TAYADA MISE TIRADA? Qiimeyn ku saabsan Maalgashiga Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Shaqaalaysiinta Dhallinyarada Qalin-jabisay
Maqaalku wuxuu qiimeynayaa koritaanka degdegga ah ee tacliinta sare Soomaaliya, isagoo iftiiminaya caqabadaha tayada, kormeerka iyo farqiga u dhexeeya xirfadaha qalin-jabiyayaasha iyo baahiyaha suuqa shaqada. Wuxuu muujinayaa in jaamacado iyo qalin-jabiyeyaal badan aysan si toos ah u kordhin fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Hordhac
Wixii ka dambeeyay burburkii dawladnimo ee dalka ka dhacay, Soomaaliya waxaa ka soo dhex baxay isbeddel aan caadi ahayn oo dhinaca tacliinta sare ah. Halkii uu nidaamkii waxbarasho ee burburay si buuxda u baaba'i lahaa, waxaa si tartiib ah u beddelay waxbarasho ay inta badan bixiyaan hay'ado maxalli ah iyo jaamacado gaar loo leeyahay.
Intii ka horreysay dagaalkii sokeeye, Soomaaliya waxay lahayd hal jaamacad dawladeed oo ku taallay Muqdisho, taas oo xilligaas diiwaangelinaysay qiyaastii 4,000 arday. Sanadkii 2013, daraasad ay samaysay Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) waxay sheegtay in dalka ay ka shaqaynayeen ku dhowaad 50 hay'adood oo waxbarasho sare ah, iyadoo tirada ardayduna ay ka badnayd 50,000.¹
Koritaankan degdegga ah wuxuu, si kastaba ha ahaatee, keenay su'aal muhiim ah: maxaa ka dhashay koritaankaas—tayo tacliimeed mise tiro keliya?
Dhibaatada ugu weyn waxay ka muuqataa farqiga u dhexeeya waxa jaamacaduhu baraan ardayda iyo waxa suuqa shaqadu u baahan yahay. Farqigaas ayaa qayb ka noqon kara sababta ay dhallinyaro badan oo waxbarasho sare soo dhammeeyay ay ugu adkaato inay helaan shaqo ku habboon aqoontooda iyo xirfaddooda.
Tirokoobka Goobaha Waxbarashada Sare
Tirada saxda ah ee jaamacadaha Soomaaliya weli ma aha mid si buuxda la isku raacsan yahay. Warbixinta Research in Somalia: Opportunities for Cooperation, oo ay 2020 soo saareen Overseas Development Institute (ODI) iyo SIDRA, waxay sheegtay in 76 jaamacadood lagu sheegay inay ka diiwaangashan yihiin Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Federaalka. Hase yeeshee, kooxda daraasaddu waxay si cad u sheegtay in aan tiradaas lagu xaqiijin dukumentiyo rasmi ah.²
Isla warbixintaas waxay sheegtay in kooxda SIDRA ay soo ururisay liis aan rasmi ahayn oo ka kooban 126 jaamacadood oo gaar loo leeyahay oo ku kala yaalla Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in tirada jaamacadaha Soomaaliya ay ka badan tahay tan dalalka deriska ah ee Kenya, Tanzania iyo Itoobiya marka loo eego xogtii la isticmaalay daraasadda.³
Kala duwanaanshahan tirakoobku wuxuu muujinayaa caqabad ka weyn tirada lafteeda: ma jiro nidaam qaran oo si joogto ah oo isku mid ah u qeexa, u diiwaangeliya una kormeera dhammaan xarumaha sheegta inay yihiin jaamacado.
Waxaa hadda Soomaaliya ka hawlgala Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare (NCHE) oo ku hawlan diiwaangelinta, kormeerka iyo qiimaynta Hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, waxaana bilowga sanadka cusub la heli doonaa xog dhammaystiran oo lagu kalsoonaan karo.
Daraasaddii HIPS ee 2013 waxay muujisay in 44 hay'adood oo waxbarasho sare ah la baaray, halka 34 ka mid ah la aasaasay intii u dhexaysay 2004 iyo 2012.⁴ Tani waxay caddeyn u tahay xawaaraha ay tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay ugu fiday Soomaaliya.
Koritaankaasi keligiis ma aha dhibaato. Jaamacado badan waxay kordhin karaan fursadda ay dhallinyaradu ku heli karaan waxbarasho. Dhibaatadu waxay bilaabmaysaa marka tirada hay'adaha iyo tirada ardaydu ay ka dheereeyaan awoodda nidaamka lagu hubinayo tayada, manhajka, macallimiinta, cilmi-baarista iyo xiriirka suuqa shaqada.
