Siyaasad

PUNTLAND: MA GOONI-ISU-TAAG MISE DIB-U-DHISKA DAWLADNIMADEENA

Maqaalku wuxuu ku doodayaa in Puntland loo aasaasay maamul shaqeeya iyo dib-u-dhiska Soomaaliya federaal ah, ee aan loo dhisin gooni-isu-taag. Wuxuu ku baaqayaa in mudnaanta la siiyo tayeynta maamulka, xoojinta hay’adaha, caddaaladda iyo adeegyada bulshada, halkii gooni-isu-taag xal looga raadin lahaa.

PUNTLAND: MA GOONI-ISU-TAAG MISE DIB-U-DHISKA DAWLADNIMADEENA

Tan iyo markii Puntland la aasaasay 1998, waxaa mar walba jiray dood ku saabsan nooca xiriirka ee ka dhexeeya Puntland iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhexe. Dooddaasi waxay qayb ka ahayd duruufihii lagu dhisay Puntland, waxayna sii socotay dhammaan marxaladihii siyaasadeed ee dalka. Dastuurka Puntland wuxuu arrintan ka bixiyay aragti cad, isaga oo qeexaya in Puntland yeelanayso qaab-dawladnimo oo u gaar ah inta laga helayo dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam federaal ah, lehna dastuur heshiis lagu yahay, Puntland-na ay qayb ka tahay diyaarintiisa iyo ansixintiisa. Sidaas darteed, Puntland marka laga eego aasaaskeeda iyo dastuurkeeda kuma dhisnayn fikradda ah in laga go'o Soomaaliya oo ay noqoto dal madax-bannaan, balse waxay ku dhisnayd in shacabka deegaannada Puntland helaan maamul goboleed iyo dawladnimo shaqaysa, isla markaana ay qayb ka noqdaan dib-u-dhiska dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka.

28 Sano Kadib: Maxaa La Gaaray?

Ku dhowaad soddon sano kadib, waxaa lama huraan ah in si daacad ah oo miisaaman loo qiimeeyo halka ay Puntland maanta taagan tahay iyo heerka ay ka gaartay himilooyinkii loo aasaasay. Puntland waxay dhisatay hay'ado dowladeed, goleyaal iyo nidaam maamul oo soo jiray muddo dheer, hase yeeshee awoodda hay'adahaasi, waxqabadkooda iyo adeegyada ay shacabka siiyaan weli si buuxda ugama tarjumayaan baahiyaha iyo rajada bulshada.

Waxaa weli jira caqabado waaweyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adeegyada bulshada ah. Sidoo kale, hay'adaha dowliga ah weli ma gaarin heerkii looga baahnaa ee madax-bannaanida iyo awoodda shaqo, halka nidaamka maamul-daadejintuna aanu si buuxda u hirgelin. Inkastoo Puntland ay dhinaca amniga iyo xasilloonida kaga wanaagsan tahay qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ah, haddana muddada dheer ee ay jirtay dowladnimadeedu weli si buuxda ugama muuqato tayada hay'adaha, hufnaanta maamulka, caddaaladda, adeeg-bixinta iyo horumarka ay bulshadu mudnayd inay hesho.

Gooni-isu-taaggu ma aha jawaabta; dhibaatadu waa tayada dowladnimada.

Tan iyo markii la dhammaystiray dastuurka Puntland sanadkii 2012-kii, waxaa soo xoogaystay adeegsiga masuuliyiinta Puntland qodobka 4aad, farqadiisa 3aad ee Dastuurka Puntland.  Qodobkaas wuxuu dhigayaa in haddii la waayo nidaam federaal ah oo lagu heshiiyey, ama ay tanaasuli weydo dowladda dhexe si loo ilaaliyo midnimada, Puntland ay xaq u leedahay inay dib u eegto masiirkeeda gaarka ah (taas oo loo fasiri karo madax-bannaani ama gooni-goosad ilaa nidaam sax ah laga helayo).

Inkastoo dastuurka Puntland uusan si cad u qeexayn in Puntland tahay "gooni-goosad" sababtoo ah ujeedadii labaad ee lagu dhisay ayaa ahayd raadinta midnimada Soomaaliya, laakiin qodobkan ayaa siinaya xaq ay kaligeed go'aan uga gaari karto masiirkeeda haddii nidaamka federaalka ee Soomaaliya uu dumo ama lagu xadgudbo.

Sanadihii u dambeeyay, waxaa soo xoogaysanayay aragti ay qabaan qaar ka mid ah dhallinyarada iyo siyaasiyiinta Puntland, kuwaas oo aaminsan in caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo maamul ee jira lagu xallin karo in Puntland ay ka go'do Soomaaliya, una madax-bannaanaato dal gaar ah. Fikirkan ma aha mid si fudud la iskaga indho tiri karo ama loo diidi karo in laga doodo, maadaama uu ka dhashay niyad-jab siyaasadeed iyo dareen salka ku haya tabashooyin la xiriira hirgelin la'aanta nidaamka federaalka, khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo caqabado kale oo gudaha Puntland ka jira. Arrimahani waxay qayb ka noqdeen aragtida ah in nidaamka dowladeed ee hadda jira aanu si ku filan uga jawaabayn baahiyaha bulshada, isla markaana aanu soo saarin natiijooyinkii laga filayay markii Puntland lagu dhisay nidaamka federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, fahamka sababaha keenay soo ifbaxa fikirkaasi macnaheedu ma aha in la aqbalo in gooni-isu-taaggu yahay xalka ugu habboon. Dhibaatooyinka Puntland haysta asal ahaan waa kuwo la xiriira tayada maamulka, dhismaha iyo madax-bannaanida hay'adaha dowliga ah, horumarinta dhaqaalaha, adeeg-bixinta bulshada iyo xaqiijinta caddaaladda. Arrimahaasi waa caqabado maamul iyo dowlad-dhisid oo aan si toos ah loogu xallin karin gooni-isu-taag. Isbeddelka magac ama xaalad siyaasadeed keligiis ma dammaanad qaadayo dowlad-wanaag, horumar dhaqaale, caddaalad iyo adeegyo tayo leh. Sidaas darteed, haddii la doonayo isbeddel dhab ah oo waara, waxaa mudnaan la siinayaa dib-u-habaynta nidaamka dowladnimada, xoojinta hay'adaha, hagaajinta maamulka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka gudaha ee sida tooska ah u saameeya nolosha shacabka.

Arrinta ugu muhiimsan ee mudnaanta la siinayo waa tayada dowladnimada gudaha. Haddii dowladdu awoodi weydo inay si hufan oo caddaalad ah ugu adeegto shacabkeeda, beddelka magaca, xuduudaha ama xaaladda siyaasadeed keliya ma noqonayo xal wax ku ool ah. Gooni-isu-taaggu keligiis ma dammaanad qaadayo dowladnimo tayo leh, hay'ado shaqaynaya, caddaalad, koboc dhaqaale, adeegyo bulsho iyo hannaan isla-xisaabtan oo hufan. Kuwani waa natiijooyin ka dhasha hoggaan wanaagsan, maamul hufan, hay'ado awood leh iyo nidaam sharci oo la dhowro. Sidaas darteed, waxaa habboon in mudnaanta koowaad la siiyo xallinta dhibaatooyinka gudaha, dib-u-habaynta hay'adaha iyo tayeynta maamulka, halkii xalalka oo dhan laga raadin lahaa kala-go' iyo gooni-isu-taag.

Marar badan, marka Puntland ay la kulanto caqabado siyaasadeed, maamul ama dhaqaale, waxaa sababahooda inta badan laga raadiyaa arrimo ka baxsan gudaha. Muqdisho, khilaafaadka la xiriira nidaamka federaalka iyo siyaasadaha dibadda ayaa marar badan lagu tilmaamaa inay yihiin sababaha ugu waaweyn ee caqabadaha hortaagan Puntland. Inkastoo aan la inkiri karin in arrimahaasi saamayn ku leeyihiin xaaladda siyaasadeed iyo maamul ee Puntland, haddana ma habboona in dhammaan dhibaatooyinka gudaha loo nisbeeyo arrimo dibadeed. Waxaa lagama maarmaan ah in sidoo kale si daacad ah loo eego masuuliyadda hoggaanka Puntland, tayada maamulka, waxqabadka hay'adaha dowliga ah iyo go'aannada siyaasadeed ee gudaha. In dhibaato kasta loo raadiyo sabab dibadeed waxay halis u tahay inay meesha ka saarto isla xisaabtanka gudaha, dib-u-eegista khaladaadka maamulka iyo raadinta xalal waara oo ku dhisan masuuliyad iyo isbeddel dhab ah.

Puntland waxay leedahay awood, masuuliyad iyo fursad ay ku hagaajin karto hay'adaha dowliga ah, tayada maamulka, ku-dhaqanka sharciga iyo adeegyada ay shacabka siiso. Waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo madax-bannaanida iyo awoodda hay'adaha dowladda, la hagaajiyo maamulka maaliyadda iyo hufnaanta kharashaadka dadweynaha, lana dhiso nidaam shaqaale oo ku salaysan karti, aqoon iyo isla xisaabtan. Sidoo kale, waa in la tayeeeyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, la daadejiyo adeegyada dowladeed, si isbeddelka dowladnimadu u noqdo mid si toos ah u taabanaya nolosha muwaadiniinta.

Sidaas darteed, haddii aan marka hore wax laga qaban dhibaatooyinka gudaha, kala-go'idda iyo gooni-isu-taaggu ma noqon karaan xal si toos ah u hagaajinaya dhammaan caqabadaha jira. Isbeddelka siyaasadeed ee aan la socon dib-u-habayn maamul iyo hay'adeed ma dammaanad qaadayo dowladnimo wanaagsan. Dowlad-wanaaggu wuxuu ka bilaabmaa hay'ado tayo leh, maamul hufan, sharci la dhowro iyo hannaan isla xisaabtan oo dhab ah.

Qur'aanka Kariimka ah wuxuu ina xusuusinayaa: "Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay iyagu beddelaan waxa naftooda ku jira." (Suuradda Ar-Racdi: 11).

Haddaba, haddii Puntland doonayso mustaqbal ka wanaagsan kan maanta, waa in isbeddelka ugu horreeya uu ka bilaabmaa gudaha: dib-u-habaynta hay'adaha, tayeynta maamulka, ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta xuquuqda shacabka. Mustaqbalka Puntland kuma xirna oo keliya halka ay siyaasiyan ka taagan tahay Soomaaliya, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada hoggaankeeda, awoodda hay'adaheeda iyo sida ay ugu adeegto dadkeeda.

Puntland waxay xuquuqdeeda ku difaacan kartaa midnimada Soomaaliya

In laga soo horjeesto gooni-isu-taagga macnaheedu ma aha in la diido xuquuqda siyaasadeed ee Puntland ama in Puntland aysan difaacan karin danaha shacabkeeda. Puntland waxay xaq u leedahay inay si adag uga hadasho wixii ay u aragto inay ka khaldan yihiin nidaamka federaalka, iyadoo adeegsanaysa sharciga, dastuurka iyo siyaasadda.

Laakiin waa in si cad loo kala saaraa difaaca xuquuqda Puntland iyo ka go'itaanka Soomaaliya. Labadaasi isku mid ma aha. Puntland waxay noqon kartaa maamul adag oo awood leh, danaha shacabkeedana ilaashada, iyadoo weli qayb ka ah Soomaaliya. Waxay noqon kartaa meel dhista hay'ado xooggan, dhaqaale horumaray iyo adeegyo tayo leh, iyadoo ilaalinaysa midnimada iyo xiriirka Soomaaliyeed.

Haddii Puntland rabto inay si xooggan uga qayb qaadato mustaqbalka Soomaaliya, waxa ugu horreeya ee loo baahan yahay waa inay iyadu noqoto tusaale dowladnimo oo shaqaynaysa.

Gunaanad

Puntland maanta waxay u baahan tahay in si daacad ah dib loogu eego 28-kii sano ee la soo dhaafay. Waa in la qiraa in wax badan la qabtay, laakiin sidoo kale waa in la qiraa in himiladii dawladnimo aan weli la gaarin heerkii loo baahnaa. Niyad-jabka shacabka waa in la fahmaa, codka dhallinyaradana waa in la dhageystaa, laakiin niyad-jabku ma noqon karo qorshe qaran, gooni-isu-taagguna ma noqon karo beddelka hay'ad-dhisidda.

Puntland dhibaatadeeda ugu weyn laguma xallin karo iyadoo Soomaaliya laga go'o; waxaa lagu xallin karaa iyadoo Puntland laga dhigo meel ay dawladnimadu si dhab ah uga shaqayso. Waxaan u baahanahay inaan ka guurno dawladnimo qofeed una gudubno dawladnimo hay'adeed; inaan ka guurno siyaasad ku dhisan dano gaar ah una gudubno siyaasad ka duusha danta guud; inaan ka guurno eedda joogtada ah ee dibadda una gudubno isla-xisaabtan gudaha ah. Gooni-isu-taaggu ma hagaajiyo hay'ad daciif ah, kala-go'gu ma dhiso caddaalad, xuduud cusubna ma abuurayso dawlad wanaagsan.

Waxa Puntland u baahan tahay waa dawladnimo wanaagsan; waxa Soomaaliya u baahan tahayna waa in dib loo dhiso midnimadeeda iyadoo lagu salaynayo caddaalad, federaalnimo dhab ah, heshiis siyaasadeed iyo hay'ado xooggan. Isbeddelkaas meel fog kama bilaabanayo. Wuxuu ka bilaabanayaa gudaha Puntland, hay'adaha, sharciga, iyo qof kasta oo rumaysan in dawladnimadu tahay adeeg loo hayo shacabka, ee aysan ahayn hanti ay leeyihiin qof ama koox.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.