Dhaqanka & Deegaanka

Dal qalaad iyo da’yarta Soomaaliyeed: Dugulka Soomaali baad mooddaa misna waa duul kale! (Qaybtii 3-aad)

Qoraalku wuxuu ka digayaa waxa qoraagu u arko saamaynta ilbaxnimada maadiga ah ee reer Galbeedku ku leedahay dhaqanka iyo diinta Soomaalida qurbaha, gaar ahaan dhallinyarada. Wuxuu dooddiisa ku xoojinayaa milicsiga gumeysiga, qoraallada aqoonyahanno Muslimiin ah iyo suugaanta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Dal qalaad iyo da’yarta Soomaaliyeed: Dugulka Soomaali baad mooddaa misna waa duul kale! (Qaybtii 3-aad)

 Arar:

Qaybihii hore ee qoraalkeenna, waataynu soo sheegnay Soomaalida waxa ku dhacay oo jab ah, inay qaxday oo ay adduunkoo dhan, badankiisa aan iraahdo, dool ku tahay, iyadoo dagaagana joogto, innagoo weliba raacinnay faaqidaada qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaan wax ka soo niri siday u tagtay ama ku tagtay oo ku gaadhay dalalkaasi shisheeye ee ay magan gashay, inagoo barbar dhigayna dadyowga kale ee iyaguna dalalka reer galbeedka galay iyo noocyadooda. Iyadoo qaybahaasi hore ay arar iyo gogoldhig inoo ahaayeen, waxaan hadda gudageleynaa ubucda qoraalkeenna oo uu hal-ku-dheggiisu ahaa “Dal qalaad iyo Da’yarta Soomaaliyeed”.

Iyadoo si guud uu qoraalku uga hadlayo dayaca ku dhacay dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha u hayaamay, haddana gaar ahaan waxaan u soconnaa waa dhallinyarada iyo sida waayohoodu uu noqday, amaba yahay.

Milicsi Tariikheed

Waagii gumeystuhu noo yimid, waa tii aynu la dirirnay oo iska diidnay. Dagaalkeennu waa uu noocyo badnaa. Waxaa ka mid weyn ahaa kan suugaanta; halgankii suugaanta ahaa oo leh mid diiwaan gashan, sida midkii Daraawiishta, iyo mid lumay oo aan tiro lahayn -Ilaahay se diiwaankiisa aan lumin, lana illoobin ku dhigan. Saraakiishii iyo haldoorkii gumeystuhu waa ay liqi waayeen diidmada dhaga-adayga leh ee Soomaalida, iyo sida gobanimadoodu u adag tahay. Saraakiishii iyo madaxdii gumeysigu iniba si bay uga falcelisay; qaar waxay muujiyeen nac durugsan iyo aflagaaddo iyo cay foolxun oo aan markhaanti lahayn; haddii addinkoodii wax tari waayeyna, waxay doorbideen inay ‘Ilaahay been u sheegaan’, waxaan jirin na ay Soomaalida ka qoraan, mar hadday gumeyn waayeen. Dadkuse isku mid ma aha; mar walba waxaa jira qaar caqligiisu shaqaynayo oo, si kastoo aad isu haysaan, runta door bidaya, mase badna! Waxaa dadkaasi ka mid ahaa Charles Elliot Quote. Charles wuxuu ahaa madixii xafiiskii gumeysiga ee Bariga Afrika oo dhan 1901, Soomaaliyana ay qayb ka ahayd. Marka laga soo tago sarkaalnimadiisa ciidan, Charles wuxuu ahaa nin aqoon leh oo hiddaha aadanaha, dhaqan, af, iyo diin, inataba, si weyn wax uga yaqaaney. Wuxuu ahaa nin garan kara oo garwaaqsan kara sida ummadi u ebyantahay, iyo weliba sida loo dumin karo oo loo daaduuminkaro. Isagoo halkaas ka ambaqaadaya baa wuxuu ku qoray buuggiisa caan baxay ee la yiraahdo“The East Africa Protectorate” hadalkan oo uu kaga tala bixinayo sida ugu fiican ee loo daaduumin karo, loona kufin karo Soomaalida. Wuxuu yiri:  “The attractions of civilisation are so great for them, and our superiority in

this respect so incontestable, that there can hardly be any  doubt as to the result” (Eliot, 1905, p. 122)

 Oo ah: “Dhaldhalaalka ilbaxnimada baa ku weyn,  iyaga, innaguna inaan taa ku sarrayno waa waxaan doodi geli ka taagnayn, waana shaki  la’aan siday wax ku dambaynayaan.”

Hadalka dulucdiisu waa in Soomaalidu reer miyi tahay, dhaqan iyo nolol ahaan, danaynaysana bilicda magaalada iyo dhalanteedka xadaaradda walxaha wirwiraya ee ilqabka leh ee maagaalada yaal. Wuxuuna ku taliyey in lagu hafiyo, si loo hagaasiyo dabadeedna keenada loola helo, sidaasna ay hayin biyo-ma-daadshe ah ku noqdaan. Macnuhu waa ‘wuxu waa reer miyi, ee aan ku indhadaraandharinno dhoollatuska walxaha gacan-kusamayska ah ee wax-magaalo ah -maaddada- iyo bilicdeeda. Mar hadday qabatimaan oo baahdaanna aan markaas maamulanno.

Xadaaradda Reergalbeedka iyo Dunida Ialaamka

Si weyn baa aqoonyahanku, reergalbeed iyo reerbariba labaduba, uga hadleen bilidda dheeha sare ah ee ilabaxnima reergalbeedka; bilcdeeda gudaha waabaayada ku wadata, ee kasgaabka iyo maxasta aan digtoonayn siraysa, si daahsoonna u daaduuminaysa, dabadeedna ka qaawineysa dhaqan iyo diin waxay la’haayeen.

Dadka aad wax uga qoray xadaaradda reergalbeedka iyo waxyeelladeeda waxaa ka mida Maryan Jamiila. Maryan waxay aad uga hadashay dadyow kala duwan oo Muslim iyo gaalba lahaa oo soo galay dalalka reergalbeedka kun-sagaal-boqolladii, gaar haan Ingiriiska. Dadkan waxaa ka mid ahaa dad Yuhuud ah iyo kuwo Islaan ah Turki ahaa. Waxay sheegtay Maryan in dadkan ay ku indhadharaandareen dhoollatuskii maadiga ahaa ee ay usoo galeen, iyagoo dabadeedna lunshey diintoodii iyo wixii dhaqan ah oo ay siteen. Waxay Maryan sheegtay inay ku hafteen bilicdii dheeha sare ahayd ee reergalbeedka, maadaama ay ahaayeen dad ka yimid dalal aan maaddo ahaan u dhisnayn, aqoon qoto dheer oo diimeed ama aragtiyeedna aan lahayn. Sidaas darteedna waxay ku hafteen falsafadihii badnaa ee si xeelad leh loogu bandhigay, looguna qulaamiyey.

Marka Maryan laga yimaado, culimadii Islaamka oo si weyn ugu baqday bedqabka diimeed ee dadyowga Islaamka baa si weyn oo kala duwan uga hadlay dhagarta xadaaradda maadiga ah ee reergalbeedka, waxna ka qoray ilabxnima maadiga ah ee reergalbeedku ay gadayeen, iyo waxyeelladeeda daahsoon ee dad iyo duunyaba u daran. Waxaa cumidadaas ka mid ahaa Carab, sida Sh. Mustafa Sibaaci iyo Mustafa Arraajici, Sayid Qudbi, Hindi, sida Sh. Abu Xasan Annadwi, gabayaagii weynaa Maxamed Iqbal ee “Bariga”, Sh. Almawduudi, iyo weliba culimo soo islaantay oo Yurubiyaan ah, sida Maxamed Asad iyo Maryan Jmiila. Buuggag dhaxal-gal ah oo ay ku waabiyeen horornimadii xadaaradda reergalbeedka bay qoreen, waxayna diideen inay u soo dhacdo ‘reerka’ maalin cad!

 Culimadii Soomaaliyeed iyo Reergalbeedka

Soomaaliduna dadkaas Islaamka ah ee xadaarddaasi ay gaadeysey, sidaan soo sheegnay, bay ka mid ahaayeen. Waxaase u dheeraa, sidaan wax badan ku celcelinay, inay reer miyi ahaayeen, una nugulaayeen, siduu Charles-ba reer tolkiis ku wargeliyey, inay ku haftaan bilicdeeda iyo dhaldhalaalkeeda aan raasu-maalka lahayn. Halgankiisii gacanqaadka lahaa marka laga yimaado, waxaa duullaamadii Sayidka ma mid ahaa, hubka kiisa culculusna uga darnaa gumeysigii reer Yurub midka afka, oo uu ugu bidhaaminay dadkiisa hagardaama la socota gacalada iyo gacanqaadka gaalka. Waatuu lahaa:  “Dirhankuu idiin qubahayaad,  dib u go’aysaane”

Waa tuducyo ka mida suugaantii waddaniga iyo halganka ahayd ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Sida laga dheehan karo, wuxuu la hadlayey dadkiisa ama Soomaali, isagoo si gaara ula hadlayey kooxihii gumeysiga la shaqaysanayey ee iyagu dalkoodii iyo dadkoodii dhaafsaday waxoogaa ‘macaana’ oo aan dhito lahayn. Wuxuu u sheegayaa, isagoo sanddareeda la siinayo la sima sun waabay ah oo aan marna laga kacayn iyo inay, si kastoy hadda ula macaantahay, dib ka dareemi deeqdiisa sunta ah ee hadda dhadhanka ay ku hayaan! Waxaad mooddaa Sayidka hadalkiisu inuu kabayo kii Charles, marka laga dhugto ku-mamnaata Soomaalida dheefta iyo dhaldhalaalka. Iyadoo aadanuhu sida u badan yahay, misana, sidii Charles ba uu sheegay, reermiyinimaduna waa cudur dheeraada hadday magaalo timaaddo.

Mar kale waatuu la hadlayey, si gaara, da’yarta iyo maxasta, isagoo u sheegaya in waayeelkeedii iyo dadka intii u xilqabtayi ay gabtay.

Wuxuu yiri:

“Doodna waxaan u leeyahay,

Dumarkiyo carruurtoo

Dadkii idin ka weynaa

Hadday idin dulleeyeen

Dembi Kama ay yaabine,

Cuntay idinka doorteen

Dameerkuna ma yeeleen

Halkay talo ku deysyeen!”

Dagaalkaas gumeystaha ee qorshaysnaa ee Soomaalida ku socdey wuxuu socdey muddo boqol sano ku siman marakan, welina waa socdaa, ninkii dhug leh iyo kii dhoohanba. Hadba gal cusub buu yeelanayey. Wuxu ku bilowday iskala-daadin iyo xeelad. Waxaa ku xigey waran iyo waxyeello, iyo in la isu bareeray. Waxaa xigey lixdankii. Waataynu qaadannay hanaan maamul oo gumeystihii laga dhaxlay, ayna hoggaamineyso ‘xer’ yar oo isagu uu laylyaday, xaalkeeduna uu yahay kii uu gartay, sheegayna, Allaha u naxariistee, Guhaad Cabdi-Gahayr goortuu lahaa:

Good iyo abees bays beddeley,

garanna maysaane

Karal kaama guurine halkanuu,

guud madowyahaye!

Guhaad wuxuu dadka u sheegay in kooxdani ay tahay gaalo dusha Muslin uga eg, hoostuse ay madowdahay, mar hadday ku deeqtoonyihiin ‘kitaabkii’ gaalka! ‘Karal’ oo ahaa moggaankii gumeysiga ee markaas meesha ka kacay buu ugu abtiriyey. Abtirku inuusan dhiig ahayn waa wax aan la moogeyn. Guuhaase wuxuu u socdaa abtirka dhabta ah ee aan laga kaftamin: Midka Soomaali oo dhan mideeya oo ay xigto dhaba ku tahay. Waa midka tiinta iyo caqiidada. Guhaad wuxuu bulshadiisa u sheegayaa inaan lagu dagmin kooxdan dugulkeeda, ee lagu baraarugo inaysan Islaam ahayn nimanku!

Nimankaas uu Guhaad ka digey, waxaadan aabbahaa ka dhaxlin wax lagu noqon waaaye, waxaa xigtey in Soomaalidii la daaduunshey oo nabarkii lala helay baa xigtey. Waxaa xigtey in 1991dii, goortay garwaaqsadeen inay jabeen, loo diido inay ishelaan oo israacaan, si aysan irdaha jannada u beegsan! Kooxba dhegtaa wax loogu sheegay, waana lagu aabburay. Furaha waxaa loogu dhiibay kooxdaas naartii u geeddiga ah. Kooxdaan, oo adeegayaashii nacabka weligood ahaa, haba kala dhaxlaane, baa maxastii iyo kasgaabkii hadba wax ku qulaamisa. Waxay yiraahdaan ‘waa la ina maaggan yahay’; ‘waa la inaga xunyahay’; ‘innagaa la gaadaa’; ‘waataynu weligoodba ka adkayn’; ‘mar haddaynaan hoggaaminayn ha la waayo!’; ‘oo ma inagaaba cid kale u baahan’; ‘waa inaan reer hebel mar dhinaca dhulka u dhignaa!’; ‘waa jabeene aan u dhammaynno’; ‘innagaaba adkaannaye see talada la inoola wadaagaa!’, iyo erayo ibliis oo kaloo badan oo badan..

