Sharci

Soomaaliya oo u Baahan Dib-u-habayn Lagu Sameeyo Xeerarka iyo Nidaamka Sharciga

Qormadu waxay falanqaynaysaa baahida dib-u-habaynta xeerarka Soomaaliya, astaamaha sharci tayo leh iyo caqabadaha ay ka mid yihiin musuqmaasuqa, faragelinta siyaasadeed iyo xeerarka duugoobay. Waxay soo jeedinaysaa xoojinta madaxbannaanida garsoorka, tababarka hawl-wadeennada, adeegsiga tiknooloojiyadda iyo ka qaybgelinta bulshada dejinta sharciyada.

Soomaaliya oo u Baahan Dib-u-habayn Lagu Sameeyo Xeerarka iyo Nidaamka Sharciga

 Hordhac

Sharcigu waa asaaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo bulsho iyo dawladnimo ku dhisan caddaaladd, amni, iyo kala dambeyn.

Dad iyo dal kasta oo doonaya horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho waxay u baahan yihiin xeerar tayaysan oo casri ah, si caddaalad ahna loo dejiyo loona dhaqan geliyo.

 Soomaaliya waxay soo martay duruufo iyo isbadallo adag oo saameeyay nidaamkeeda sharci, taasoo keentay in ay jiraan caqabado badan oo hortaagan horumarinta iyo tayaynta xeerarka, Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la fahmo sida loo horumarin karo loona tayayn karo xeerarka iyo astaamaha lagu garto sharciga horumarsan.

Qormadaan kooban waxaan ku lafaguri doonaa, habka iyo hanaanka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo xeerarka, astaamaha xeerarka tayaysan, caqabadaha ka hortaagan tayaynta xeerarka dalkeena Soomaaliya iyo xalalka caqabadahaas oo aan soo bandhigi doono.

Sidee loo tayayn karaa xeerarka?

Horumarinta sharciga iyo tayaynta xeerarku, waxay u baahan yihiin,dadaal joogto ah iyo iskaashi dhex mara saddexda heer dowladda ee kala ah: dawladda fedaraalka, maamul-goboleedyada,iyo dawladdaha hoose.

Sidoo kale, waxa lama huraan ah iskaashi dhex mara laamaha, dawladda ee sharci-dajinta, garsoorka iyo fulinta.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah inay xiriir wanaagsan leeyihiin hay'adaha garsoorka, aqoonyahannada, iyo bahda bulshada rayidka ah.

Hadaba qodobbada ugu muhiimsan ee lagu tayayn karo xeerarka waxaa ka mid ah:

1.     Dib-u-eegis joogto ah oo lagu sameeyo sharciyada si loo waafajiyo xaaladaha soo kordha iyo isbeddellada ku dhaca bulshada.

2.     Xoojinta madax-bannaanida garsoorka: si hay'adaha garsoorka iyo maxkamaduhu u gutaan waajibkooda uguna shaqeeyaan si caddaalad ah, eex la'aan ah, cabsi la'aan ah, waa in la siiyo madax-banaani maaliyadeed iyo mid shaqo. Taasna waxaa lagu hirgalin karaa dhisida Golaha sare ee Garsoorka.

3.     Kor u qaadidda tayada waxbarashada sharciga iyo tababarrada garsoorayaasha, xeer-ilaaliyeyaasha, qareennada, booliiska,iyo dhamaan hawl-wadeennada ka shaqeeya hay'adaha cadaaladda iyo kuwa sharciga.

4.     Adeegsiga tiknooloojiyadda: si loo casriyeeyo loona tayeeyo xeerarka, waa in hay'adaha garsoorku tiknooloojiyadda u adeegsadaan, arrimaha garsoorka sida kaydinta xogta, maamulka dacwadaha, baahinta dhagaysiga iyo xukunnada dacwadaha; tasoo keenaysa in bulshadu xog wanaagsan ka hesho adeegga hay'adahaas kuna kalsoonaato.

5.     Ka qaybgelinta bulshada iyo waafajinta dhaqanka: si loo helo xeerar tayaysan waa in marka la dajinayo sharciyada laga qayb geliyo bulshada diyaarinta xeerarka si ay u noqdaan kuwo ka tarjumaya baahiyaha shacabka.

6.     Waafajinta dhaqanka ee sharciyada Soomaaliya heshiisyada caalamiga ah ee ay qaybta ka tahay, waxay sahlaysaa in bulshadu yeelato xeerar sidoo kalena u hogaansanto ku dhaqankooda.

Astaamaha xeerarka tayaysan

Xeerarka tayaysan ee horumarsan waxay leeyihiin astaamo badan, waxaynu kasoo qaadanaynaa dhowr astaamood oo ay ka mid yihiin:

1.     Xeerarka tayaysan waxay ilaaliyaan xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

2.     Xeerarka tayaysan waxay ku dhisan yihiin caddaalad, sinnaan, iyo isla-xisaabtan.

3.     xeerarka tayaysan waa xeerar cad cad oo si sahlan loo fahmi karo, loo heli karo, loo dabaqi karo, loo siman yahay, la socda waaqaca bulshada, kana jawaabaya baahiyaha bulshada, la jaan qaadaya tiknooloojiyadda casriga ah.

4.     Xeerarka tayaysan waxay dhisaan hay'ado awood u leh hirgelinta dastuurka iyo dawlanimo loo dhan yahay, xambaarsanna aragtida ummadda.

5.     Xeerarka tayaysan waxay ku dhisan yihiin saldhigna u ah mabda'a sarreynta sharciga (Rule of Law) ee kuma dhisna mabda'a saraynta shakhsiga (Rule by Law).

Caqabadaha hortaagan tayaynta xeerarka Soomaaliya

In kasta oo Soomaaliya ay leedahay dastuur iyo hay’ado sharci, haddana waxaa jira caqabado waaweyn oo hortaagan tayaynta xeerarka iyo hirgelinta nidaam sharci oo wax-ku-ool ah. Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

1.     Dhaqan-gelin la’aanta sharciyada: Waxaa si joogto ah u soo baxa sharciyo iyo xeerar cusub oo ay soo saaraan hay’adaha ay khusayso. Sidoo kale, waxaa jira sharciyo hore u jiray oo aan si buuxda loo fulin ama loo dhaqan-gelin, taas oo wiiqaysa awoodda sharciga iyo kalsoonida bulshada.

2.     Musuqmaasuqa: Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee hortaagan tayaynta xeerarka iyo hirgelinta caddaaladda. Waxa uu wiiqaa hay’adaha sharciga, wuxuuna dhaawacaa kalsoonida bulshadu ay ku qabto nidaamka caddaaladda.

3.     Faragelinta siyaasadda: Mararka qaarkood waxaa hay’adaha garsoorka ku yimaadda faragelin iyo saameyn siyaasadeed oo ka timaadda dhinacyo kala duwan. Tani waxay dhaawacaysaa madaxbannaanida garsoorka, waxayna caqabad ku noqotaa tayaynta xeerarka iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka sharciga.

4.     Awood-yarida hay’adaha sharciga: Qaar ka mid ah maxkamadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha sharciga iyo caddaaladda waxay la kulmaan dhaqaale-yari, qalab la’aan iyo awood farsamo oo xaddidan. Arrimahaasi waxay saameyn ku yeeshaan awoodda hay’adahaas ee fulinta waajibaadkooda.

5.     Isku-dhaca ilaha sharciga iyo xeerarka duugoobay: Waxaa mararka qaarkood dhaca isku-dhac u dhexeeya ilaha kala duwan ee sharciga, sida xeer-dhaqameedka, sharciyada dawliga ah iyo Shareecada Islaamka. Sidoo kale, qayb ka mid ah xeerarka dalka lagu shaqeeyo waa kuwo soo jiray muddo dheer oo aan si buuxda ula jaanqaadi karin xaaladaha iyo baahiyaha bulshada maanta.

Caqabad kale oo wayn ayaa ah in badiba xeerarka lagu shaqeeyo yihiin kuwo duugoobay oo xilli hore soo baxay, tusaale ahaan xeerka ciqaabta waxa uu soo baxay 1962. Xeerka habka ciqaabta 1963, xeerka madaniga 1973, habka madaniga 1974 iyo xeerka Nidaamka garsoorka ee lagu shaqeeyo oo soo baxay 1962 Hadaba xeerarkas duugoobay kama turjumi karaan baahida bulshada maanta, lamana jaanqaadi karaan tiknooloojiyadda casriga ah.

Talooyin

Si loo helo xeerar tayo leh, loogana gudbo caqabadaha jira, waxaan soo jeedinayaa talooyin aan u arko inay muhiim yihiin, isla markaana wax weyn ka tari kara baahida jirta. Talooyinkaas waxaa ka mid ah:

1.     Dib-u-habeyn lagu sameeyo sharciyada duugoobay, bulshaduna si daah furan uga qayb qaataan dib u habayntaas.

2.     In la xoojiyo madaxbannaanida garsoorka, lana kordhiyo miisaaniyadda hay'adaha caddaaladda.

3.     In la siiyo tababarro shaqaalaha hay'adaha sharci-dajinta, garsoorka iyo xubnaha hay'adaha fulinta markay samaynayaan xeerarka loo igmaday.

4.     In la hirgeliyo nidaamyo dhijitaal ah oo casri ah, lana xoojiyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan sharciga, korna loo qaado doorka ururada bulshada rayidka ah ku leeyihiin samaynta iyo diyaarinta xeerarka.

5.     In si adag loola dagaallamo musuqmaasuqa, astaamaha xeerarka tayaysana laga dhigto bartilmaameed la hiigsado, xeer walba oo soo kordhana laga dhex eego.

Gunaanad

Xeerarka tayaysan waa saldhigga horumarka dowladeed iyo kan bulsho. Sharci horumarsan wuxuu abuuraa caddaalad, amni, iyo kalsooni, wuxuuna dhiirigeliyaa maalgashi iyo koboc dhaqaale. Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku dhisi karto nidaam sharci oo tayaysan; hadana xooggan haddii la xoojiyo hay'adaha garsoorka, la casriyeeyo sharciyada, lana hubiyo in sharcigu si siman ugu shaqeeyo dhammaan muwaadiniinta. Marka taas la gaaro, waxaa fududaanaya in la helo dowladnimo wanaagsan iyo bulsho ku dhisan caddaalad iyo sarreynta sharciga.

 

Tixraacyo

Dastuurka JFS.

Xeerka Sharci Dajinta Soomaaliya 2015

Buuga Haga Sharci Qorista

Legislative Drafting-G.C.Thornton

Law Reform: Princicles And Practice.


 

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.