxa uu tibaaxaa in kalmadda ثقف  ay micnayaasheeda ku jirto, dabrid oo uu ku tusaaleeyay in qofku aqoontiisa ku dabro ama ku fasiro arrimaha horyaal.

Labada erey ee aqoonyahan iyo Indheergarad, waxa aynu u adeegsanaynaa isku micne maqaalka gudihiisa.

Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo mar cabbirayey, waa kuma aqoonyahan?, wuxuu tibaaxay, in qof kasta yahay aqoonyahan, tusaale, ninka geel jiraha ah, wuxuu leeyahay aqoon la xiriirta sida geela loo maalo, loo daajiyo, loo xareeyo iyo waxyaabo kale oo la xiriira aqoonta geela, oo qofka aan lahayn khibraddaas suureysan karin.

Antonio Gramsci, wuxuu sheegay in dadka oo dhan yihiin indheergarad, balse aanay dhammaantood bulshada ka dhex qaban shaqada iyo doorka aqoonyahannimada/ indheergaradnimada. Wuxuu u kala saaray laba nooc:

  1. Aqoonyahanka soo-jireenka ah: sida macallinka, wadaadka, qoraaga ama maamulayaasha, si joogto ah hawshooda maalinlaha ah u gudanayay jiil ka jiil. Qolyahaan waxaa la oran karaa, waa bartii yaqaan bari uma korodho.
  2. Aqoonyahanka dabiiciga ah (abaabulan): qof ku dhex jira koox bulsheed, xisbi, shirkad ama dhaqdhaqaaq, una sameeya fikirka, afka iyo qorshaha ay kooxdu ku shaqaynayso. Qolyahani waxa ay u dabran yihiin ka shaqaynta danaha shirkadaha ay ka mushahaar qaataan si ay uga jibo keenaan yoolashooda, una socod siiyaan badeecadahooda (Gramsci, 1971).

Haddii aragtidan lagu eego Soomaaliya, waxaa muuqata in qaybo badan oo aqoonyahannada ka mid ahi noqdeen "aqoonyahanno kooxeed": qaar waxa ay af iyo aqoon u noqdaan qabiil; qaar waxa ay sharciyad u dhisaan siyaasiyiin; halka qaar kale ay fikrado u soo saaraan ururo; kuwo kalena waxa ay si indho la’aan ah u difaacaan nidaam kasta oo shaqo ama fursad siiya. Waa halkii uu Cismaan Y. Keenadiid ka lahaa: Nin mushaharo eexaynayaa, waa miskiin dhabahe.

Julien Benda wuxuu aqoonyahanka ku tilmaamay damiirka bulshada: qof aan runta ku iibsan faa'iido siyaasadeed, ama dano maaddi ah. Marka aqoonyahanku ka tago qiyamka guud oo uu noqdo difaaca koox gaar ah, Benda wuxuu arrintaas ku magacaabay "khiyaanada Indheergaradka" (Benda, 1927).

Maxamed Gaanni (2020), buuggiisa Dhabannahays, waxa uu tibaaxayaa in aqoonyahannimadu ay tahay kaalin, balse waxa muhiimka ah ay tahay ruux damiir leh oo xambaarsan qiyam iyo akhlaaq uu gudbinayo.  Sidaas darteed, aqoonyahan ma aha qofka keliya ee wax badan yaqaan, ee waa qofka aqoonta, damiirka iyo mas'uuliyadda bulshada isu geeya. 

Shiikh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa sidoo kale ku qeexa aqoonyahanku inuu yahay qof leh mabda’, jiho iyo fikrad aan la iibsan karin, kana shaqeeya diidmada khaladka iyo samaynta beddel wanaagsan (Bashiir, 2025). Wuxuu tibaaxayaa, Goorma ayuu qofku aqoon-yahan noqdaa. Wuxuu ku sharraxayaa markuu qof ku isku darsado saddex shay: midka koowaad waa: aqoon ballaaran, gun leh, isla mar kaasna asaas leh, midka labaad, waa marka nolosha uu ka yeesho mawqif, tan saddexaad waa: waa qofka aan aqoontiisa suuqa geyn.