Hayaan Baas iyo Hoy Qalaad

Soomaali waa jabtay, waana soo qaxday. War cusub ma aha; horaynu usoo sheegnay. ‘War la qabaa xiiso ma leh’ waatii maahmaahdu ahayd. Haddaba haddii la yimid, yaa loo yimid o lala dagey, maxaase loogu yimid weeye su’aashu. Soomaalidu waa dad Islaama, waxayna u yimaadeen dad gaalo ah oo diimo kale haysta, amaba aan diin lahayn oo xataa tii aabayaashood ka tagey. Soomaalidu waa dad Afrikaana oo madow, waxayna u yimaadeen dad cad oo reer Yurub ah, taariikh ahaanna dadka madow qaybo ka mida addoonsaday, kana soo taxaabtay dhulkoodii, sida ari la leeyahay.

Somaalidu waa dad reer miyi ah, dhaqan ahaan, waxay u yimaadeen meesha ilbaxnimadii aadanaha ee maaddada muquuninteeda ama adeegsigeeda meeshii ugu sarraysey ee laga gaaro ka gaaray, indho-sarcaad badanna ka dhaliyey, iyo weliba harowsi kasgaabka aadanaha kale. Soomaalidu, sidaan horayba u soo sheegnay, ka mid ma ahayn, xilligii uu gumeysigu talo iyo ciidan ahaan -dhaqan iyo dhaqaale haan maya- uga kacay dalalkii uu gumeystey, dalalkii afkii gumeysiga kala haray, si ballaaran, marka laga reebo kooxo kooban oo shaqaalihiisii uu laylyaday ahaa, taasina waxay u keentay Soomaalidii Yurub soo gashay inaysan afgaranayn, si fududna ula falgeli karin dalalkii ay magan galeen.

Intaas waxaa dheerayd inay yarayd qoys Soomaali ah siduu isu lahaa u wada socday, oo caruurta iyo waaridkii dhalayi ay wada jireen. Carruur badan baa la socdey waayeel aan dhalin, sokeeyaba ha haadeene. Arrintaanna dhib gaaraa ka yimid, marka la fiirsho xagasha sharciga iyo u-xil-qabista ilmahaas aan la dhalin.

Arrinta kaloo weyn oo tixgelinta weyn mudani waa deegaameynta Soomaalidii Yurub ku soo jabtay, iyo siday u deegaameysey dawladda hoose ee dalalka ay soo galeen ee reer Yurub. Sida la ogyahay, Yurub waa qaarad hanaan nololeed oo fadhiida leh; hannaan magaaleysan oo goobo magaaleysan rugeystey muddo boqolaal sano ah, meelaha qaarna kumanaan sano. Arrin waxaa ka dhashay in deegaamadu ay, dhaale iyo dhaqanba, kala sarreeyaan, kalana degaan. Arrintan ayaa ka turjumeysa kala-sarrayn dhaqaale iyo weliba dhalasho. Dadku wuxuu kala leeyahay, yaanba kor loo qaadine, gob iyo gun. Qowsaar iyo hantiile. Mudane iyo ma-mudne. Ina boqor iyo mid beerka dhulka ku haya. Sida loo kala korreeyo baa loo kala degaa.

Haddaba Soomaalidii soo hayaantay oo iyadoo maryo-badan Muslima soo dhex istaagtey Yurub sidee bulshada reer Yurub u aragtay, sideese loola dhaqmay oo loo maamuusay.. Magaalooyinka waaweyn ee Yurub xagee laga dhejiyey oo ay saldhigteen..

Lo soco qaybta xigta..

Raadraac:

Jameelah, M. (1970–71) Western Civilization Condemned by Itself: A Comprehensive Study of Moral Retrogression and Its Consequences. Lahore: Mohammad Yusuf Khan.

Jameelah, M. (1990) Islam and Western Society: A Refutation of the Modern Way of Life. Delhi: Adam Publishers and Distributors.

-Siba‘i, M. (1988) Al-Istishrāq wa-l-Mustashriqūn: Mā Lahum wa-Mā ʿAlayhim [Orientalism and the Orientalists: Their Merits and Their Faults]. Damascus: al-Maktab al-Islami.

Nadwi, A. A. (1969) Western Civilization: Islam and Muslims. Lucknow: Academy of Islamic Research and Publications.

Nadwi, A. A. (1983) Islam and the World: The Rise and Decline of the Muslims and Its Effect on Mankind. Beirut: Holy Quran Publications House.

Eliot, C. (1905) The East Africa Protectorate. London: Edward Arnold.

 

 

 

 

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira