Siyaasad

Fashilka Calmaaniyadda ee Dalalka Muslimiinta (Qaybtii 5aad)

Maqaalku wuxuu ku doodaa in calmaaniyaddu ku fashilantay dalalka Muslimiinta sababo la xiriira iska horimaadka ay la leedahay aqoonsigooda Islaamiga ah. Wuxuu tusaale u soo qaataa siyaasaddii Atatürk ee Turkiga iyo sii jiritaanka diinta iyo baraarugga Islaamka inkastoo la hirgeliyey nidaam calmaani ah.

Fashilka Calmaaniyadda ee Dalalka Muslimiinta (Qaybtii 5aad)

Hordhac

Waxaan xalqooyinkii hore ee aan ku baahinnay Majaladda Marag uga soo hadalnay Calmaaniyaddu waxay tahay, sababaha keenay, iyo kala soocidda diinta iyo siyaasadda oo ah saldhigyada waaweyn oo ay Calmaaniyaddu ka duusho.

Maqaalkaan waxaan ku qaadaa-dhigaynaa fashilka ay Calmaaniyaddu kala kulantay dalalka Muslimiinta, sababtoo ah waa jismi aan xiriir la lahayn Islaamka, dagaalna kula jira in diintu wax saamayn ku yeelato siyaasadda, dhaqaalaha, fanka iyo guud ahaan nolosha aadanaha.

 Guul-darrada Calmaaniyaddu kala kulanto dalalka Muslimka ah

Si kastaba ha ahaatee, lama filan karo in calmaaniyaddu ku guulaysato dal Islaam ah, waayo waxay ka hor imanaysaa dabeecadda iyo nuxurka Islaamka ay rumaysan yihiin dadyowga Muslimiintu, waxayna khilaafsan tahay fahamkiisa, hab-dhaqankiisa iyo taariikhdiisaba. Sidoo kale, ma jirto wax sabab ah oo sharciyeynaysa ama cudurdaar u noqonaya in calmaaniyadda laga hirgeliyo dalalka Muslimiinta, sida sababihii iyo duruufihii ka jiray Galbeedka Masiixiga ah.

Waxa keliya ee calmaaniyaddu isku daydo waa inay beddesho dabeecadda ummadda iyo jihada ay u socoto. Hase yeeshee, ummaddu kama jawaabto arrintaas mana aqbasho, waayo hababka difaaca ee ku dhex jira jiritaankeeda ayaa diida in jirkan shisheeyaha ah lagu dhex tallaalo, si xooggan ayayna uga hortagtaa ulana dirirtaa.

Sidaas awgeed, waxaa ka dhex dhasha khilaaf iyo loollan u dhexeeya xukunka calmaaniga ah iyo ummadda Islaamka ah; loollankaasi mararka qaarkood wuu muuqdaa, mararka kalena wuu qarsoomaa; mar wuu sii xoogaystaa oo fidaa, mar kalena wuu yaraadaa oo dib ayuu u gurtaa. Hase yeeshee, waa khilaaf sii jira oo joogto ah, maadaama uu yahay loollan u dhexeeya jiritaanka iyo aqoonsiga ummadda iyo waxa lagu gardarraysanayo ama lagu weerarayo jiritaankaas. Loollankaasi wuxuu mararka qaarkood u qarsoomi karaa sida dab ku qarsoon gudaha foolkaanaha, hase yeeshee, maalin uun waa lama huraan inuu qarxo.

 Itijaaha Calmaaniga ah iyo Saamayntiisa ku aaddan Ummadda

Itijaaha calmaaniga ahi wuxuu caqabad ku yahay in ummaddu si buuxda uga faa’iidaysato dhammaan awooddeeda, sababtoo ah waa aragti ku cusub oo shisheeye riixayo oo aan ka tarjumayn caqiidadeeda iyo qiyamkeeda midnaba; waa wax dibadda uga yimid oo lagu soo dhex tuuray. Sidaas darteed, ma kiciyo dareenkeeda ummadnimo, mana kula hadlo afka iyo luqadda fikradeed ee gilgisha jiritaankeeda iyo aqoonsigeeda.

 Turkiga iyo Calmaaniyadda

Dalka Islaamka ah ee ugu caansan dalalka ay calmaaniyaddu xukuntay, kuna dhaqangelisay qorshayaasheeda, isla markaana si adag oo aan naxariis lahayn ula dagaallantay cid kasta oo ka hortagta, taasna ay sababtay dhiig badan oo daatay, waa Turkiga; oo ahaa dalkii ay ka jirtay Khilaafadii Islaamiga ahayd ee ugu dambaysay, taasoo la riday sanadkii 1924-tii.

Atatürk iyo xisbigiisii ayaa Turkiga ku khasbay in uu qaato hab-dhaqanka reer Galbeedka ee dhinacyada kala duwan ee nolosha, sida siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, waxbarashada iyo dhaqanka. Wuxuuna ka fogeeyay dhaxalkeedii, qiyamkeedii iyo dhaqamadeedii wanaagsana ee Islaamka ahaa, isaga oo ugu beddelay nidaam cusub oo Calmaani ah.

Waxa uu sidoo kale dejiyay dastuur Calmaani oo aan diin ku dhisnayn, kaas oo si buuxda diinta uga soocayay nolosha, laguna saleeyey qawaaniin si aad ah uga fog mabaadi’da iyo xeerarka Islaamka, xitaa dhinacyada la xiriira qoyska iyo axwaasha shakhsiga ah.

Haddaba, ma ku guuleysteen Atatürk iyo xulafadiisii ka dambeeyay, iyagoo kaashanaya Dastuurka iyo sharciyada ay bulshada dusha uga keeneen, oo hareeyey nidaamka waxbarashada, warbaahinta, ciidanka iyo booliska, iyo weliba reer Galbeedka oo gadaashooda la taagan awooddooda iyo xooggooda baaxadda leh, inay xididdada u siibaan fikirka, dareenka, himilooyinka iyo qiyamka Islaamiga ah ee shacabka muslimka ah ee Turkiga?

Xaqiiqada ay markhaati ka yihiin dhammaan dadkii booqday Turkiga sannadihii u dambeeyay ee uu baraarugga islaamku ka jiray, waxaa caddeynaya masaajidda ay buux dhaafiyeen dad cibaadaysanaya oo ka kala tirsan dhammaan jiilasha kala duwan; waxaa sidoo kale caddeynaya dugsiyada Qur’aanka ee tiradoodu kumannaan gaadhay; waxaa markhaati ka ah machadyada lagu barto culuumta Imaamyada iyo Khudbad-jeediyayaasha; waxaana sidoo kale caddeynaya faafitaanka iyo baahsanaanta kutubta Islaamiga ah. Sidoo kale, xaaladda dadka Turkida ah ee ku nool Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub ayaa arrintan markhaati ka ah.

Aan halkan ku soo xigto qoraalkii uu qoray wargeyska Faransiiska ah ee “Le Monde Diplomatique”, oo ku taariikhaysnaa 18/1/1983, kaas oo ka hadlayay xaaladda Turkiga ee u dhaxaysa ilbaxnimada reer Galbeedka iyo asal-raaca Islaamka. Qoraalkaas waxaa sidoo kale soo xigatay majaladda “Al-Raa’id”, oo ka soo bixi jirtay magaalada Aachen ee dalka Jarmalka.

Wargeysku wuxuu qoray:

“Kadib laba qarni oo dib-u-habaynno ah oo lagu doonayay in bulshada Turkiga loo ekaysiiyo qaabka iyo dabeecadaha reer Galbeedka, iyo kadib nus qarni oo xukun calmaani ah, waxaa maanta laga hadlayaa dib-u-soo-noqoshada Islaamka ee Turkiga; dalkaas oo ka mid ahaa dowladihii ugu horreeyay ee Muslimiinta ah ee kala saaray siyaasadda iyo diinta”.

Kacaankii Turkiga ee uu hoggaaminayay Kemal Atatürk, wuxuu calmaaniyadda ka dhigay aasaaska dawladda iyo saldhigga casriyeynteeda. Taasi waxay ka dhignayd in Islaamka laga fogeeyo nolosha guud ee bulshada, isla markaana uu ku ekaado oo keliya xaqa uu u leeyahay inuu saameyn ku yeesho damiirrada dadka diinta haysta.

Sidaas awgeed, Islaamka—oo ah diin leh dhinac diimeed iyo mid siyaasadeedba—wuxuu hal mar isu beddeley arrin gaar ku ah qofka iyo waxa uu aaminsan yahay, kaddib markii dawladdu sharci kasoo saartay, dabadeedna ay iyadu si toos ah ula wareegtay kormeerka iyo maamulka arrimaha diinta.

Xaqiiqadu waxay tahay in kala soocidda Islaamka iyo siyaasadda oo ka dhacda dal Muslim ah ay ahayd tijaabo taariikhi ah oo gaar ah; waxaana tijaabadaas fulisay dawlad calmaani ah oo qaadatay nidaamkii reer Galbeedku ku dhaqmayay.

Xaaladdaasi waxay sababtay in Islaamku uu ka soo guuro mowqifkii xukunka, madaxbannaanida iyo awoodda, una gudbo meel ka baxsan xarunta awoodda, isaga oo ku koobnaaday hadhka nolosha bulshada, gaar ahaan bulshooyinka beeralayda ah ee ku noolaa Turkiga. Waxa kale oo uu Islaamku noqday mid inta badan la kulma cadaadis iyo cabburin.

Dugsiyadii Qur’aanka iyo zawiyadihii (xarumihii diineed ee suufiyada) waxaa loo aqoonsaday kuwo aan sharci ahayn laga bilaabo sannadkii 1925, iyadoo loo arkayay inay yihiin xarumo horseeda dib-u-dhac iyo meelo ay ka dhacaan shirqoollo ay maleegayaan xoogagga doonaya in dib loo soo celiyo nidaamkii hore ee ku dhaqanka Islaamka.

Laakiin aan is weydiinnee, nuurka Islaamku ma ka damay quluubta iyo damiirrada dadka Turkida, mase ka dabar-go’ay nolosha siyaasadeed ee Turkiga? Waxay u muuqataa in arrintu taa ka duwan tahay. In kastoo dabaqadda talada haysay ay Islaamka aad uga fogaatay, haddana wuxuu isu beddelay xuddunta iyo saldhigga doorashooyinka iyo jihaynta siyaasadeed ee dalka.

Ururrada Islaamiga ah iyo barashada diintuna waxay sii wadeen inay saamayn ku yeeshaan bulshada, gaar ahaan shacabka ku nool Turkiga; xitaa waxay heleen taageerayaal cusub oo ku soo biiray, iyo bulshada qaybaheed kala duwan oo dhankood usoo janjeersaday.

Sidaas darteed, isku daygii lagu doonayay in Islaamka laga fogeeyo nolosha guud ee bulshada Turkiga ma uusan horseedin in Islaamku ka dabar-go’o bulshada. Taa beddelkeeda, wuxuu yeeshay saamayn bulsho iyo mid siyaasadeed, iyadoo ururrada diimeed iyo fikradaha Islaamiga ahi ay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Xamaasadda ay bulshada Turkigu u qabto astaamaha iyo halbeegyada Islaamiga ah kuma koobna oo keliya dhaqdhaqaaqa ururrada Naqshbandiyada iyo Qaadiriyada iyo ururro kale oo la mid ah, ama xaqiiqada ah in xukuumaddu ay diin-diid tahay; balse sidoo kale waxay ka dhalanaysaa diidmada bulshada Turkiga ee ku aaddan nooc kasta oo bulsheed oo ka baxsan qaab-dhismeedka dhaqanka Islaamiga ah, iyo welwelka ay ka qabto in dhaqanka dadka Turkigu si tartiib-tartiib ah ugu milmo saameynta sii kordhaysa ee hab-nololeedka reer Galbeedka ee gudaha Turkiga.

Way adag tahay in si sax ah loo go’aamiyo tirada dadka raacsan ururrada diimeed ee Turkiga iyo tirada dadka dhigta dugsiyada Islaamiga ah ee qarsoodiga ah, maadaama ururradan iyo dugsiyadani aysan u shaqayn sida xisbiyada siyaasadeed. Hase yeeshee, waxaa laga heli karaa sawir guud iyadoo la eegayo saamiga codadkii uu helay Xisbiga Badbaadada Qaranka (National Salvation Party) ee uu hoggaaminayay Mudane Necmettin Erbakan, kaas oo xabsiga loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu ka soo horjeeday mabda’a calmaaniga ah, isla markaana uu jebiyay Qodobka 163-aad ee sharciga, kaas oo mamnuucayay in diin iyo nolosha dhaqaale ama siyaasadeed la isku xidho.

 Gunaanad

Inkastoo xaaladda Turkigu ay sidii hore iska baddashay intii talada dalka uu la wareegay xisbiga ballaaran ee Nabad iyo Caddaalad oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdugan; kaasoo isbeddello waaweyn ka sameeyey shuruucda dalka, dadka reer Turkiga ahna loo ogolaaday inay diintooda ku dhaqmaan iyadoon wax sharci ah oo ka reebayaa aysan jirin; waxaa maanta loo wada jeedaa awoodda Islaamku ku leeyahay Turkiga iyo sida dadkiisu ugu oomman yahay ku dhaqanka diinta Islaamka.

Arrintaani waxay markhaanti cad u tahay in si kasta oo reer galbeedku isugu dayaan iyo dadka Muslimiinta ah ka fogeeyaan diintooda, dhaqankooda suubban iyo xaddaaraddooda soo jireenka; inaysan sinnaba ugu guulaysanayn hagarta iyo khiyaanada ay u maleegaan Muslimiinta meel kasta oo joogaanba.

 

Tixraac

1.    الإسلام والعلمانية وجهاً لوجه للدكتور يوسف القرضاوي ـ رحمه الله تعالى ـ مكتبة وهبة، القاهرة، 1997م

2.    العلمانية بين الغرب والإسلام للدكتور محمد عمارة، دار الدعوة للنشر والتوزيع، الكويت، 1996م

3.    Islaamka iyo Calmaaniyadd: Dr. Saadiq Eenow

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.