Teknoolojiyad

DHEELLIGA ILBAXNIMADA AADANAHA (Qaybta 2aad)

Qoraalku wuxuu soo bandhigayaa aragtida Dheelliga Ilbaxnimada, oo khataraha aadanaha ku xiriirinaysa awoodda tiknooloojiyadeed oo ka koboc degdeg badan anshaxa iyo xigmadda. Wuxuu ku doodayaa in badbaadada ilbaxnimadu ku xiran tahay isu dheellitirka garashada, awoodda iyo anshaxa, halkii khatar kasta goonideeda loo wajihi lahaa.

DHEELLIGA ILBAXNIMADA AADANAHA (Qaybta 2aad)

Mabda'a Dheelliga Ilbaxnimada

Haddii aan dib u milicsanno taariikhda aadanaha, waxaan arkaynaa in ilbaxnimadu aanay marna si isku xawaare ah u kobcin. Waxaynu barannay sida dabka loo shido, ka hor inta aynaan si buuxda u fahmin sida loo xakameeyo. Waxaynu barannay sida birta loo farsameeyo, ka hor intii aynaan ka heshiin xadka loo adeegsan karo. Waxaynu barannay sida atom-ka loo kala jebiyo, ka hor intii aynaan awoodin inaan ka saarno dunida cabsi joogto ah oo hub nukliyeer ah. Maantana waxaynu dhisaynaa garaad macmal ah oo awooddiisu maalin kasta sii kordhayso, iyada oo dooddii anshaxa, sharciga iyo mas'uuliyadda ay weli daba socoto.

Waxa aynu halkan uga jeedno ma aha dhacdooyin kala go'an. Waa muuqaal soo noqnoqday oo taariikhda ilbaxnimada la socda. Markasta dhibaatadu ma ahan tiknooloojiyadda lafteeda. Waxaa muuqda in dhibta ugu wayn ee aadanuhu kala kulmo tiknooloojiyaddu tahay xawaaraha ay ku korto marka loo eego xawaaraha ay ku koraan xigmadda iyo anshaxu.

Halkan ayay ka dhalanaysaa waxa aan ugu yeedhayno Dheelliga Ilbaxnimada. “The Asymmetry of the Civilization”. Mabda'ani wuxuu ku dhisan yahay aragti fudud, balse leh saamayn aad u ballaaran:

“Ilbaxnimo kasta waxay ku taagan tahay saddex tiir: garasho, awood, iyo anshax. Badbaadada ilbaxnimaduna kuma xirna inta ay mid kasta la egtahay kalideed, balse waxay ku xirantahay sida ay saddexduba isu dheellitiraan”

      Garashadu waa awoodda lagu fahmayo xaqiiqada. Waa sayniska, waayo-aragnimada, cilmi-baarista iyo ururinta aqoonta. Garashadu waxay ka jawaabtaa su'aasha: "Maxaan ognahay?"

      Awooddu waa kartida aqoontaas loogu beddelo ficil. Waa tiknooloojiyadda, dhaqaalaha, awoodda siyaasadeed, warshadaha, hubka, iyo dhammaan qalabka qof ama bulsho u suurtageliya inay wax ka beddesho dunida ku hareeraysan. Waxay ka jawaabtaa su'aasha: "Maxaan samayn karnaa?"

      Anshaxuna waa cududda lagu hago garashada iyo awoodda. Waa mabaadi'da go'aamisa waxa habboon iyo waxa aan habboonayn. Waxay ka jawaabtaa su'aasha: "Maxaa nala gudboon inaan samayno?"

 

Saddexdan su'aalood way kala duwan yihiin. Qofku wuu ogaan karaa sida wax loo sameeyo. Wuxuu awood u yeelan karaa inuu sameeyo. Laakiin weli waxaa taagan su'aasha ugu dambaysa: Ma habboon tahay in la sameeyo?

Taariikhdu waxay ina tusaysaa in saddexdan tiir aanay isku xawaare ku korin. Garashadu way korodhaa. Awoodduna waxay ka kortaa garashada, maadaama aqoon kasta oo cusub ay dhalin karto qalab, warshad ama farsamo cusub. Laakiin anshaxu inta badan wuxuu ku koraa si gaabis ah. Wuxuu u baahan yahay waqti, dood, waayo-aragnimo, iyo mararka qaarkood xanuun lagu barto. Sidaas darteed, ilbaxnimadu waxay marar badan istaagtaa meel iyada oo haysata awood aysan haddana weli u bislayn inay maamusho. Taas ayaana ah waxa aan ugu yeedhayno dheelliga ilbaxnimada.

Ilbaxnimaduna sidaas ayay u shaqaysaa. Garashadu waa hal dhinac. Awooddu waa dhinac kale. Anshaxuna waa tiirka ilaalinaya isu dheellitirka labadaas. Marka awooddu si xawli ah u korto, halka anshaxii iyo xigmaddii lagu hagi lahaa ay gaabis noqdaan, ilbaxnimadu way dheellidaa. Dheelligaasi horayba uma soo muuqdo; waxaase had iyo gooraale soo muuqda natiijooyinkiisa. Waxaa kordha hubka. Waxaa kordha wasakhowga. Waxaa kordha burburka deegaanka. Waxaa koradha awoodda loogu waxyeelleeyn karo malaayiin qof hal go'aan oo keliya. Waxaa kordha awoodda wax lagu abuuro, laakiin isla markaana waxaa kordha awoodda wax lagu baabi'iyo.

Dhammaan kuwani waa astaamo. Ma aha cudurka laftiisa. Cudurku waa kala fogaanshaha u dhexeeya awoodda iyo xigmadda. Waxaa laga yaabaa in ay tani tahay khaladka ugu weyn ee aynu ka galnay doodda ku saabsan mustaqbalka ilbaxnimada. Waxa aynu mar kasta isku mashquulinnaa magaca khatarta soo socota —mar hub nukliyeer ah, mar isbeddel cimilo, mar garaadka macmalka ah—laakiin waxa aynaan isweydiin waa sababta ay khatarahaasi mar kasta uga dhex dhalanayaan ilbaxnimada lafteeda.

Haddaba, haddii ay run tahay oo khatar kastaa ay tahay muuqaal cusub oo ka dhashay isla cudurkii hore, markaa xalka ma noqon karo la dagaallanka khatar kasta oo gaar ah si iyada uun ku kooban. Waxaa khasab noqonaysa in la fahmo cudurka laftiisa —oo waa halkii hal-abuurka Soomaaliga ah ka lahaa “Cudurka kaa gala fardaha, Haddii laga gubo dammeer, Dawada lama gaarayee” —taasoo haddii aanay dhicin dawada ka dhigaysa mid gaariddeedu dheeraato.

Si taa u dhacdo waa in su’aashu u wareegtaa ama noqotaa: Miyaanay khataraha ugu waaweyn ee ilbaxnimadu aheyn fal iyo natiije leh sabab ka timid ilbaxnimada gudaheeda iyo dheelliga ku yimid garashada, awoodda iyo anshaxa ilbaxnimo leedahay?

Haddii jawaabtu haa noqoto, markaas Dheelliga Ilbaxnimadu ma noqonayo oo keliya aragti sharxaysa burburka ilbaxnimooyinka, balse waxa ay noqonayaa xeer guud oo sharxaya sababta ilbaxnimo kastaa u gaadhi karto heer ay awooddeedu isu beddesho khatarta ugu weyn ee jiritaankeeda.

 


La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira