Bulsho

Dhan Mise Dhimman? Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Qaybta Saddexaad)

Maqaalku wuxuu dhaliilayaa Siyaasadda Waxbarashada Puntland 2024 oo tiknoolojiyadda xusta balse aan lahayn qorshe dhammaystiran oo waxbarashada dhijitaalka ah. Isbarbardhig caalami ah ayuu ku muujinayaa maqnaanshaha coding-ka iyo AI-ga, iyo sida qalab iyo tababar la’aantu barashada ICT-ga uga dhigeen aragti aan ficil lahayn.

Dhan Mise Dhimman? Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Qaybta Saddexaad)

Ka fakar laba carruur ah oo isku da' ah:

Midka koowaad waxa uu fadhiyaa fasal ku yaalla magaalada Tallinn ee dalka Estonia. Macallimaddiisu waxa ay miiska saartay robot yar, isaguna waxa uu isku dayayaa in uu siiyo amarro isku xiga si robot-ku u maro waddo yar oo dhulka lagu sawiray. Marka uu khaldamo, dib ayaa uu u eegaa amarradiisii, ka dibna waxa uu raadiyaa halka uu ka qaldamay, mar kalena waa uu isku dayaa.

Midka labaad waxa uu fadhiyaa fasal ku yaalla Gaalkacyo Puntland. Maaddada uu dhiganayaa waa ICT. Macallinku waxa uu  sabuuradda ku sawiray shaashad iyo keyboard, ama waxa uu ardayda u qeybiyey waraaqo laga soo daabacay stationary oo ay ku sawiranyihiin qeybaha computerka iyo magacyadooda ardayguna buuggiisa ayaa uu ku guurinayaa magacyada qaybaha kombiyuutarka. Hadhowna waxa uu filayaa in uu galo imtixaan afka ah oo ku saabsan wixii uu soo bartay.

Labadan ilmood isku qarni ayaa ay  dhasheen, mustaqbalkana waxa ay u tartami doonaan isku suuq shaqo oo caalami ah. Su'aasha qeybta saddexaad ee maqaalkennii taxanaha ahaa   ka jawaabayaa waa: Siyaasadda Waxbarashada Puntland 2024, ma tahay mid la jaanqaadaysa adduunkan casriga ah ee tiknoolojiyaddu hagayso?

Halka Ay Dunidu Marayso Maanta

Finland, oo aan maqaalkii labaad ee taxanaha tusaale u soo qaadannay tan iyo 2016-dii waxa ay barashada barnaamij-samaynta (coding) ka dhigtay qayb ka mid ah manhajka dugsiga hoose, laga bilaabo fasalka koowaad. Uma aysan dhigin maaddo gaar ah oo culus waxa ay se ku dhex milmisay xisaabta iyo maaddooyinka kale, si ilmuhu u barto hab-fikir, ee aanu u xifdin erayo.

Estonia waa dal ay dadkiisu ka yar yihiin dadka ku nool Muqdisho oo keliya. Tan iyo 2012-dii waxa ay wadday barnaamij la yiraahdo ProgeTiiger. Barnaamijkaas oo ardayda laga bilaabo xannaanada carruurta ilaa dugsiga sare lagu baro robotics-ka iyo barnaamij-samaynta. Hirgalinta barnaamijkaas ka hor dalkan yari waxa uu ahaa   mid ka mid ah dalalka Yurub ee ugu magaca dheer dhinaca tiknoolajiyadda, isla markaana ay ka soo baxeen  shirkado caalami ah oo tiknoolojiyadda ku tilmaaman sida: Bolt, Wise, Skype ikk.

Kuuriyada Koonfureed waxa ay 2023-dii ku dhawaaqday qorshe ay ku soo bandhigayso buugaag waxbarasho oo garaadka macmalka ah (AI) ku shaqeeya. Buugaagtaas waxaa lagu tijaabiyey xisaabta iyo af-Ingiriisiga ee fasallada 3aad iyo 4aad ee dugsiga hoose, iyo cilmiga kombiyuutarka ee dugsiyada dhexe iyo sare.

Haddaba, siyaasadda waxbarshada Puntland 2024 ee aan kaga soo hadalnay labadii maqaal ee hore xaggee bay ka joogtaa dunidan casriga ee ubadkeeda u diyaarinaysa casri tiknoolajiyaddu hagi doonto?

Siyaasaddu Maxay ka Tiri Tiknoolajiyadda?

Haddii aad si taxaddar leh u akhrido siyaasadda Waxbarshad Puntland, ereyga "technology" waxa uu ka soo muuqanayaa meelo badan oo kala duwan:

  • Qaybta ECE-ga siyaasaddu waxa ay tiri : "aaladaha tiknoolajiyadda ee ku habboon" waa in lagu lagu daro waxbarashada.
  • Qaybta dugsiga sare waxay tiri: “waa in tiknoolajiyad la geliyo waxbaridda, lana diyaariyo agab waxbarasho oo elektaroonig ah”.
  • Qaybaha tababarka macallimiinta waxa ay xustay isticmaalka e-learning-ka.
  • Qaybta TVET-ga waxay xustay qalab casri ah.
  • Qaybta maamulka waxa ay ka dhawaajisay xoojinta EMIS-ka.
  • Qaybta imtixaanaadka waxay xustay nidaam elektaroonig ah oo guddiga imtixaanaadka ah.

Marka aad eegto qaab-dhismeedka dukumentiga qeyb kasta oo muhiim ah, sida ECE-ga, waxbarashada hoose iyo tababarka macallimiinta, waxa ay leedahay cutub u gaar ah oo leh aragti, hadafyo iyo istaraatiijiyado. Waxbarashada dhijitaalka ah se ma leh cutub gooni u ah oo qeexaya. Ereyada sida garaadka macmalka ah (AI), barnaamij-samaynta (coding), aqoonta dhijitaalka ah (digital literacy) ama hab-fikirka kombiyuutarka (computational thinking) meelna kagama jiraan dukumentiga oo dhan.

Xitaa ereyga STEM (Saynis, Tiknoolajiyad, Injineernimo iyo Xisaab) hal mar oo keliya ayuu ka soo muuqdaa, isaga oo ku jira qaybta tacliinta sare. Taas macnaheedu waa in siyaasaddu STEM u aragto wax jaamacadda ka bilaabma ee aan u oollin wixii ka hooseeya. Haddii aan dib ugu noqonno tusaalihii injineerka ee maqaalka koowaad, tani waa sida adigoo saqafka guriga naqshadeeyay adigoon aasaaskii guriga sawirin.

 Xaqiiqada Fasallada Gudahooda

Waa run in manhajka Puntland uu leeyahay maaddo ICT ah oo laga bilaabo fasalka toddobaad, kuna dhammaata fasalka afraad ee dugsiga sare. Laakiin farqi weyn ayaa u dhexeeya waxa manhajka ku qoran iyo waxa fasalka ka dhaca. Maamule dugsi hoose-dhexe oo Gaalkacyo jooga ahna macallin dugsi sare oo aan waraystay intii aan baaritaanka waday ayaa yiri:

"Dugsiyada hoose-dhexe waxaa lagu dhigaa theory kooban oo ardayda afka looga sheego. Ma jiraan practical ay ardaydu sameeyaan. Macallinka ugu fiican waa kan maalin maamulaha ka codsada in uu xafiiska u banneeyo, si uu ardayda u tuso kombiyuutarka xafiiska oo ugu yiraahdo: 'Kan waa mouse, kaasna waa keyboard iwm.'"

Hadalkani waxa uu hoosta ka xarriiqayaa run kharaar oo aysan jeclaysan doonin cid kasta oo danaysta waxbarshada.  ICT-da sida dhabta ah loo dhigo waa erayo sabuurad lagu qoro ama afka lagu sheego. Ardaygu wuxuu dhammaystiraa dugsiga sare, wuxuuna imtixaan ku galaa  su'aalo ku saabsan kombiyuutarka, isaga oo laga yaabo in uusan weligii gacanta saarin

Sababtu ma aha dayacaadda macallimiinta oo keliya. Waa agab la'aan guud oo haysata deegaanka oo dhan. Sida la ii sheegay, dugsiyada Puntland oo dhan, hoose-dhexe iyo sare ba, kuwa haysta laab kombiyuutar oo dhab ah kama badna shan dugsi oo qura! Taas macnaheedu waa in boqolaal dugsi oo ICT-du manhajkooda ku qoran yahay aysan haysan xitaa hal kombiyuutar oo ardaydu taabato. Sida maamulahu yiri, dugsiga hoose-dhexe iyo kan sare waxay ku siman yihiin arrintaan intooda badan.

Intaas waxaa dheer arrintii aan ku soo qaadannay maqaalka labaad: inta badan macallimiinta dugsiyada hoose-dhexe waa dhallinyaro aan haysan tababar rasmi ah oo waxbarasho. Marka laga hadlayo aqoonta ICT-ga, xaaladdu way ka sii daran tahay. Macallin aan isagu si xirfadeed u isticmaalin kombiyuutar ma bari karo arday sida loo isticmaalo, sida uusan qofku u bari karin af uusan aqoon.

 Xalku muxuu noqon karaa?

1.   Waa in siyaasaddda lagu xusaa qeyb gooni ah oo loogu magac daro "Waxbarashada Dhijitaalka ah." Waana in ay qeybtaasu yeelato aragti, hadafyo iyo istaraatiijiyado sida qaybaha kale ee siyaasadda, oo lagu daro tilmaameyaal lagu cabbirayo horumarka iyo miisaaniyad u gaar ah.

2.   In  barshada ICT-ga laga bilaabo dugsiga hoose, halkii la sugi lahaa fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe. Taasu waxa ay horseedi kartaa in dhallaanka soo korayaa ku ababaan barshada dhijitaalka casriga ah ee duniga ku tartamayso.

3.   Qorshe lagu hirgalinayo laabab kumbuyuutar: Waa in khasab laga dhigayaa in dusiyadu yeeshaan laabab ay ardaydu wax ku bartaan gaar ahaan iskuullada waaweyn ee awooda, sidoo kalena waa in ay dowladdu arrintaas gacan ka gaysataa oo la isugu tagaa sidii loo hirgalin lahaa qorshahaas.

Gunaanad

Puntland waxay haysataa siyaasad aqoonsanaysa muhiimadda sayniska iyo tiknoolajiyadda dhaliilo badan haba ka jireen, balse dunida maanta socota waxay u baahan tahay wax ka badan in technology lagu xuso dukumenti. Ilmaha maanta fasalka fadhiya waxa uu berri geli doonaa duni AI, coding iyo shaqooyinka dhijitaalka ahi hagayaan; sidaas darteed, haddii aan rabno jiil awood u leh inuu la tartamo dunidaas, waa in aan maanta ka fakarnaa mustaqbalka ubadkaas, waana in ay jihayntu ka bilaabato siyaasadda oo ah halka laga qiimeeyo waxbarshada dal ama deegaan kasta.

Dhammaad.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.