Noam Chomsky, wuxuu ku fasirayaa Indheergaradku, waa qof runta ka hor sheega cidda awoodda haysa (suldada), daaha ka fayda beenta dowladaha, kana difaaca bulshada marin-habaabinta iyo dulmiga (Chomsky, 1967).

Edward Said, buuggiisa Representations of the Intellectual, uu afnaqay Soomaalina u turjumay, Cabdicasiis Aw Guudcadde oo u bixiyay Kaalinta Indheergaradka, wuxuu aqoonyahanka dhabta ah ku qeexayaa qof awood u leh inuu runta u sheego dadka awoodda ama talada haya, difaaco kuwa aan codka lahayn, burburiyo fikradaha qaldan, kana madax-bannaanaado cadaadiska siyaasadda, lacagta iyo sumcadda (Said, 1994).

Haddaba innaga oo isku soo xoorinayna doodaha kor ku xusan, Qeexitaanku ugu macquulsan ee indheergaradka aynu siinaynaa, waxa uu noqonayaa: waa qof leh awood aqooneed uu ku fahmi karo waxa hareerihiisa ka socda, isla markaasna bareerihiisa dhiiban kara isaga oo aan cidna ka habranayn, tooshkana ku ifin kara gefafka iyo gabood falka uu maamulku gaysto. Ujeedaduna waa in shacabka la baraarujiyo, dowladdana lagu soo celiyo jidka saxsan marka ay majaraha iyo dowga toosan baal marto.

 

Caqabadaha horyaal aqoonyahanka Soomaaliyeed

1. Aqoonta oo laga gooyey mas'uuliyadda bulshada iyo Waaqaca

Soomaaliya waxaa ka jira jaamacado, xarumo cilmi-baaris iyo dad badan oo haysta shahaadooyin sare, balse dalku weli wuxuu la tacaalayaa duruufo culus oo la xiriira tayada iyo helitaanka waxbarashada. Sida ku xusan daraasadda Bangiga Adduunka, helitaanka waxbarashada aasaasiga ah weli waa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee raasamaalka aadanaha Soomaaliya; xogta 2022 waxa ay muujisay in qiyaastii 39% oo keliya carruurta ku jirta da'da dugsiga hoose ay waxbarashada ka qaybgaleen (World Bank, 2026).

Paulo Freire wuxuu buuggiisa Pedagogy of the Oppressed ku adkaynayaa in wada-hadalku yahay saldhigga gudbinta aqoonta iyo waxbarashada dhabta ah. Aragtidiisu waxay tilmaamaysaa in aqoonta aan si hal dhinac ah loogu shubin dadka sida Bangi aad lacag dhiganayso, balse lagu dhiso wada-hadal ay labada dhinacba qayb ka yihiin (Freire, 2000).

Maalik Bin Nabi wuxuu ku dooday in ilbaxnimadu aysan ka dhalan ururinta alaab ama xog keliya, ee ay ka dhalato fikradda toolmoon, oo haddana mid taabbo gal ah, taasina waa marka si fiican looga faa’iidaysto kartida qofka, fikradda iyo maadiga ama ashyaa’da oo la isu geeyo si loo abuuro Xadaarad iyo Ilbaxnimo (Bennabi, 1948). Dhibaatada Soomaaliya ma aha aqoon-la'aan keliya waxaa qayb ka ah aqoonta oo aan si nidaamsan loogu beddelin xal.

Rugaha aqoonta sida Jaamicadaha iyo Iskuulladu waa in ay noqdaan ilaha aqoonta iyo fakarka toolmoon, kaas oo dhisaya wacyiga bulshada, korna u qaadaya isla-xisaabtanka iyo xiska gorfaynta, naqdinta iyo falanqaynta aragtiyaha, oo uusan noqon xaalku: Miro barde duuduub baa lagu liqaa. Jaamacadihii iyo iskuulladii Abwaan Hadraawi tilmaamay, ma aha kuwo soo saaraya aqoonyahanka aan u baahannahy. Hadraawi, waa tii uu lahaa: Iskuulladu waa dayayn, damiinnimiday dhigaan.

Cabdulwahaab Al-Masiiri, ayaa isaguna ku macnaynayaa, Indheergardka/Aqoonyahanka dhabta ahi, waa qof fikirkiisa u beddela mowqif iyo ficil bulshada wax ka beddela, ee ma aha qof aqoonta ku ekaada.

Cali Wardi wuxuu ku eedeeyay aqoonyahanno badan inay u dhaqmaan sida Waacidiin (Qof muxaadareeya keliya) iyaga oo bulshada ku canaananaya inay ka jibo keeni waayaan riyooyinkooda, dhibtuna waa in aqoonyahankaasi aysan fahmin sababaha bulsho ama dhaqaale ee ka dambeeya dhibtaas bulshada haysata. Aqoonyahanku (Muthaqaf-ku) ma ahan inuu noqdo xaakim ama waacid, ee waa inuu noqdo barbaariye cilmiga bulshada ah oo fahma xaqiiqada dhabta ah.

Qoraa Summayo Shoole (2021), ayaa buuggeeda Goojo ama Dhibic Dhab ah (جرعة حقيقة) ku xustay in aqoonyahan iyo indheergarad badan oo Soomaaliyeed ay ka warwareegaan in ay wajahaan ama ka hadlaan xaqiiqda iyo dhibta ay la daalaadhacayaan bulshada soomaaliyeed, taas beddelkeedna ay aqoonyahan badani jecelyihiin in ay ka warramaan taariikho hore iyaga oo faan ka dhiganaya. Markale waa ay marin habaabiyaan ama tafsiir khaldan bay saaraan dhibta iyo mushkiladda ummada Soomaaliyeed. Indheergaradkaas badi waxa ay lama taabtaan ka dhigaan taariikho hore, iyaga oo iska indho tiraya waaqaca.

2. Qabyaaladda oo dabarta madax-bannaanida fikirka

Qabiilku waa xaqiiqo bulsheed oo taariikhi ah, oo bixin karta isku-tiirsanaan, caymis, ilaalin iyo aqoonsi. Laakiin marka uu noqdo halbeegga lagu qiimeeyo runta iyo caddaaladda, wuxuu dhaawacaa aqoonyahannimada. Aqoonyahanka qabiilka u adeegaa isma weydiiyo "Maxaa sax ah?" wuxuu isweydiiyaa "Yaa sameeyey?" Haddii khaladka uu geysto qof jifidiisa ama reeerkiisa ka tirsan, wuxuu raadiyaa cudurdaar; haddii qof kale sameeyo, wuxuu adeegsadaa afka sharciga, diinta iyo caddaaladda siuu weerar ugu qaado. Marka hore waa fiqi tolkiis kama janno tago. Marka danbena, waa Indheergarad u eke (pseudo-intellectual).

Xuseen Cabdulaahi Bulxan, ayaa maqaal uu qoray 1980, u bixiyay, The Captive intelligentsia, waxa uu ku xusayaa in Indheergaradka aan xorta ahayn, ama la haystayaasha ah ee u dabran gumeystaha, ayaa dhab ahaantii ah abaabulayaasha siyaasadda qabiilka ku salaysan, halkii ay ka ahaan lahaayeen dhibbanayaasha siyaasadda qabiilka. Waxa ay runtii hormuud ka yihiin qaraabo-kiilnimada ku dhisan qabiilka iyo musuqmaasuqa xafiisyada dowladda. Bulxan waxaa kale oo uu sheegay in haddii tolnimada iyo isku xirnaanshaha qabiilku mar ahaan jireen habab bulsheed oo dadku u baxsadaan xilliga adag oo ay uga jawaabaan xaalad ama duruuf adag oo soo wajahda, indheergaradka ku raadoobay gumaystaha ayaa si naxariis-darro ah uga faa’iidaystay xiriirradaas, iyagoo u adeegsanaya danahooda gaarka ah iyo faa’iidooyinkooda shaqsiyadeed. Innaga oo ka duulayna doodda Bulxan, waxa aynu dhihi karnaa, indheergarad badani, qabyaaladda waa ku awrkacsadaan, iyaga oo eeganaya dantooda khaaska ah, sidaas darteed bulshadu baraarug bay u baahan tahay. Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin.

Edward Said wuxuu ku adkaysanayaa in imtixaanka ugu adag ee Indheergaradka uu yahay inuu dhaliili karo bulshada, qaranka ama kooxda uu isagu ka tirsan yahay (Said, 1994). Qofka cambaareeya dulmiga cadowgiisa laakiin qariya dulmiga saaxiibkiis, weli ma gaarin madax-bannaanida aqoonyahanka. Soomaaliya uma baahna aqoonyahan aan qabiil lahayn taasi xaqiiq ahaan ma sahlana. Waxa ay u baahan tahay aqoonyahan leh qabiil, laakiin aan qabiilku lahayn damiirkiisa iyo go'aankiisa. Si kale haddii loo dhigo, aqoonyahanku waa inuu ka soo horjeesan karaa qabiilkiisa haddii qabiilku qaato go’aanno gurracan.

Ali Wardi wuxuu ku dooday in aqoonyahanka (Muthaqaf-ka) Carabtu uu leeyahay laba shakhsiyadood. Fikrad ahaan wuxuu taageeraa dimuqraadiyadda iyo xorriyadda reer Galbeedka, laakiin dabeecad ahaan wuxuu ku walaaqdaa caadooyinkii hore ee qabiilka iyo taageeridda maamullo kaligii talis ah. Wardi wuxuu si adag u dhaliilay aqoonyahannada ku dhex jira riyooyinka kana fog xaqiiqda iyo duruufaha bulshadu la daalaa dhacayso.

Cabdi Xasan Jimcaale, ayaa buuggiisa Dhacdooyinka Madeganayaasha Geeska Afrika, ku tilmaamay in qofka Soomaaliga ah uusan lahayn go’aan qaadasho ugaar ah balse waxa uu eegaa oo uu go’aankiisa ku saleeyaa had iyo jeer danta beesha uu ka tirsan yahay. Taas oo ka dhigan in reernimada iyo tolnimadu ay qaabayso qaab fikirka qofka soomaaliga ah.

Soomaalida qaybteed baa adeegsada odhaah cajiib ah oo ah, Adeer-ku-muwaadin oo ah in markasta oo uu xilka qabto mid ku reer ah uu gar iyo gardarroba difaaacayo dowladda, iskana indho tirayo dayaca iyo gaabiska bulshada haysta.

3. Aqoonta oo la kaalin tiro, ama lagu dheeho Siyaasadda:

Shahaadadu qofka waxa ay ka dhigi kartaa xirfadle, laakiin si toos ah ugama dhigto aqoonyahan bulsheed (public intellectual/muthaqaf). Ustaad Gaanni baa yidhaahda, Huga iyo suudku kaa dhigi maayaan aqoonyahan haddii aysan waxbarashadu wax kaa beddelin oo dhaqankaaga iyo adduun araggaagu xagga toolmoon ujeensan (Dhabannahays, 2021).

Qofka waxgaradka ahi ma aha qofka yiraahda: “Waxaan ahay qof indheergarad ah, sababta oo ah waxa aan wax ku bartay Yurub, waxaan akhriyey buugaag ku saabsan fikradaha noocan ah, waxaan galay imtixaanno waawayn, waxaana helay shahaado.” Mas’uuliyadda qofka waxgaradka ahi ma aha wax laga kasban karo jaamacadaha oo keliya. Haddii uu qofku noqdo qof ka duwan dadka kale, kuna dhaboobaan astaamaha indheergaradku, taasi macnaheedu ma aha in uu wax ku bartay Harvard ama Sorbonne, Bal e haddii xataa qofkaasi ku sugan yahay waddankiisa oo uusan dhammaystirin waxbarashadiisa sare, laakiin uu qaato kaalintii indheergaradka, ma jirto cid dhahaysa ma tihid indheergarad/ama Waxgarad. Ujeedku ma aha goobta uu waxa kusoo bartay, ee waa kaalinta qofku qaato. (Cali Shariicati, Kaalinta Indheeragaradka).

Buugga Islam, Authoritarianism, and Underdevelopment, oo uu qoray khabiirka siyaasadda Ahmet T. Kuru (2019) wuxuu ku doodayaa in sababta asaasiga ah ee Dibudhaca siyaasadeed iyo fadhiidnimada dhaqaale ee ka jirta waddamada Muslimiintu aysan ahayn mid ku jirta mabaadi'da Islaamka ama inta badan mid ka dhalatay gumeystaha reer galbeedka [keliya], balse ay ka timaaddo qaab-dhismeed siyaasadeed oo taariikhi ah oo loo yaqaanno "isbahaysiga culumada iyo dowladda". Kuru wuxuu sharxayaa in xilligii "dahabiga" ahaa ee Islaamka (qarniyadii 8-aad ilaa 11-aad), bulshooyinka Muslimiinta ay ku barwaaqoobeen dhinaca aqoonta iyo dhaqaalaha sababtoo ah aqoonyahanno madaxbannaan (feylasuufyo, saynisyahanno) iyo ganacsato si ka madax bannaan dowladda u howl galayeen. Si kastaba ha ahaatee, laga bilaabo qarnigii 11-aad oo inta badan ka billowday Boqortooyadii Seljuk, isbeddel qaab-dhismeed ah ayaa dhacay kaas oo culimada diinta ay isbahaysi la samaysteen madaxda dowladda si ay u sharciyeeyaan falalka iyo go’aamadooda. Sida uu Qoraa Kuru xusay, waxa aynu dhihi karnaa arrintaas uu ka dhawaajiyay ayaana dhashay in hal abuurkii iyo waxsoosaarkii aqooneedba yaraadaan, jeer danbana dib u dhac bulsho iyo mid dowladeedba horseeday.

Marka aragtidaas lagu dabaqo Soomaaliya, waxaa ina hor imanaysa su'aal adag: aqoonyahanka Soomaaliyeed ma yahay iftiin bulshada jidka toolmoon u tilmaama, mise mararka qaarkood wuxuu noqday cod baahiye u shaqeeya siyaasiga sandareerta siiya, qabiilka, xafiiska ama cidda mushaharka bixisa? Soomaali baa hore ugu maahmaaday: markii wax laguu dhiibaad, wax garataa. Ama Af wax cunay xishoo!

In kasta oo ay dood badani ka jirto, in indheergaradku/aqoonyahanku uu xaq u leeyahay inuu siyaasadda galo, ama xisbi taageero, haddana sida xoogga badan mushkiladdu ma aha ka qaybgalka siyaasadda; waa marka uu qofku luminayo awoodda uu ku kala saari lahaa xaqiiqada iyo danta siyaasadeed. Waxaa jira farqi u dhexeeya aqoonyahan siyaasadda ku biira si uu fikrad ugu biiriyo, iyo qof aqoontiisa u adeegsada inuu sharciyeeyo go'aanka siyaasiga iyo gabood falka rajiimka uu ku abtirsado.

Ibn Khaldun wuxuu Al-Muqaddimah kaga digay in u dhowaanshaha madaxda iyo doonista raalli-gelintoodu dhaawici karaan madax-bannaanida aqoonta iyo saxnaanta wararka. Aqoonyahanka dowladda la shaqeeya waa inuu dowladda u keenaa xaqiiqo aysan jeclayn inay maqasho, uusan u sheegin oo keliya waxa ay rabto inay maqasho.

Soomaaliya, khabiirku mararka qaarkood wuxuu noqdaa qof hadalkiisa ku qaabeeya mashruuca hadda maalgelinta haysta. Tani macnaheedu ma aha in cilmi-baarisaha la maalgeliyo ay dhammaan khaldan yihiin se waxa ay ka dhigan tahay in aqoonyahanku isweydiiyo: Yaa dejiyey su'aalaha daraasadda? Danaha iyo ujeeddooyinka daraasadda yaa lagu metelay? Ma awoodaa inaan dhaliilo cidda mashruuca maalgelisay? Aqoonta madax-bannaan ma aha aqoon aan dhaqaale u baahnayn ee waa aqoon aan natiijadeeda horay looga iibsan.

Waxaa jira dadaallo mudan bogaadin oo laga sameeyey magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo dibaddeeda, sida Hargeysa, Muqdisho, Garoowe iyo Minnesota. Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa magaalooyinkaas ka hirgeliyey madallo lagu gorfeeyo buugaagta, laguna wadaago aqoonta iyo waayo-aragnimada la ururiyey. Hargaysa, ayaa mooddaa inay hoggaaminayso magaalooyinka Soomaaliyeed, waxaa ka jira: Geeska, Hargeisa debates, Salaam Institute, Barkulanka Ibnu khalduun, Akadeemiyada Maansuur iyo kuwo kale. Muqdisho, iyada waxa ugu tugtug roon Saaloonka Garaad-sheekaysi, Mogadisho debates iyo kuwo kaleba. Halka Magaalada Garoowe ay ka jiraan: Muntadaha wacyi, Subcis, Garowe Debates Society (GDS),May Fakaraan, Third House iyo kuwo kale.

Hase yeeshee, madalladaas qayb badan oo kamid ah, waxaa ka muuqda joogteyn la’aan, waxsoosaar yari, iyo maqnaanshaha yoolal aan si cad loo cabbiri karin. Arrintan waxaa qayb ahaan loo aanayn karaa in ashkaas koobani ku keliyoobaan oo si gaar ah u aasaasaan madal, culayska dhabarka uritaan balse muddo gaaban, mararka qaarkood sannad gudihii, ay shaqadeedu joogsato. Soomaalida waxaa weli ku yar iskaashiga aqooneed iyo wada-abuurka madallo waara oo la mideeyo awoodda, aqoonta, waayo-aragnimada iyo fikradaha kala duwan. Iskaashiga noocaas ahi wuxuu dhalin karaa natiijooyin wax-ku-ool ah iyo raad muuqda, wuxuuna aqoonyahanka iyo indheergaradka u suurtagelin karaa inay si wanaagsan u qaabeeyaan fikirka iyo aragtida bulshada. Dhaliil kale oo loo jeediyo madalahan, waa inaysan waxsoosaar qoraal ah ama cilmi baaris la shir iman. Intooda wax qortaana in ay afaf qalaad miciinsadaan, ayaa iyana ah boog ku taal aqoonyahanka.

Dhanka kale, waxaa maanta muuqata in qolyo si khaldan baraha bulshada u isticmaala, islamarkaasna ka arradan aqoon, akhlaaq iyo garaad ku filan, ay mararka qaarkood bulshada ku yeeshaan saamayn ka weyn tan culimada, aqoonyahanka iyo indheergaradka. Dad badan ayaa si joogto ah ula socda oo dhegeysta dadkaas, halka codadka aqoonta iyo miisaanka lihi aanay helin saamayntii laga filayey.

Xaaladdani waxay calaamad su’aal gelinaysaa kaalinta indheergaradka bulshada. Ma iyagaa ka gaabiyey gudashada waajibaadkooda aqooneed iyo hagidda bulshada? Mise waxay ku fashilmeen inay la jaanqaadaan hababka casriga ah ee bulshada lagula xiriiro? Gaabiskaas ayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey inay awood iyo fursad siiyaan dadka buuqa iyo aflagaaddada ku caan baxay, kuwa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay “Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB)” maadaama ay haystaan dhegaha iyo dareenka qayb weyn oo bulshada ka mid ah.

Maqaal uu qoray Bisha June 2026, ayaa wariyaha caanka ah ee Talafishinka Al Jasiira ka howgala, waa Faysal Qaasim, waxa uu tilmaamayaa in cidda kaalinta siisay CBBda ay tahay aqoon yahankii oo ku fashilmay inay raadeeyaan shacabka, kaalintoodiina ka seexday. Dhanka kale CBBdu waxa ay dad waynaha kula hadlaan af ay fahmayaan, in kasta oo ay si khaldan u falanqeeyaan mawaadiic waaqaca taabanaysa. Waxa iyana meesha kujirta, in tiknooloojiyadda iyo baraha internet ka ee saamaynta leh, ay indheergarad badani ka maqan yihiin ama ka muquurtaan, halka badi shacabwaynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay si joogto ah u joogaan barahaas si gaar ah Tiktokta iyo Facebook ga.

Indheergaradka ay Soomaaliya u Baahan Tahay

Mar uu Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil iftiiminayay, aqoonyahanka aan rabno waa in laga helaa laba arrimood, Midda kowaad: waa inuu leeyahay kayd aqooneed, iyo midda kale [Waa tan labaade] oo ah , waa in Xis naqdi ah leeyahay (Critique), Wuxuu tusaale u soo qaatay, aqoonyahanku waa in uusan noqon weel wax lagu shubay, tusaale, haddii kale CDs iyo flash disks ayaan aqoonyahan/indheergarad noqon lahaa, taas oo micnaheedu yahay, aqoon yahanku waa inuu fal celin togan iyo mid taban ka sameyn karaa ogaalkiisa, si loo helo natiijo wax dhista. Sidoo kale, aqoonyahanku waa mid aqoon u leh aqoonta waxyiga ah iyo midda kawniga ah, oo isku sameyn kara labada akhris, kana soo saari karaa macluumaad waxtar leh. Aqoontu waa in ay isbeddel nololeed keento, sidoo kalena isbeddel dhaqan keeni kartaa.

Iyadoo lagu saleynayo dhibaatooyinka iyo muskhiladaha ka jira waddanka, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay Indheergarad leh sifooyinkan soo socda:

Aqoonyahan u dabran dhisidda wacyiga iyo kobcinta aqoonta: Indheergaradku waa inuu noqdaa mid had iyo jeer heegan u ah dhisidda iyo kor u qaadista wacyiga bulshada iyo kobcinta aqoonteeda. Sida uu ku doodayo Sheekh Maxamed Gaanni (2021), buuggiisa Dhabannahays, waxa aynu u baahannahay aqoonyahan soo haltebiya, soo shiila aqoonta iyo cilmiga ku qoran afafka qalaad ee dunida horumartay, isaga oo ka shaandhaynaya wixii aan la jaanqaadi karin diinteena iyo dhaqankeenna suubban. Cali Shariicati, buuggiisa Kaalinta Indheergaradaka, waxa uu yidhi: “Halkii uu qofka aqoonyahanka ahi ama mufakirka ahi noqon lahaa mid turjuma aqoon shisheeye oo aan haba yaraatee la jaanqaadayn waaqaca iyo baahiyaha shacabka, waa inuu kala haadiyaa, soona haltebiyaa aqoon wax ka taraysa mashaakisha bulshada haysata. Bulshada la hadla, wixii xunna dhaliila, runtana aan habran.”

Indheergarad runta halbeeg isku mid ah ku cabbira: Indheergaradku waa inuusan musuqmaasuqa sax la noqon marka uu sameeyo qofka uu taageersan yahay; halbeeggu waa inuu ka sarreeyaa qabiilka, xisbiga iyo shakhsiga.

Cilmi-baare ah, xalna soo jeediya: Waxa aynu u baahannahay indheergarad leh awoodda iyo xirfadda cilmi-baarista si uu u gunto mashaakilka haysta bulshada, dabadeedna miiska u soo saaro khiyaaraadka iyo doorashooyinka ay tahay in la kala xusho. Aqoonyahanku waa inuu ogaadaa in dhaliil aan lahayn faham iyo jidka xalka loo maro ay isu beddeli karto quus-abuur. Aqoonyahanku waa inuu dhibaatada qeexo, caddeymo ururiyo, xulashooyin siyaasadeed soo bandhigo, kadibna taladiisa dib u eego marka xog cusub timaaddo.

Indheergarad adeegsada afkiisa hooyo: Indheergaradku waa inuu u heelanaadaa sidii afka Soomaaligu u noqon lahaa mid xambaara aqoonta cusub, laguna falanqeeyo siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo tiknooloojiyadda, halkii uu ka ahaan lahaa af loo isticmaalo sheeko iyo suugaan oo keliya.

Gunaanad

Ugu dambayn, indheergaradka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin culimada, aqoonyahanka, qorayaasha iyo hal-abuurayaasha, waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan habab cusub oo ay bulshada kula xiriiraan, isla markaana la jaanqaadaan tiknooloojiyadda casriga ah iyo goobaha ay dhallinyaradu ku kulanto. Maanta kuma filna in qofku haysto aqoon qiimo leh; waxaa sidoo kale muhiim ah inuu yaqaan sida aqoontaas loogu gudbiyo luuqad, qaab iyo madal ay bulshadu fahmi karto.

Cali bin Abii Daalib (RC) ayaa laga wariyey inuu yiri: “Dadka uga warrama ama la hadla hadba inta uu caqligoodu ama fahamkoodu le’eg yahay.” Hadalkan oo ku xusan Saxiix Al-Bukhaari wuxuu xoojinayaa in gudbinta aqoontu aysan ku koobnayn waxa la sheegayo oo keliya, balse ay muhiim tahay sida loo sheegayo iyo heerka fahamka dadka lala hadlayo (Al-Bukhaari, xadiithka 127).

Sidaas darteed, culimada iyo aqoonyahanku waa inay fariimahooda, wacdigooda iyo doodahooda u qaabeeyaan hab waafaqsan sida ay dhallinyaradu u fikirto, u hadasho, waxna u dhegeysato. Taas macnaheedu ma aha in la fududeeyo ama laga tanaasulo tayada iyo qotada aqoonta; waxay ka dhigan tahay in aqoonta loo gudbiyo qaab soo jiidasho leh, kooban, cad oo la fahmi karo.

Qur’aanka Kariimka ahi wuxuu farayaa in dadka loogu yeero jidka wanaagsan “xikmad iyo waano wanaagsan”, doodana loo maro habka ugu habboon. Sidaas awgeed, aqoonyahanka ama qofka culimada ka midka ahi waa inuu xiriir dhow la yeeshaa bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, una abuuraa jawi ay su’aalo ku weydiin karaan, fikradahoodana ku cabbiri karaan, si wada-hadal, dulqaad iyo daliil ku dhisan loogu qanciyo.

Haddaba, TikTok, Facebook, YouTube iyo baraha kale ee ay dhallinyaradu ku badan tahay waa in aan loo arkin oo keliya goobo madadaalo ama waqti-lumis, balse loo adeegsado madallo lagu faafiyo aqoon, akhlaaq, wacyigelin iyo fikir dhisan. Haddii culimada iyo aqoonyahanku ka maqnaadaan goobahaas, waxaa bannaanaanaysa meel ay buuxiyaan dad aan lahayn aqoon, masuuliyad iyo anshax bulsheed. Laakiin haddii indheergaradka bulshadu la yimaaddo hal-abuur, joogteyn iyo hab-farriimeed casri ah, wuxuu dib u hanan karaa kaalintiisa hagidda fikirka bulshada iyo dhisidda jiil aqoon, akhlaaq iyo garaad leh.

Tixraacyo

Benda, J. (2006). The treason of the intellectuals (R. Aldington, Trans.). Transaction Publishers.

Bennabi, M. (2003). Shurūṭ al-nahḍah [Shuruudaha dib-u-kaca]. Dar al-Fikr.

Bulhan, H. A. (1980). The captive intelligentsia of Somalia. Horn of Africa, 3(1), 25–37.

Gramsci, A. (1971). Selections from the prison notebooks (Q. Hoare & G. N. Smith, Eds. & Trans.). International Publishers.

Ibn Khaldun. The Muqaddimah: An introduction to history (F. Rosenthal, Trans.; 2nd ed.). Princeton University Press.

Said, E. W. (1994). Representations of the intellectual: The 1993 Reith Lectures. Pantheon Books.

UNESCO. (2023, December 11). UNESCO and Somalia moved the needle on digital learning in a conflict-affected country.

World Bank. (2026). Somalia's human capital agenda: Laying the foundations for a human capital delivery model

Al-Axmari, M. H. (2018). Mas’uuliyyat al-muthaqqaf. Muntada al-‘Alaqat al-‘Arabiyya wa al-Dawliyya.

Chomsky, N. (1967). The responsibility of intellectuals. The New York Review of Books.

Shariati, A. (n.d.). Mas’uuliyyat al-muthaqqaf. 

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.