Shaqaalaysiinta iyo Suuqa Shaqada
Dhibaatada shaqo-abuurka dhallinyarada waxay ka dhigaysaa arrinta tacliinta sare mid aan ku koobnaan karin jaamacadaha oo keliya.
Sida ay sheegtay Institute of Economic Affairs (IEA) Somalia, in ka badan 60% dhallinyarada Soomaaliyeed ee da'doodu u dhaxayso 15–34 sano ayaa sannadkii 2025 aan ku jirin shaqo, waxbarasho ama tababar. Xogtaas waxaa sidoo kale soo xigtay Ecofin Agency bishii Febraayo 2026.⁵
Isla xogtaas waxay qiyaastay xoogga shaqaalaha Soomaaliya inuu gaarayay ku dhowaad 3.56 milyan oo qof sannadkii 2025.⁶
Dhanka kale, xogta World Bank ee lagu daabacay FRED waxay muujinaysaa in heerka shaqo-la'aanta dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 15–24 sano uu Soomaaliya ka ahaa 34.23% sannadkii 2025. Qiyaastani waxay cabbiraysaa saamiga xoogga shaqaalaha ee da'daas ku jira ee aan shaqayn balse diyaar u ah oo raadinaya shaqo⁷.
Tirooyinkani waxay muujinayaan in koritaanka waxbarashada sare uusan si toos ah uga tarjumin koritaanka fursadaha shaqo.
Dhibaatadu sidoo kale ma aha oo keliya in shaqooyinku yar yihiin. Waxaa jira su'aal kale oo muhiim ah: shaqooyinka jira ma la jaanqaadaan xirfadaha ay helaan ardayda jaamacadaha ka qalin-jabisa?
IEA waxay si gaar ah u tilmaantay jiritaanka farqi u dhexeeya nidaamka waxbarashada iyo baahiyaha suuqa shaqada, iyadoo sheegtay in loo-shaqeeyayaashu mararka qaar ay ku adkaato inay helaan shaqaale Soomaaliyeed oo leh xirfadaha farsamo iyo kuwa xirfadeed ee ay u baahan yihiin, xilli kumannaan qalin-jabiye ah ay shaqo la'aan yihiin⁸.
Suuqa shaqada Soomaaliya wuxuu weli si weyn ugu tiirsan yahay qaybta aan rasmiga ahayn (informal sector), halka shaqooyinka nidaamsan ee shirkadaha waaweyn, bangiyada, isgaarsiinta, hay'adaha caalamiga ah iyo hay'adaha dowladda ay yihiin kuwo kooban marka loo eego tirada dhallinyarada sannad kasta suuqa shaqada soo galaysa.
Dhallinyaro Badan, Shaqooyin Kooban
Soomaaliya waa dal ay dadka da'doodu yar tahay aad u badan yihiin. UNDP waxay 2024 sheegtay in in ka badan 80% dadka Soomaaliya ay ka yar yihiin 35 sano.⁹
Tani waxay ka dhigan tahay in waxbarashada iyo shaqaalaysiintu aysan ahayn laba arrimood oo kala go'an. Haddii jaamacaduhu soo saaraan kumannaan qof sannad kasta, balse dhaqaaluhu uusan abuurin shaqooyin ku filan ama xirfadaha la bixiyo aysan la jaanqaadin baahida suuqa, waxaa sii kordhaya farqiga u dhexeeya qalin-jabinta iyo shaqaalaysiinta.
Sidaas darteed, su'aashu ma aha oo keliya: “Immisa arday ayaa jaamacaduhu qalin-jabiyaan?” Waxay sidoo kale tahay: “Immisa ka mid ah qalin-jabiyayaasha ayaa helaya shaqo la xiriirta aqoontooda, xirfaddooda iyo takhasuskooda?”
Qiimeynta Tayada Waxbarashada: Tayo iyo Tiro
Dhibaatada tayada tacliinta sare waxay si cad uga muuqata heerka aqooneed ee macallimiinta.
Daraasaddii HIPS ee 2013, oo baaraysay 44 hay'adood oo waxbarasho sare ah, waxay ogaatay in 2,501 macallin oo la tiriyey ay 11% haysteen PhD, 50% Master's, halka 39% ay haysteen Bachelor¹⁰.
Warbixintii ODI/SIDRA ee 2020 waxay xaqiijisay isla xogtan, iyadoo tilmaantay in xogta HIPS ay ahayd daraasaddii ugu dhammaystirnayd ee ay heleen xilligaas¹¹.
Waxaa intaas dheer, daraasaddii HIPS waxay sheegtay in 86% hay'adihii la baaray ay ka cabteen awoodda hoose ee macallimiinta iyo shaqaalaha maamulka. Arrintan waxay si toos ah ugu xidhan tahay tayada waxbarashada iyo kartida ardayda marka ay u gudbaan suuqa shaqada¹².
Waxaa sidoo kale muhiim ah in tayada jaamacaddu aysan ku koobnayn shahaadada macallinka, balse ay ku xiran tahay manhajka, maktabadaha, shaybaarrada, tiknooloojiyadda, cilmi-baarista, habka waxbaridda iyo xiriirka ay jaamacaddu la leedahay hay'adaha shaqaalaysiiya ardaydeeda.
Daraasaddii HIPS waxay muujisay in 44-ta hay'adood ee la baaray, keliya 28 ay lahaayeen maktabad, halka 32 ay sheegeen inay lahaayeen shaybaar kombiyuutar. Sidoo kale, wax ka yar kala bar hay'adihii bixiyay koorsooyin la xiriira injineernimada ayaa lahaa shaybaar saynis¹³.
Arrin kale oo walaac leh ayaa ahayd cilmi-baarista. Keliya 15 ka mid ah 44-ta hay'adood ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin wax daabacaad ah, halka midna uusan soo sheegin inuu si dhab ah uga qaybqaadanayay hawlo cilmi-baariseed¹⁴.
Tani waxay tilmaamaysaa in jaamacad aan lahayn cilmi-baaris xooggan ay ku adkaan karto inay noqoto xarun aqoon-abuur iyo xal u helidda dhibaatooyinka bulshada.
Manhajka iyo Baahida Suuqa Shaqada
Dhibaatada tayadu kuma koobna macallimiinta. Waxaa sidoo kale muhiim ah waxa ardayga la barayo iyo sida aqoontaas loogu beddelo xirfad shaqo.
Warbixinta ODI/SIDRA waxay sheegtay in jaamacadaha la baaray ay bixiyaan maaddooyin badan, iyadoo Computer Science, Social Sciences, Business and Management, Law, Public Health, Education iyo Medicine ay ka mid ahaayeen takhasusyada ugu badan¹⁵.
Hase yeeshee, isla warbixintu waxay tilmaamaysaa in nidaamka tacliinta sare uu leeyahay dhibaatooyin la xiriira maamulka, cilmi-baarista, tayada iyo xiriirka uu la leeyahay baahiyaha suuqa shaqada. Warbixintu waxay si gaar ah u sheegtay in kobaca jaamacadaha gaarka loo leeyahay uusan mar walba ku salaysnayn falanqayn ku saabsan baahida hadda iyo tan mustaqbalka ee suuqa shaqada iyo dhaqaalaha¹⁶.
Taasi waa meesha ay ka bilaabato su'aasha muhiimka ah ee qormadan: Jaamacaddu ma waxay soo saartaa qof shahaado haysta, mise qof shaqo qaban kara?
Shahaado jaamacadeed waxay caddayn kartaa in qofku dhammeeyay barnaamij waxbarasho. Laakiin suuqa shaqadu wuxuu u baahan yahay qof awood u leh inuu xalliyo dhibaato, isticmaalo tiknooloojiyad, falanqeeyo xog, maareeyo mashruuc, qoro warbixin, la shaqeeyo koox, fahmo suuqa, la qabsado isbeddelka, isla markaana aqoontiisa si wax-ku-ool ah ugu dabaqo shaqada.
Saameynta Bulsho
Natiijada dhibaatadani kuma koobna dhaqaalaha. Waxay leedahay saameyn bulsho oo ballaaran.
Marka arday afar sano ama ka badan ku bixiyo lacag, waqti iyo dadaal, balse uu qalin-jabinta ka dib waayo shaqo ku habboon aqoontiisa, waxaa dhalan kara niyad-jab iyo kalsooni-darro ku saabsan qiimaha waxbarashada lafteeda.
Dhallinyarada qaar waxay markaas u jeesan karaan raadinta fursado dibadda ah ama socdaal khatar ah. Arrinta socdaalka dhallinyarada iyo khasaaraha aqooneed ee ka dhalan kara ayaa muddo dheer lagu tilmaamay mid ka mid ah caqabadaha horumarinta raasamaalka aadanaha Soomaaliya¹⁷.
Tani waxay abuuri kartaa waxa loo yaqaan “Brain Drain”—xirfadlayaal iyo dad aqoon leh oo dalka ka baxa, halka dalka gudihiisa lagu bixiyay kharashkii iyo dadaalkii lagu soo saaray aqoontooda.
Dhinaca kale, qalin-jabiyayaasha aan helin shaqo ku habboon aqoontooda waxay ku qasbanaan karaan inay qabtaan shaqooyin aan la xiriirin takhasuskooda.
Gunaanad: Soomaaliya Ma U Baahan Tahay Jaamacado Badan Mise Jaamacado Tayo Leh?
Dhibaatada dhabta ahi waxay ka muuqataa saddex meelood:
1. Nidaamka jaamacadaha waxaa ka jira kala-duwanaansho weyn oo ku saabsan tayada, awoodda macallimiinta iyo kaabayaasha waxbarashada.
2. Cilmi-baarista iyo aqoon-abuurku weli waa kuwo xaddidan marka loo eego baahida dalka.
3. Waxaa jira farqi u dhexeeya xirfadaha ay nidaamka waxbarashadu soo saarayo iyo xirfadaha uu suuqa shaqadu u baahan yahay.
Ugu dambayn, qiimaha jaamacaddu kuma cabbirna inta arday ee ay qalin-jabisa oo keliya; waxaa lagu cabbiri karaa sidoo kale inta ay ka caawiso bulshada inay hesho aqoon, xirfad, cilmi-baaris iyo shaqaale awood u leh inay wax soo saaraan.
Soomaaliya waxay u baahan tahay in maalgashiga tacliinta sare laga wareejiyo “Tirada” loona gudbiyo “Tayada.”
FOOTNOTES
¹ Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), The State of Higher Education in Somalia: Privatization, Rapid Growth, and the Need for Regulation, August 2013, pp. 1–2.
² Arnaldo Pellini et al., Research in Somalia: Opportunities for Cooperation, Overseas Development Institute (ODI) & Somali Institute for Development Research and Analysis (SIDRA), February 2020, p. 22.
³ Ibid., pp. 22–23.
⁴ Heritage Institute for Policy Studies, The State of Higher Education in Somalia, p. 2.
⁵ Institute of Economic Affairs (IEA) Somalia, “High Youth Unemployment and Skills Mismatch in Somalia,” 12 June 2025; sidoo kale Ecofin Agency, “Over 60% of Somali youth were neither working nor in training in 2025,” 3 February 2026.
⁶ The Global Economy, Somalia: Labor Force, xogta World Bank, 2025.
⁷ World Bank, Youth Unemployment Rate for Somalia, indicator SL.UEM.1524.ZS, oo lagu daabacay FRED, Federal Reserve Bank of St. Louis, xogta 2025: 34.230%.
⁸ Institute of Economic Affairs (IEA) Somalia, “High Youth Unemployment and Skills Mismatch in Somalia,” 12 June 2025.
⁹ United Nations Development Programme (UNDP) Somalia, “Somalia’s Human Development Story: A New Chapter Begins,” 31 July 2024.
¹⁰ Heritage Institute for Policy Studies, The State of Higher Education in Somalia, p. 2.
¹¹ Arnaldo Pellini et al., Research in Somalia: Opportunities for Cooperation, ODI & SIDRA, 2020, p. 23.
¹² Heritage Institute for Policy Studies, The State of Higher Education in Somalia, pp. 1–2.
¹³ Ibid., p. 2,
¹⁴ Ibid., p. 2.
¹⁵ Arnaldo Pellini et al., Research in Somalia: Opportunities for Cooperation, ODI & SIDRA, 2020, p. 23.
¹⁶ Ibid., p. 9,
¹⁷ United Nations Development Programme (UNDP), Somalia Human Development Report 2012, qaybaha ka hadlaya shaqo la'aanta dhallinyarada, socdaalka iyo caqabadaha horumarinta raasamaalka aadanaha.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Doorka cilmi-baarista ee waxbarashada sare ee Soomaaliya


Waxbarashada Puntland ee Maanta: Caqabadaha Jira iyo Fursadaha Isbeddelka

Qaran-Jabkii Soomaaliya: Saamayntiisa Dhallinyarada iyo Rajada Mustaqbalka


