Sharci

Taxana Diin iyo Dawlad: Calmaaniyadda iyo Shareecada (Qaybtii 6-aad)

Maqaalku wuxuu dhaliilayaa calmaaniyadda, isagoo ku doodaya inay shareecada Islaamka ka fogayso sharci-dejinta, xitaa arrimaha qoyska. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa siyaasadaha Atatürk ee Turkiga iyo saamayntooda dalal Waqooyiga Afrika ah, isagoo ku tilmaamaya kuwo ka soo horjeeda ku dhaqanka diinta.

Taxana Diin iyo Dawlad: Calmaaniyadda iyo Shareecada  (Qaybtii 6-aad)

Hordhac

Waxaan maqaallo hore oo aan baahinnay uga hadalnay Calmaaniyadda, siday ku asaasantay iyo meesha laga soo min-guuriyey, sababaha dhaliyey calmaaniyadda, kala soocidda diinta iyo siyaasadda, iyo fashilka ay Calmaaniyaddu kala kulantay dalalka Muslimiinta ah sida Turkiya. Maqaalkan waxaan ug hadli doonnaa Calmaaniyadda iyo shareecada, innagoo diiradda saari doonna sida ay Calmaaniyaddu ula dagaallantay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isuguna daydo intii karaankeeda inay dadka Muslimiinta ah ka fogayso inay ku dhaqmaan sharciga Alle u jideeyey, haba ahaado sharciga loo dejiyey qoyska (Al-Axwaal Alshkhsiya).

Aragtida Calmaaniyadda ee Sharci-dejinta

Marka laga hadlayo tacaaliimta Islaamka, dhinacyada ay Calmaaniyaddu si cad oo aan gabasho lahayn uga soo horjeeddo waxaa ugu weyn Shareecada Islaamka; taas oo aan uga jeedno dhinaca sharcidejinta iyo nidaamka sharci ee Islaamka.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah calmaaniyiinta ayaa arrintan u qaata si dabacsan, iyagoo oggolaanaya in Islaamka loo daayo qaybta sharcidejinta ee la xiriirta qoyska, ama waxa loo yaqaan “Axwaasha Shakhsiga” (الأحوال الشخصية), sida guurka, furriinka, dhaxalka iyo arrimaha la midka ah. Waxay taas ku salaynayaan aragtida ah in arrimahani ay la xiriiraan xorriyadda diimeed ama xorriyadda shakhsiga ee qofka. Marka ay sidaas yeelaanna, waxay u arkaan in oggolaanshaha noocaas ahi yahay deeq ama tanaasul ay iyagu Islaamka u sameeyeen.

Calmaaniyadda asalkeeda iyo mabda’eeda aasaasiga ah, ma oggola in Islaamku wax door ah ku yeesho sharcidejinta, xitaa haddii ay arrintu ku koobnaato axwaasha shakhsiga. Sida ay qabto Calmaaniyaddu, diinta meesheedu waa damiirka qofka ama masaajidka oo keliya, wax saamayn ahna kuma laha nolosha oo dhan, waana aragtida laga soo min-guuriyey reer galbeedka masiixiga ah, oo iyagu markay kaniisadda la colloobeen, diin oo dhan fogeeyey, ku dhaqankeedana iska diiday.

Ataturk iyo la dagaallanka Shareecada

Waxaa tusaale noogu filan calmaaniyaddii Atatürk, oo loo arko inay ahayd tii ugu horreysay uguna saamaynta badnayd ee calmaaniyadaha ka hanaqaaday dalalka Islaamka ah, taas oo sharcidejinta Islaamiga ah ka saartay dhammaan dhinacyada nolosha, xitaa axwaasha shakhsiga. Sidaas awgeed, waxay mamnuucday furriinka iyo afar xaas in la guursado, waxayna ogolaatay in wiilasha iyo gabdhaha dhaxalka loo simo, taasoo khilaafsan qodobbada Shareecada ee cad-cad oo aan mugdigu ku jirin, iyo lama-dhaafaanka diinta ee laysku raacsan yahay.

Dr. Safar Alxawaali isagoo ka warramaya kaalinta uu Kamaal Ataturk ku lahaa in Turkiya laga fogeeyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka wuxuu yiri: “Mustafa Kemal Atatürk wuxuu isu dhigay sidii Ilaah Alle sokadii, isaga oo ummadda u dejinaya xeerar iyo sharciyo sida uu doono uu u qaabeeyo. Sidaas darteed, wuxuu soo ururiyey oo isku daray xeer gaar ah oo inta badan laga soo min-guuriyey sharciga Switzerland, sharciga Talyaaniga iyo kuwo kale, halka qaybtii ka dhimmanna uu isagu dhammaystiray.

Haddana, wuxuu ku dooday in dhammaan sharcigaasi uu isaga ka yimid, isagoo leh:

“Annagu ma doonayno sharci ay ku jiraan ‘wuxuu yiri’ iyo ‘waxay yiraahdeen’ (waa hadal jeesjees ah oo uu ku durayo Quraanka iyo Sunnada); waxaannu doonaynaa sharci ay ku jiraan ‘annagaa niri’ iyo ‘annagaa oranayna’.”

Mid ka mid ah qoraayaasha reer Galbeedka ayaa ka warramaya fadhi ka mid ah fadhiyada Golaha Wakiillada ee Turkiga, isagoo sheegay in Mustafa Kemal uu istaagay oo yiri:

“Sharci-dejinta iyo garsoorku, marka laga hadlayo ummad casri ah, waa inay noqdaan kuwo casri ah oo waafaqsan duruufaha iyo xaaladaha waqtiga, ee aan ku salaysnayn mabaadi’da iyo dhaqammada soo jireenka ah”. Hadalka Ataturk wuxuu tilmaamayaa meesha uu ka taagan yahay ku dhaqanka shareecada iyo dhammaan mabaadi’da iyo qiyamka suubban ee ay u taagan tahay.

Natiijadii ka dhalatay xagjirnimada xad-dhaafka ah, iyo tallaabooyinkii aan cudurdaarka lahayn marka laga reebo in loo arko inay ahaayeen muujin nacaybkii Yurub ee Islaamka, waxay Turkidii cilmaaniga ahayd qaadday tallaabooyin iyo habraacyo runtii aad loola yaabay.

Waxa ay si xoog iyo cabsi-gelin leh u mamnuucday qoraalka af-Turkiga ee xarfaha Carabiga, dabadeedna waxay ku dhiirratay inay mamnuucdo Aadaanka af-Carabiga ah. Waxa kale oo ay Qur’aanka ku qortay ama ku turjumay af-Turki. Sidoo kale, waxa ay xaddiday tirada masaajidda, qaar badan oo ka mid ahna way xirtay ama waxa ay u beddeshey adeegsi aan waafaqsanayn karaamadooda iyo xurmadooda, sida ay ku sameeyeen Masjidka Ayasofya. Waxa kale oo ay baabi’iyeen Wasaaradda Awqaafta ee masuulka ka ahayd isku-dubarrididda dhammaan arrimaha diinta ee Turkiga.

Sidaas awgeed, dawladdii Turkiga ee calmaaniga ahayd ee Ataturk, sida uu ku tilmaamay Shakiib Araslaan, ma ahayn oo keliya dawlad aan diin ku dhisnayn oo la mid ah dawladihii Faransiiska iyo Ingiriiska, balse waxay ahayd dawlad ka soo horjeedda diinta, si la mid ah xukuumaddii Bolshevik-ga ee Ruushka.

Sababtu waxay tahay in xitaa dawladihii reer Galbeedka ee aan diin ku dhisnayn, inkasta oo ay halkaas ka dhaceen kacdoonno caan ah, aysan faragelin dagaalladii ku saabsanaa Injiillada, labiska culimada diinta iyo cibaadooyinkooda gaarka ah, sidoo kalena aysan baabi’in kaniisadaha. Waxaa ka muuqanayay hab-dhaqanka hoggaanka cusub ee Turkiga qabtay markii Khilaafadii Cismaaniyiinta la riday, inuu muujiyey cadaawad iyo fogayn wax kasta oo diin xiriir la leh; si ka xagjirsan xitaa waddamadii reer Yurub ee Masiixiga ahaa oo uu ayaga dhaqankooda iyo xadaaraddooda ku dayanayay.

Waxa iyana qayb ka mid ah dalalka Carabta ee Waqooyiga Afrika, lagu arkay qaar ka mid ah nidaamyada calmaaniga ah ee talada haya oo calmaaniyaddii Atatürk kaga dayday arrimaha guurka iyo furriinka; waxayna ku dhowaadeen inay sidoo kale kaga daydaan xeerka dhaxalka, haddii uusan jirin cadaadis ama diidmo ka imaanaysa ra’yiga guud ee bulshada.

Aragtida Calmaaniyadda ee sharcidejinta

Calmaaniyaddu waxay qabtaa in sharcidejinta ay tahay xuquuq bulshada u gaar ah, Islaamkuna uusan xaq u lahayn inuu bulshada ku xukumo, sharci uu dejiyo, wax xalaaleeyo ama wax xaaraameeyo.

Si kale haddii loo dhigo, aragtidan calmaaniga ahi waxay ku dhisan tahay in xaqa buuxa ee sharcidejinta, oo uu leeyahay Allaha Abuuraha ah, laga wareejiyo Ilaahay loona igmado aadanaha la abuuray, taasoo khilaafsan sida uu doonayo Eebbe weynhaa isagu iska leh amarka iyo iyo abuuridda labadaba.

Calmaaniyaddu, sidaas awgeed, waxay bani’aadamka ka dhigaysaa mid Ilaahay u dhigma, isaga oo ah kii abuuray; iyadoo kalmadda bani’aadamka kor yeelaysa, kalmadda Eebbana hoos u dhigaysa, waxayna bani’aadamka siinaysaa awood iyo ikhtisaas ay Ilaahay ka qaadayso. Sidaas awgeed, bani’aadamku wuxuu isu beddelayaa sidii Rabbi, go’aankiisa ku xukuma waxa uu doono, kuna amra waxa uu rabo.

Calmaaniyaddu waxaa dhici karta inay Ilaahay u aqoonsato inuu yahay Abuuraha koonkan, balse aysan u aqoonsan inuu leeyahay amarka iyo xukunka. Halka Islaamku ku dhisan yahay in Ilaahay leeyahay abuuridda iyo amarkaba (xukunka), sida uu Eebbe yiri:

"ألا له الخلق والأمر تبارك الله رب العالمين"

“Dhab ahaan, Isagaa iska leh abuuridda iyo amarka. Waxaa barakaysan Allaah, Rabbiga Caalamka.”
(Al-Acraaf: 54)

Haddii calmaaniyaddu xitaa u dulqaadato oo ay Ilaahay u aqoonsato xaqa sharci-dejinta, haddana waxaan arkaynaa inay bani’aadamka siinayso xaqa uu ku tirtiri karo ama ku beddeli karo waxa Ilaahay sharciyeeyey, iyadoo adeegsanaysa doodo aan Ilaahay wax xujo iyo daliil ah ku soo dejin, waxaana tusaale kuugu filan baarlamaannada dalalka ku dhaqma Calmaaniyadda oo xalaalaynaya wax Alle xarrimay sida Khamriga iyo wixii la mid ah.

Sidaas darteed, waxay xalaalaynaysaa waxa Ilaahay xaaraantimeeyey, waxayna xaaraantinimaynaysaa waxa Ilaahay xalaaleeyey; waxay meesha ka saaraysaa wixii Ilaahay waajibiyey, waxayna curyaaminaysaa ama joojinaysaa wixii uu sharciyeeyey.

Calmaaniyaddu, marka la eego gunta fikirkeeda, si dhab ah uma qaddariso Ilaahay sida ay tahay in loo qaddariyo, maadaama ay meesha ka saarayso fikradda ah in Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, si buuxda u ogyahay oo u koobay waxa ku dhaca bani’aadamka, inkastoo waqtigu is beddelo, goobuhu kala duwanaadaan, bani’aadamkuna horumar sameeyo. Waxay sidoo kale meesha ka saaraysaa in Ilaahay u dejin karo bani’aadamka xeerar iyo axkaam ku habboon xaaladahooda, hagaajinaya noloshooda, korna u qaadaya, shakhsi ahaan iyo bulsho ahaanba, xitaa haddii ay ka soo wareegtay afar iyo toban qarni markii la dejiyey xeerarkaas, waxaana Calmaaniyadda ka maqan in Shareecadu Islaamku ku habboon tahay waqti kasta iyo goob kasta oo la joogo, ayna la jaan-qaadi karta isbeddel kasta oo yimaada.

Islaamku wuxuu ku dhisan yahay caqiido sugan oo qotodheer, taas oo ah in Ilaaha Weyn aysan jirin wax ka qarsoon, isla markaana aysan jirin wax uga dhex dhuuman kara samooyinka iyo dhulka oo ka baxsan cilmigiisa. Wixii tagay, waxa hadda jira iyo waxa mustaqbalka iman doona dhammaantood xagga cilmigiisa waa isku mid; Wuxuu ogyahay wixii dhacay, waxa hadda dhacaya iyo waxa dhici doona.

Eebbe, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu yiri:

"وما تكون في شأن وما تتلوا منه من قرآن ولا تعملون من عمل إلا كنا عليكم شهوداً إذ تفيضون فيه وما يعزب عن ربك من مثقال ذرة في الأرض ولا في السماء ولا أصغر من ذلك ولا أكبر إلا في كتاب مبين" سورة يونس: 61.

 “Wax kasta oo aad ku sugan tihiin, iyo wax kasta oo Qur’aan ah oo aad akhrinaysaan, iyo camal kasta oo aad samaynaysaan, annaguna waxaan idiin nahay markhaatiyaal marka aad guda gashaan. Rabbigaagana kama qarsoomo xitaa wax le’eg miisaan yar oo boodh ah, dhulka iyo samadaba, mana jiro wax ka yar ama ka weyn intaas oo aan ku jirin Kitaab cad”.

(Yuunus: 61)

Sidaas darteed, aqoonta Eebbe kuma koobna xaalad gaar ah, waqti gaar ah ama jiil gaar ah; cilmigiisu wuxuu koobayaa dhammaan waxa jiray, waxa jira iyo waxa jiri doona.

Gunaanad

Waxaa xaqiiqa ah, marka si dhab ah loogu kuurgalo xaaladda Calmaaniyiinta ku sugan dalalka Islaamka nay Shareecada Islaamka u arkaan cadowga koowaad ee ka hortaagan in bulshada Muslimiinta qaataan madhabka calmaaniyadda, ku dhaqanka diintana gadaashooda ku tuuraan; sababtoo ah Shareecada Islaamka ayaa dunida aragtiyaha iyo fikradaha ka dhigta xaqiiqo jirta oo la hirgelin karo. Sidoo kale Shareecadu waxay bulshada u diyaarisaa xayndaab sharciyeed oo ka ilaaliya gardarrada iyo xadgudubyada kuwa gardarrada sameeya. Waxayna sidoo kale xakaymaysa oo xad u yeesha qof iimaanka iyo damiirku celin waayo, sida uu yiri khaliifkii labaad Cumar Bin Al-khaddaab:

“Ilaahay wuxuu awoodda iyo maamulka ku joojiyaa wax aanu Qur’aanku ku joojin.”

Macnaha hadalkan ayaa ah in sharciga iyo awoodda fulintu ay bulshada ka hor istaagi karaan xadgudubka qofka aanay ku filnayn xakamaha gudaha ee iimaanka iyo damiirku.

Tixraac:

1.    الإسلام والعلمانية وجهاً لوجه للدكتور يوسف القرضاوي ـ رحمه الله تعالى ـ مكتبة وهبة، القاهرة، 1997م

2.    العلمانية بين الغرب والإسلام للدكتور محمد عمارة، دار الدعوة للنشر والتوزيع، الكويت، 1996م

3.    العلمانية: نشأتها وتطورها وآثارها في الحياة الإسلامية المعاصرة، تأليف: الدكتور سفر بن عبد الرحمن الحوالي، دار الهجرة.

4.    حاضر العالم الإسلامي، لوثروب ستودارد، حواشي شكيب أرسلان، عجاج نويهض 1974م.

5. Islaamka iyo Calmaaniyadd: Dr. Saadiq Eenow    
La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira