Marka Shacabku Aamuso, Yaa Xakamaynaya Awoodda Dowladda?
Maqaalku wuxuu adkaynayaa in awoodda dowladdu ka timaaddo shacabka, sharciguna xaddido. Wuxuu ku baaqayaa wada-shaqayn aan meesha ka saarin kormeerka, dhaliisha iyo isla xisaabtanka, isagoo ka digaya in aamusnaanta iyo kala qaybsanaanta shacabka ay kordhiyaan khatarta ku-tagrifalka awoodda.

Arar
Si dawladnimadu u hanaqaaddo, waxaa muhiim ah in shacabka iyo dowladda ay yeeshaan wada-shaqayn, is-aaminaad iyo is-faham. Shacabka waxaa wanaagsan in ay dowladda ay doorteen siiyaan fursad ay ku shaqayso, iyaga oo aan bilowgaba mucaaradad joogto ah kala hor imaan, balse u oggolaada waqti ay ku muujiso waxqabadkeeda. Taas macnaheedu ma aha in shacabka laga doonayo in ay ka tanaasulaan doorkooda kormeerka iyo isla xisaabtanka, balse waa in ay dowladda kala shaqeeyaan hirgelinta qorshayaashii lagu doortay, isla markaana la socdaan in ay gudanayso waajibaadkeeda.
Dowladdu kaligeed ma guulaysan karto haddii aysan haysan taageerada iyo wada-shaqaynta shacabka. Shacabku waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhismaha iyo xoojinta dowladnimada, iyaga oo dowladda ku taageera arrimahan:
- Bixinta cashuuraha: Shacabku waxay bixiyaan cashuuraha ay dowladdu ku fuliso hawlaheeda iyo adeegyada bulshada.
- U hoggaansanaanta sharciga: Shacabku waxay ixtiraamaan shuruucda iyo awaamiirta dowladda ee waafaqsan sharciga.
- Sugidda amniga: Shacabku waxay dowladda kala shaqeeyaan ilaalinta amniga, nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
- Ka-qaybgalka talo-bixinta: Shacabku waxay dowladda kala shaqeeyaan ka-talo-bixinta iyo horumarinta hindisayaasha iyo siyaasadaha dalka.
- Taageeridda qorshayaasha dowladda: Shacabku waxay dowladda ku taageeraan hirgelinta qorshayaasheeda horumarineed iyo kuwa siyaasadeed, iyaga oo sidoo kale la socda waxqabadkooda.
Dowladdu haddii ay qaaddo tallaabo ka hor imaanaysa sharciga iyo dastuurka dalka, shacabka waxay xaq iyo waajib u leeyihiin in ay su’aalo ka weydiiyaan, si cadna u dhaliilaan go’aannada iyo ficillada khaldan. Sidoo kale, waxay xaq u leeyihiin in ay dowladda ka dalbadaan isla xisaabtan, sixitaanka khaladaadka iyo wax-ka-beddelka tallaabooyinka ka baxsan sharciga. Sidaas darteed, taageeridda dowladda iyo wada-shaqaynteedu marnaba macnaheedu ma aha in shacabka laga doonayo in ay ka aamusan khaladaadka dowladda. Dowladnimo wanaagsan waxay ku dhisan tahay wada-shaqayn, dhaliil wax-ku-ool ah, hufnaan iyo isla xisaabtan.
Awooddaha la kala leeyahay
1. Awoodda Shacabka
Awoodda dowladnimadu asal ahaan waxay ka soo jeeddaa shacabka, maadaama ay yihiin isha sharciyadda iyo awoodda dowladeed. Shacabku waxay leeyihiin awoodaha iyo xuquuqaha soo socda:
1. Waxay leeyihiin awoodda ay ku doortaan dowladda iyo madaxda u matalaysa, una igmadaan masuuliyadda hoggaaminta, ilaalinta iyo u adeegidda bulshada.
2. Waxay xaq u leeyihiin inay taageeraan, la shaqeeyaan, isla markaana la socdaan waxqabadka madaxda ay doorteen.
3. Waxay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida dalka, dhowrista sharciga iyo difaaca danta guud.
4. Waxay xaq u leeyihiin inay dowladda su'aalo ka weydiiyaan go'aannadeeda, dhaliilaan khaladaadkeeda, kana dalbadaan isla xisaabtan iyo sixitaanka wixii ka baxsan sharciga.
2. Awoodaha Madaxda Dowladda
Madaxda dowladdu waxay leeyihiin awood iyo masuuliyado sharci iyo hay'adeed oo ay ku gutaan waajibaadkooda dowladnimo. Awoodahaas waxaa ka mid ah:
1. Awood sharci iyo mid hay'adeed oo u saamaxaysa inay dalka ku maamulaan, kuna fuliyaan waajibaadka iyo masuuliyadaha dastuurku u igmaday.
2. Awoodda dowladdu ma aha hanti ama awood shaqsiyeed oo madaxdu leedahay, balse waa amaano iyo masuuliyad ay shacabka u igmadeen, sharciguna xaddiday.
3. Madaxda dowladdu waa inay awooddooda u adeegsadaan u adeegidda shacabka, ilaalinta sharciga, sugidda amniga iyo horumarinta dalka, kana fogaadaan inay u adeegsadaan dano gaar ah, mid kooxeed ama mid qabiil.
4. Madaxda dowladdu waxaa waajib ku ah inay shacabka ula yimaadaan hufnaan, daahfurnaan iyo isla xisaabtan, isla markaana ay aqbalaan dhaliisha iyo kormeerka sharciga ah ee shacabka.
Sidee loo dhisaa Shacab iyo Dawlad kala garanaya masuuliyadahooda?
Dowladnimo xooggan waxa ay ku dhisantaa:
1. Shacab masuul ah oo garanaya xuquuqdooda iyo waajibaadkooda muwaadinnimo.
2. Madax masuul ah oo ixtiraamta sharciga, xuquuqda shacabka iyo mabaadi’da dowladnimada.
3. Hay’ado dowladeed oo hufan kana madax-bannaan eex, qof-jeclaysi iyo dano gaar ah.
4. Isla xisaabtan dhab ah oo ka dhexeeya shacabka, madaxda iyo hay’adaha dowladda.
5. Ka-qaybgalka shacabka ee go’aannada iyo siyaasadaha saameeya noloshooda.
6. Dowlad u adeegta shacabka, halkii ay u arki lahayd dad la xukumo oo aan lahayn awood ay kula xisaabtamaan.
7. Shacab gutta waajibaadkooda, sida ilaalinta sharciga, bixinta canshuuraha, ka-qaybgalka arrimaha bulshada, ilaalinta nabadda iyo la xisaabtanka madaxda.
8. Dowlad aqoonsan awoodda shacabka, maadaama shacabku yihiin isha awoodda dowladnimo, madaxda la doortaana yihiin wakiillo iyo adeegayaal dadweyne.
9. Hay’ado ku shaqeeya sharciga iyo nidaamka, kuwaas oo awooddooda iyo masuuliyaddooda ku saleeya dastuurka iyo shuruucda dalka.
Sababaha keena ku-tagrifalka awoodda dowladda
Dowladdu waxay u badan tahay inay ka leexato sharciga iyo waajibaadka loo igmaday marka ay aragto shacab aan si firfircoon ula xisaabtamin, aan difaacin xuquuqdooda, isla markaana si fudud loo kala qaybin karo. Marka ay madaxdu ogaadaan in aanay jirin cid si dhab ah ula socota go'aannadooda ama ka hortagaysa khaladaadkooda, waxaa kordhaya khatarta ku tagrifalka awoodda iyo ku tumashada sharciga.
Arrintani waxay si gaar ah u dhacdaa marka ay dowladdu xaqiiqsato xaaladaha soo socda:
1. La-xisaabtan la'aanta dowladda: Marka shacabku aanay dowladda kala xisaabtamin go'aannadeeda, waxqabadkeeda iyo gudashada waajibaadkeeda, waxaa yaraada cadaadiska bulshada ee lagu hubinayo in dowladdu ku shaqayso sharciga.
2. U hoggaansanaanta go'aannada sharci-darrada ah: Marka shacabku si indho la'aan ah u aqbalaan go'aannada dowladda, xataa haddii ay ka hor imaanayaan dastuurka, sharciga ama danta guud, waxay madaxda siinaysaa fursad ay ku sii wadaan go'aanno aan waafaqsanayn waajibaadkooda.
3. Aamusnaanta saxaafadda: Marka saxaafaddu ka aamusto khaladaadka iyo ku tagrifalka awoodda ee dowladda, waxay meesha ka saaraysaa mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee bulshada ku hesho xog iyo wacyigelin. Aamusnaanta noocaas ahi waxay madaxda ku abuuri kartaa dareen ah in aan lagula xisaabtami doonin falalkooda.
4. Isku khaldidda qofka iyo xilka: Marka shacabku qofka haya xilka iyo xilka uu hayo isku khaldaan, waxaa adkaanaysa isla xisaabtanku. Tusaale ahaan, marka wasiir khalad sameeyo ama uu awooddiisa ku takrifalo, halkii lagula xisaabtami lahaa waxaa loo muujiyaa taageero aan shuruud lahayn. Tani waxay meesha ka saaraysaa fahamka ah in xilku yahay adeeg iyo masuuliyad dadweyne, ee aanu ahayn awood shaqsiyeed.
5. Danayn la'aanta xuquuqda iyo hantida dadweynaha: Marka shacabku iska daawadaan adeegyada dowladda oo aan si caddaalad ah loo qaybin, hantida dadweynaha oo lagu takrifalo ama xuquuqda muwaadiniinta oo lagu xadgudbo, iyaga oo ku doodaya in arrintu aanay iyaga khusayn, waxay abuuraan jawi dhiirrigeliya ku tumashada xuquuqda iyo sharciga. Xuquuqda muwaadinku ma aha arrin ku kooban qof ama koox gaar ah, balse waa masuuliyad bulsho oo wadajir ah.
6. Taageero siyaasadeed oo ku dhisan qabiil, gobolaysi iyo nin-jeclaysi: Marka taageerada siyaasadeed lagu saleeyo qabiil, gobol ama shakhsiyad, halkii lagu salayn lahaa waxqabad iyo dhowrista sharciga, madaxda waxaa u fududaanaysa inay khaladaadkooda ku helaan taageero bulsho. Taasi waxay wiiqaysaa isla xisaabtanka, waxayna dhiirrigelisaa sii socoshada ku tagrifalka awoodda.
7. Ka-qaybgal la'aanta go'aannada iyo wada-tashiyada bulshada: Marka shacabku ka maqnaadaan go'aan-qaadashada, wada-tashiyada ku saabsan doorashooyinka, shirarka bulshada iyo doodaha siyaasadeed, waxaa yaraada saamaynta iyo codka bulshada. Taasi waxay dowladda siin kartaa fursad ay ku gaarto go'aanno muhiim ah iyada oo aan helin aragti iyo talo ku filan oo ka timaadda shacabka.
8. Daciifnimada hay'adaha bulshada rayidka ah: Marka hay'adaha bulshada rayidka ahi ay daciifaan ama aanay si buuxda u gudan doorkooda matalaadda, difaaca xuquuqda iyo u doodista danta guud, waxaa yaraada awoodda bulshada ee ay kula socon karto dowladda. Sidoo kale, marka dowladdu aanay la tashan hay'adahaas ama aanay tixgelin soo jeedintooda, waxaa wiiqmaya doorkooda ku aaddan siyaasadda iyo horumarinta dowladnimada.
Masuuliyadaha Dowladda iyo Shacabka ee Hirgelinta Dowlad Wanaagga
Maadaama aynu soo xusnay astaamaha lagu garto dawlad-wanaagga, iyo masuuliyadaha kala saaran dowladda iyo shacabka, waxaa muhiim ah in labada dhinacba ay tixgeliyaan qodobbada aasaasiga ah ee lagu dhisi karo dawlad-wanaag, isla xisaabtan iyo wada-shaqayn waarta.
Si taas loo xaqiijiyo, waxaa dowladda iyo shacabka laga doonayaa:
1. Xoojinta wacyiga muwaadinnimada: In la kordhiyo wacyiga bulshada si muwaadiniintu u fahmaan xuquuqdooda, waajibaadkooda iyo doorkooda ku aaddan dhismaha iyo ilaalinta dowladnimada.
2. Doorashada hoggaan u adeegaya shacabka: In madaxda lagu doorto karti, hufnaan, daacadnimo iyo aragti hoggaamineed oo ku dhisan u adeegidda shacabka iyo ilaalinta danta guud.
3. Xoojinta hay'adaha dowladda: In la dhiso lana xoojiyo hay'adaha dowliga ah si dowladnimadu ugu dhisnaato nidaam iyo hay'ado shaqaynaya, halkii ay ku xirnaan lahayd qof, qoys ama koox gaar ah.
4. Dhisidda hannaan isla xisaabtan oo dhab ah: In la abuuro hannaan wax-ku-ool ah oo lagu kormeero laguna qiimeeyo waxqabadka dowladda, lagulana xisaabtamo madaxda iyo hay'adaha dowladda.
5. Ka-qaybgelinta shacabka go'aan-qaadashada: In shacabka laga qaybgeliyo go'aannada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa sida tooska ah u saameeya noloshooda, xuquuqdooda iyo mustaqbalkooda.
6. Ixtiraamka sharciga iyo dastuurka: In madaxda dowladda iyo shacabka labaduba dhowraan sharciga iyo dastuurka lagu heshiiyey, cid kasta oo ay tahayna ay sharciga ka sarreyso cidina aanay ka sarreyn.
7. Xoojinta wada-hadalka dowladda iyo bulshada rayidka ah: In la dhiirrigeliyo wada-hadal joogto ah oo u dhexeeya dowladda iyo bulshada rayidka ah, lana aqoonsado doorka bulshada rayidka ah ee matalaadda danaha bulshada, u doodista xuquuqda muwaadiniinta iyo la socodka waxqabadka dowladda. Bulshada rayidka ahi waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa xoojinta isla xisaabtanka iyo xiriirka dowladda iyo shacabka.
8. Awoodda dowladda oo loo arko amaano iyo masuuliyad: In awoodda dowladnimada loo arko amaano iyo masuuliyad dadweyne oo loo igmaday madaxda, halkii loo arki lahaa mudnaan shaqsiyeed ama awood lagu gaaro dano gaar ah, mid kooxeed ama mid qabiil.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Dastuur Mise Hoggaamiye? Marka Hay’aduhu Daciifaan oo Taladu ku Ururto Hal Qof

Muxuu Federaalku kaga duwanyahay Nidaamyada kale ee Siyaasadeed?

Musuqmaasuqa: Kansarka Haliska ku ah Dadnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya


Dawladnimo iyo Awood Barbar Socota: Fahamka Kooxaha Hubaysan

