Siyaasad

HANNAANKA DAWLADNIMO IYO MAAMUL EE PUNTLAND QAADATAY 1998: DADKA MA KHASAAREEN MISE WAA KU FAA’IIIDEEN (Qaybta 2aad)

Qoraalku wuxuu dhaliilayaa hannaankii dawladnimo ee Puntland qaadatay 1998, isagoo dib u eegaya axdigii aasaaska iyo dastuurka 2012. Wuxuu soo bandhigayaa maamulka Islaamiga ah ee Cumar bin Cabdicasiis, gaar ahaan caddaaladda, la dagaallanka musuqa, isla-xisaabtanka iyo daryeelka bulshada, oo uu tusaale maamul-wanaag u arko.

HANNAANKA DAWLADNIMO IYO MAAMUL EE PUNTLAND QAADATAY 1998: DADKA MA KHASAAREEN MISE WAA KU FAA’IIIDEEN (Qaybta 2aad)

“QURAAN ALIF KA QALOOCDAY AL-BAQRA KAMA TOOSO”


ARAR

Wadada iyo hannnaanka maamul ee Puntland ay qaadatay markii la aasaasay 1998-dii, ma aha mid leh jiho iyo jaah dawladnimo oo la yaqaan. Aduunka aynu ku dhaqanahay dadku wuxuu isku maamulaa nidaam Islaam oo shareecaddu gundhig u tahay iyo nidaam dadku degsaday oo dimuqraadi ama keli-talis cilmaaniyad ku dhisan (kala saaridda dawladda iyo diinta) gundhig u yahay.

Innagoo u raadinayna jawaab duruufta dawladnimo ee xilligaan ka jirta Puntland, gaar ahaan fadhiidnimada maamul, baahsanaanta musuqa, dabacsanaanta shaqaalaha dawladda, dib-u-dhaca horumarka iyo jahwareerka siyaasadeed ee taagan. Bal aynu eegno halka aasaasku ka bilowdey, aragtida dawladda lagu aasaasay, hannaanka la qaatay, jahwareerka xilliga uu bilowdey iyo fursadaha sixidda.

AXDIGA LAGU AASAASAY PUNTLAND 1998-DII

Markii la guddoonsaday in deegaannadda Waqooyi Bari Soomaaliya loo sameeyo maamul, wixii ugu horeeyey ee la qotomiyey wuxuu ahaa axdi qeexaya hindisaha, hiigsiga aasaasayaasha maamulka cusub, waxaa lagu qeexay mabaadii’da iyo hannaanka dawladnimada sida ku cad qaybaha iyo qodobbada jaartarka sida;

Ararta Axdiga 1998-dii Dawlad Goboleedka Puntland faqradihiisa waxaa ka mida faqradda oranaysa; Annagoo ku mintidayna in aan carruurtayada dhaxal-siinno nolol, nabad, caddaalad, baraare iyo sugnaansho leh;

Qodoka 1-aad axdiga 1998-dii Dawlad Goboleedka Puntland, qodobka 1-aad farqadiisa 8-aad; Puntland waa dawlad leh qaab xukun baahsan, awoodda ugu sarraysana – tan Eebe mooyee – shacbigu leeyahay;

DASTUURKA DAWLADDA PUNTLAND 2012-KA

Qodobka 3aad Dastuurka Puntland 2012; Mabaadi’ida Asaasiga Ah;

  1. Awoodda oo dhan EEBBE ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas'uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas'uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
  2. Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan kara si gaar ah.
  3. Hannaanka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadi’da hogaamineed ee:
    1. Shareecada Islaamka;
    2. Is-xukunka Dadweynaha
    3. Maamul-wanaagga;
    4. Wada-tashiga;
    5. Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed
    6. Danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah.
    7. Tartanka Xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dalka oo dhan.
  4. Puntland waxay aqoonsan tahay mabaadi'da aayo-ka-tashiga ummadaha adduunka.
  5. Puntland waxay taageereysaa in khilaafaadka caalamiga ah, kuwa cusub iyo kuwii hore u jireyba, lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab nabadeed.

 DAWLADNIMADA IYO ISLAAMKA

Islaamku wuxuu leeyahay nidaam dawladnimo oo dhayda ka cad, waxaana la yiraahdaa Al-siyaasa Al-sharciya, oo micnaheedu yahay siyaasadda maamul ee ku qotonta sharciga (al-halal wal-haram) ee lagu maamulo dhulka ay ka taliso dalwadda Islaamka.

Waxaa hannaanka dawladnimo ee sharciga islaamka waafqsan laga soo minguuriyey Qur’aanka iyo Sunnaha Suubbanaha SCW, waxaana gundhigay Suubanaha SCW, waxaa raacay waddadiisa khulafadii hannuunsanayd ee afarta ahaa, Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali Allaha ka raali ahaaddo dhammaantood. Waxaa casriyeeyey oo nooleeyey manhajka siyaasadda sharciga ee islaamka khaliifkii 5-aad Cumar Bin Cabdicasiis Allaha ka raali ahaado.

NIDAAMKA SIYAASADDA EE KU SALAYSAN QURAANKA IYO SUNNADA (MASLAXADA ADUUNKA OO LOOGA SHAQEEYO IN AABAAL AAKHIRO LAGU HELO)

Khaliifkii 5-aad Cumar bin Cabdicasiis

Khaliifkii Cumar bin Cabdicasiis wuxuu hirgeliyey nidaam leh heykal kala soocan oo la raaco si loo gaaro maqaasidda shareecada iyo dawlad caddaalad ku salaysan. Tiirarka nidaamka maamul wannaaga ee uu hirgeliyey Cumar Bin Cabdicasiis waa sidan;

  1. Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga
    1. Wuxuu qaatay in wax walba loo bandhigo kitaabka iyo sunnada iyada oo waxa kasta oo ka soo horjeeda ay yihiin waxba kama jiraan.
    2. Wada-Tashiga (Shuuraa) wax kasta oo masiiri ah sida magacaabidda madaxda dawladda iyo maamullada gobollada wuxuu ku go’aan qaadan jiray latashiga uu la sameeyo cullimada diinta.
  2. La dagaalanka Musuqa Maaliyadeed iyo ilaalinta dhaqaalaha dawladda.
    1. Khaliifku wuxuu baanka dawladda (Baityul-Maalka) ku shubay wax kasta oo hanti oo gacantiisa ku jirtay, sidoo kale qabiilkiisa bani-umaya madaxdooda wuu ka qaaday hantida sida sharciga ah aysan ku tacban, baanka dawladda ayuu ku shubay ama cidii lahayd buu u celiyey.
    2. Nidaamka Canshuuraha; wuxuu joojiyey dadka muslimay jizyada laga qaadi jiray, wuxuuna buriyey canshuuraha dadka cusleeyey.
    3. Khaliifku wuxuu hirgeliyey Horumarka iyo Takaafulka Bulshada; Dhaqaalah dawladda wuxuu ku bixiyey horumarka deegaannada, la dagaalanka saboolnimada, ilaa la waayey cid zaka ay ku baxdo.
  3. Siyaasadda Garsoorka iyo Madaxbanaanidiisa
    1. Khaliifku wuxuu go’aamiyey in garsoorayaasha lagu xusho aqoon, amaano iyo karti shaqo
    2. Sarraynta sharciga islaamka: dadku kooda cad iyo kooda madow, kooda xaakimka ah iyo kan la xukumo intaba sharciga hortiisa waa siman yihiin, khaliifku wuxuu shaqada ka ruqsayn jiray ninkii lagu sheego inuu cid u xagliyey.
  4. Siyaasadda Waaliyadda (dawladda korjoogtaynta adag ee hay’adaha)
    1. Isla-xisaabtanka iyo Is-weydiinta: korjoogtayn ay ku xigto fulin cawaaqib adag leh.
    2. Deeqsiinta madaxda dhaqaale (mushahar) ahaan si ay uga kaaftoomaan xoolaha ummada, laaluushka iyo uga faa’iideysiga awoodda si sharci darra ah.
    3. Ka mamnuucidda madaxda ganacsiga si aysan u dhicin iska hor-imaad danta guud iyo danta gaarka ee madaxda.
  5. Siyaasadda Mucaaradka iyo Dimiyiinta
    1. Kula dhaqanka mucaaradka silmiga iyo jabhadaha hubeysan wadahadal iyo dood-wadaag, qancin iyo hordhigid cadaymo iyo xujooyin.
    2. Ilaalinta xuquuqda dadka aan muslimka ahayn, ilaalinta maalkooda, u celinta wixii dulmi looga qaatay iyo caawintooda dadkooda fuqurada ah beytulmaalka.

Ugu danbayn, siyaasadda sharciga ee Khaliifka Cumar Bin Cabdiasis waxay ku fadhiday;

Ø  aayadda quraanka: "إن الله لا يصلح عمل المفسدين" Allah ma hagaajiyo ficilka kuwa mufsidiinta ah.

Ø  Hagaagga iyo toosnaanta bulshada waxay ku xirantahay hagaagga iyo toosnaanta xaakimka (madaxda)

CAALIMKA CABDIRAHMAN IBN-KHALDUN

Aragtida Dawladnimada ee Caalimka Cabdirahman Ibn-Khaldun (نظرية ابن خلدون في الدولة)

Caalimka Ibn-Khaldun wuxuu ku dhisay aragtidiisa dawladda qawaaniin bulsho, taariikheed oo uu ugu magac daray Dabeecada Degsiimeynta Basharka "طبائع العمران البشري" oo micnaheedu yahay sida ay ku samaysanto ilbaxnimada buslsho-neg oo leh nidaam maamul iyo kala danbayn.

Caalimka Ibn-Khaldun wuxuu cabbiray habka dawladaha ku aasaasmaan, sida ay u hana-qaadaan iyo sida ay u burburaan.

  1. Aragtida Casabiyada Danwadaagta ah: Dareenka isku xirnaanta iyo isku duubnida ee ku salaysan dhiig iyo dhalasho ama dan-wadaag
    1. Dadku dabiicadoodu waa dulmi-u-joog, waxa lama huraan ah in la helo nidaam xakameeya, gacan bir ahna ku qabta.
    2. Awood iyo wax-goyn ayaa saldhig u ah nidaam kasta oo dhisma, si uu uga takhaluso awoodaha kale ee la baratamaya.
    3. Diintu waxay ciyaartaa kaalin muhiim ah markay la falgasho casabiyada, waxay yaraysaa tartanka, waxay xoojisaa isku duubnida iyo kala danbaynta.
  1. Cimriga Dawladda; Jiritaanka dawladda (Saddex Jiil oo jiilkii 40 sano yahay)
    1. Jiilka Koowaad ee bud-dhigayaaasha ah (Jiilka Acraabta) ama (jiilka carcarta qaba) waxay hindisaan oo gundhigaan dawladnimada iyagoo ah dad ad-adag, geesiyaal, isku tiirsan.
    2. Jiilka Labaad ee hantay wixii aabayaashood dhiseen (Jiilka Ilbaxnimada iyo Xukunka) waxay ku mashquulayaan macaanka nolosha hanti urursiga, hogaamiyaha ama xaakimku wuxuu la keli noqdaa talada, dadka kale wuu iska fogeeyaa nidaamka dawladnimada ayaa wax walba laga sugaa.
    3. Jiilka Sedexaad waa jiilka aan ogeyn meesha laga yimi (Jiilka gabowga iyo burburka) waxuu lumiyaa isku duubnidii iyo shinsigii dawladda ee ka dhaxeeyey hogaanka, wuxuu kaloo lumiyaa hal-daygii, wuxuu taxaaluf iyo difaac ka dalbadaan dawladda shisheeye.
  1. Silsiladaha 5ta ee dawladdu marto (أطوار الدولة الخمسة)

Maamulka dawladeed intuu jiro wuxuu maraa maraaxil 5 ah oo talantaali isu daba yaal, waxaana ku soo koobi karnaa qaabkaan;

  1. Marxaladda 1aad; Xukun Qabsashada iyo Guusha. Xaakimka wuxuu xukunka, talada iyo dhaqaalaha la wadaagaa cashiiradiisa.
  2. Marxaladda 2aad; Kaligii Taliska, Awood Maroorsiga iyo Samaynta Calooshood u shaqastayaasha.
  3. Marxaladda 3aad; Dhaqaala Tacabka, Dhisidda Qasriyada iyo Raaxeysiga. Nabadda ayaa la nuugaayaa.
  4. Marxaladda 4aad; Qanaacadda Dhaxalka iyo Nabad-Jaceylka. Isku filnaysiinta wixii la dhaxlay oo keliya iyadoo bar lagu darin.
  5. Marxaladda 5aad; Marxaladda ku takrifalka dhaqaalaha, u adeegsiga xoolaha dawladda sidii xoolo gaar ahaaneed, xafladaynta, weyneynta fanaaniinta iyo jacaylka amaanta.

Sababaha Burburka Dawladda

Ugu danbayntii, Caalimka Ibn-Khalduun wuxuu ku soo koobay burburka dawladda laba sababood oo waaweyn;

  1. In la waayo isku tiirsanaanta, midnimadda iyo wadaagga ku dhisan cashiirada, diinta midkood ama labadaba (danwadaag la waayo)
  2. Burburka dhaqaalaha iyo maamul xumida maaliyadda. Markuu bato xoolo urursiga iyo boobka hantida dawladda, waxaa yaraanaya dhaqaalaha dawladda, canshuur kordhin baa bilaabanaysa, ganacsiga ayaa qiima beelaya, dadku waa faqrinayan, dabadeedna dawladnimada ayaa la weynayaa.

HANAANKA DAWLADNIMO EE REER-GALBEEDKA ADDUUNKA U DHOOFIYEEN

Laga soo bilaabo qarnigii sagaalaad ilaa iyo qarnigii 15-aad, Yurub waxay ku jirtay jahwareer, is-maquunin, boqortooyo hanti-goosad ah iyo kaniisado ruhbaan hogaaminayaan, dhammaantood waxay ka sinnaayeen hannaanka dulmiga shacabka, ku dul-noolaanshaha shacabka iyo jaqidda dhiigooda.

Heshiiskii Westphalian (1648): Heshiiska wada hadalkiisa wuxuu bilowdey 1644, wuxuuna socda ilaa heshiis laga gaaray 1648-dii, waxaana lagu guddoonsaday in la sameeyo nidaam dawaladeed oo adduunku ku wada dhaqmo, lagu wada noolaado, leyskuna tixgeliyo. Halkaas ayey reer-galbeedku khibrad dheer dabadeed ku unkeen nidaam iyaga iyo duruuftooda ku habboon aduunkana u soo waarideen,

Asaaska Dawladnimadda Reer-Galbeedka; Falsafadda udub-dhexaadka u ah hannaanka dawladnimo iyo maamul ee reer-galbeedku qaatay waa waxa loo yaqaan Dimuqraadiyadda Xorta ah (Liberal Democracy) oo ah nidaam maamul oo metelaad ku dhisan iyo ilaalinta xorriyadaha qofka iyo sarraynta sharciga. Tiirarka muihiimka ah ee nidaamyada kala duwan ee maamulka dawaldeed ee reer-galbeedku ku dhisan yahay waa;

  1. Madaxbanaanidda iyo Awoodda Shicibka; Awoodda waxa leh shicibka, waxayna ku amaansadaan madaxda iyagoo u maraya doorasho guud oo xor iyo xalaal ah.
  2. Kala Soocidda Awoodaha Dawladda; Awoodaha madaxda dawladda lagu amaansado waxaa loo qaybiyaa saddex dhardhaarood oo is dheelitira (golaha wakiillada, golaha xukuumadda iyo golaha garsoorka)
  3. Sarraynta Sharciga/Xeerka iyo Xoriyadda Madaniga; Ma jiro qof sharciga ka sarreeya, dadkoo dhami waxay u wada siman yihiin xeerarka dalka, si siman ayaana loogu dhaqayaa. Sidoo kale Dastuurku wuxuu dhawraa xorriyadaha madaniga, wuxuuna hubiyaa in dadku ku naaloodaan madaxbanaani xuquuqdoodana helaan.

 FALANQAYN XAALADDA DAWLADNIMO EE PUNTLAND

Puntland xagee ka joogtaa dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay ee kala ah, Axdigii lagu aasaasay, Dastuurkii dhaqan galay 2012-kii, nidaamka dawladnimo ee Islaamka, nidaamka dawladnimo ee Reer-galbeedka?

  1. Axdigii lagu Aasaasay Puntland 1998-dii: Sidii loogu hanweynaa dawladda curatay ma noqon, isla markiiba nidaamkii wax qaybsiga wuxuu noqday qabiil waxaana la qadiyey ama la xaqirey beelo badan oo dega Puntland xaqqooda ka qaybgalka talada iyo awood-qaybsiga (waa hadaan aqbalno nidaamka qabiilka laftiisa), waxaana dhacday in qabiilladu aysan u sinnaanin dawladnimada, helina waayaan adeegyadii dawladda.
  2. Dastuurka Dhaqan-galay 2012-kii: Caano daadatay hanbadooda la qabtaaye, ma dhicin in wax la saxo ee nasiib daro dastuurkani wuxuu dhidibbada u adkeeyey nidaamkii qabiilka, wuxuu quusiyey oo rajo-beel ka dhigay shicib badan oo quud-daraynayey in wax is bedelayaan. Waxaa intaa kasii daran inuusan soo kordhin wax horumar ah oo lagu saxayo taladii qabiilka ee lagu hungoobay, taas bedelkeeda madaxweynihii dastuurkan bud-dhiga u ahaa wuxuu toshay jaakad isaga le’eg iyo in xilku yahay 5 sano, dadbeedna wuu meel-marsaday.
  3. Islaamka iyo Dawladda Puntland: Marnaba lama dhaqan gelin, lamana damcin in la dhaqan geliyo hannaan ku dhisan Siyaasadda Sharcigga ee Islaamku yahay diin iyo dawlad (aakhirada iyo aduunka isu dheeli-tiran). Siyaasadda dawladda Puntland waxay had iyo jeer isu buureysey in wax walba lagu saleeyo aragtida manfaca aduunka, marna lagama dheegan shareecadda in madaxdu go’aamadooda ay ku jaangooyaan Quraanka iyo Sunnada, ilaalinta masuuliyadaha saaran. Hoggaanka iyo maamulayaasha qaybaha kala duwan ee dawaldda kama dhawrsan tala-maroorsiga, ku takri-falka dhaqaalaha ummadda, kama dhiidhin shacabka darxumadooda, kama laaban gacmaha qabyaaladda iyo nin-eexeeysiga. Intaas waxaa ka daran shacabka oo taladooda u dhiibtay kuwooda ugu sharta badan.
  4. Nidaamka Reer-galbeedka iyo Puntland; Hannaanka dimuqraadiyadda xorta ah ee reer galbeedka wuxuu qiime gaar ah siiyaa qofka, wuxuu markasta ka amba-qaadaa in shicibku yahay kan awoodda leh. Hogaamiyaha iyo maamuluhuna yahay adeege loo dhiibtay awoodda dawladnimo xilli kooban, xilkana inuu soo celiyo laga dhawrayo. Hogaamiyaasha Puntland (kuwii hore iyo kuwa hada jooga) ma qirsana in shacabku yahay awoodda kama danbeysta ah, balse waxay u arkaan adoomo iyaga u adeega, awooddana siday doonaan bay uga maqsuudaan, iyagoo aan cawaaqib ka baqayn.

 DHIBKA KA JIRA DAWLADNIMADA PUNTLAND

1.     Balanqaadyada aan la Fulin; xilliga doorashada, waxaa ololaha iyo balan-qaadka looga daydaa reer-galbeedka, waxaase reer-galbeedkii diinta ka fogaa looga sii liitaa in laaluush bareera ah xilka lagu helo, in aan wixii la ballan-qaaday hal mashruuc, ama hal barnaamij laga fulin, dabadeedna, loo baryo tago dibadda, wixii laga helana akoono gaar ah lagu shubto.

2.     Ammaanta iyo Kool-koolinta Madaxda; Ma dhacdo mana arkin meel aan Puntland ahayn (iyo Soomaaliyada guud) oo qof madax ah loo samaynayo heeso lagu amaanaayo, ciridda loo tuban yahay sidii loo amaba-bixin lahaa ama loo soo dhawayn lahaa xataa haduu shalay baxay oo maanta soo laabto. Mararka qaar carruur Danyar ah oo iskuuley ah oo laga yaabee inay soo quraacan loo soo tubo waddada labadeeda dhinac. Dhaqankaan Islaam iska daayee, xitaa gaalada reer-galbeedka kuma dhaqmaan, waana bahdil shacabku qaayibeen, ayna u soo jiideen maangaab awood helay oo doonaaya inuu raalli geliyo hogaamiyaha, naftiisa iyo tan ummadana u bahdilo. Taas waxaa ka sii daran qofka hogaamiayaha ee sidaas wuxuusan muteysan loogu heesaayo, loogu sacbinaayo inuu qosol iyo is-jaaxuurin ka sii qaado, inuu khajilo iskaba daaye!

3.     Isla Xisaabtan la’aan: Maxaa keenay in Madaxda Puntland Baal-maraan Shareecada iyo Xeerarka? Weligeed ma dhicin mana loo fadhiyo in hogaamiye iyo sarkaal dawladeed toona lala xisaabtamay intuu xilka joogay iyo markuu ka tagay midna. Sidaas awgeed, madaxdu waxay haystaan kalsooni inaan la arkaynin, lala xisaabtamaynin, lagu ceebeynaynin. Hadii laga hadlo ku-tagrifalka awoodana, waxaaba difaaca hogaamiyaha u heellan reerkiisa oo oranaya annagaa naloo dan leeyahay, lagana yaabee dadka u dulman musuqa inay kow ka yihiin.

4.     Isku Milanka Xukuumadda, Garsoorka iyo Baarlamaanka: Puntland waxaa xukuma Qaade, Qarshe iyo Qiil u keene, oo ah danwadaag, isbahaysi u midoobay siday dhiigga uga jaqi lahaayeen shicibka. Hogaamiyaha la doorto wuxuu geed-dheer iyo mid gaaban u fuulaa siduu labada gole ee kale jeebka ugu ridan lahaa, isagoo isticmaalayaa dhaqaalaha dawladda ee ay ahayd in dadka iyo dalka lagu dhiso.

5.     Eex, Qabyaalad iyo Qaraabeysi: Hogaamiyaha markuu kursiga koro, wuxuu markiiba is dareensiiyaa in xukunku yahay mid ay shirka ku yihiin isaga iyo jufadiisa, ehelkiisa iyo qaraabadiisa, ummadda kalena ay khatar ku yihiin, sidaas awgeed la fogeeyo, talada laga ilaaliyo, si qarsoon iyo si qaawanba ehelkiisana loo siiyo xilalka muhiimka ah ee ummada ka dhaxeeyey, dabadeedna shaatiga dawladda lagu caburiyo qabaa’ilka dibad-jooga ah.

6.     Jaranjaro Federaal: Hogaamiyaashii soo maray Puntland badankoodu waxay ka sinnaayeen inaysan marnaba u arkin Puntland inay tahay hadaf-siyaasadeed, balse buundo lagu gaaro dano iyo siyaasado kale, sida kursiga qaranka ee federaalka iyo mansabyo laga helo dibadda Puntland.

Gabagabadii

Halkee ku socotaa Puntland? Sida aan kor ku soo sheegnay, horeyna loo soo tijaabiyey, ummaddii iyo hogaankii qaada waddada dulmiga, gacmaha is qaban waaya, is-tusaalayn waaya waxay ku danbeeyaan wadadii kuwii iyaga ka horreeyey mareen, waa sunna Rabaani ah oo koonka lagu dhaqo. Shanqarta iyo sawaxanka Puntland ka bilowdey ee oranaya Puntland sidaan ahaan mayso, waa in wax laga beddelaa, waa kuwa dhab ah, balse kuwa sawaxanka wada iyagaa jihada ka lunsantahay oo go’doonsan, awooddoodii garan la’, kii iyaga dilayana, hoos inuu u jiido ka sugaaya!

Taasi waxay horseedday in nidaamkii maamul ee loo aasaasay inuu wax ka bedelo nolosha qofka, shicibka iyo deegaanka, in weli boqolkiiba 70 Puntland tahay gaari waa, adeeg iyo daryeel midna haysan, loogamana fadhiyo hannaankan fadhiidka ah ee la ruux-togay inuu dariiqiisii ka weecdo, ama horseedo isbeddel la mahadiyo. Sidaa daraadeed waxaan si qumman u oran karnaa hannaanka Puntland ay qaadatay waa lagu khasaaray, mana ka jawaabin yididiilooyinkii loo aasaasay.

“Hayaan Habow ah, Dharaarba Geed buu Harsadaa”

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.