Bulsho

Buugga HESHIIS-DOON: Raadinta Nabadda iyo Awoodda Midnimada Bulshada

Maqaalku wuxuu falanqaynayaa buugga Heshiis-doon iyo farriimihiisa ku saabsan colaadda, aargoosiga iyo nabad waarta. Wuxuu muujinayaa in wada-hadalka, aqoonsiga dhibaatada labada dhinac iyo midnimada bulshadu saldhig u yihiin nabadda, halka hubka iyo cabsi-gelintu sii xoojiyaan amni-darrada.

Buugga HESHIIS-DOON: Raadinta Nabadda iyo Awoodda Midnimada Bulshada

Buuggan oo qoraagu iigu deeqay, ayaan jeclaystay inaan nuxurkiisa iyo fahamka aan ka qaatay idinla wadaago. Kaddib markii aan dhowr jeer akhriyey, kana fiirsaday farriimaha iyo fikradaha uu xambaarsan yahay, waxaan go’aansaday inaan qoraalkan ku soo bandhigo sida aan u fahmay Heshiis-doon: aragtida qoraaga ee nabadda iyo colaadda, muhiimadda uu buuggu u leeyahay qof kasta oo akhriya, iyo weliba qiimaha uu u yeelan karo bulshada Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka dal-dhiska. Heshiis-doon, sida aan u akhriyey, ma aha oo keliya sheeko laga dheehan karo dhibaatada colaadda; waa qoraal akhristaha ku baraarujinaya inuu dib u milicsado halka ay colaadi ka soo bilaabato, waxa sii quudiya, cidda ka faa’iidaysata iyo, tan ugu muhiimsan, sida bulsho kala fogaatay ay mar kale ugu soo noqon karto wada-hadal, kalsooni iyo wadajir.

Heshiis-doon waa buug si suugaaneed u falanqaynaya colaadda, kala-qaybsanaanta, cabsida iyo waddada loo maro nabad waarta. Intii aan akhrinayey, waxa iiga soo baxay in qoraagu nabadda uusan u arag maqnaanshaha dagaalka oo keliya, balse uu ku dhisayo fikrad ka qoto dheer: nabaddu waa dan la wada leeyahay, mana jiri karto iyadoo qayb bulshada ka mid ahi cabsi, dulmi ama amni-darro ku nooshahay. Sheekada, jilayaasha, safarrada, wada-hadallada iyo sarbeebaha uu adeegsaday waxay akhristaha ku hoggaaminayaan inuu dib u eego sababaha colaadaha, cidda ka faa’iidaysata iyo masuuliyadda qofka iyo bulshada ka saaran soo afjariddooda.

Waxa buugga meelo badan ka dhex muuqda aragti ah in kala-duwanaanshuhu uusan khasab ahaan colaad dhalin. Qoraagu wuxuu tusaalooyin ugu soo qaadanayaa bulshooyin, diimo iyo dad kala aragti ah oo haddana wada noolaan kara. Dadku isku diin, isku fikir ama isku taariikh ma aha inay noqdaan si ay nabad ugu wada noolaadaan. Halkaas waxaa ka soo baxaysa farriin muhiim u ah bulsho sida Soomaalida oo kale ah: heshiisku ma aha isku-mid-noqosho; waa awoodda lagu wada noolaan karo iyadoo la kala duwan yahay.

Qoraagu wuxuu fikraddan ku cabbirayaa sheekada Cirfiid iyo Ciil-qabe iyo eeyaha Miciya Weyne iyo Qaylo Weyne. Eeyuhu sheekada gudaheeda waa xayawaan halis ah, balse marka macnaha hoose loo dhaadhaco waxay astaan u noqonayaan hubka, awoodda cabsi-gelinta iyo wax kasta oo dhinac u arko difaac halka dhinaca kale uu u arko khatar. Cirfiid wuxuu Miciya Weyne u haystaa awood uu isaga iyo beeshiisu isku difaacaan; markii dhinaca kale isna helo awood la mid ah, amnigii la filayey ma yimaado, ee cabsidii ayaa sii kororta. Sidaas ayuu qoraagu ficil iyo cawaaqib ugu muujinayaa in amniga lagu dhiso cabsida deriska aanu dhalin karin nabad waarta.

Su’aasha buugga ka dhex muuqata ee ah “Nabad ma la wadaagi karaa, markey qaybsan tahay?” ayaa, sida aan u fahmay, fure u ah aragtida qoraaga. Qof ama koox keli ahi nabad kuma noolaan karto iyadoo deriskeedu cabsi joogto ah ku jiro. Waxa adiga amni kuu ah haddii uu kan kale u yahay cabsi iyo hanjabaad, ugu dambayn isaga ayaa isna awood raadinaya, labadiinuna waxaad ku dambaynaysaan amni-darro ka weyn tii aad markii hore ka cararayseen. Qoraagu sidaas ayuu nabadda uga dhigayaa xaalad bulsheed oo wadajir loo leeyahay, halkii ay ahaan lahayd hanti koox gaar ahi keligeed ilaashan karto.

Waxaa kale oo buuggu si qoto dheer u taabanayaa xusuusta colaadda iyo aargoosiga. Dhinac kastaa wuxuu si fiican u xasuustaa dhibkii loo geystay, laakiin mararka qaar wuu illoobaa dhibkii uu isagu geystay. Markii wiilka Cirfiid aabbihii xusuusiyo sannadihii dadka kale la laynayey ama la dhibaateynayey, qoraagu wuxuu akhristaha hor dhigayaa su’aal weyn: haddii koox walba taariikhda ka bilowdo maalintii iyada la dhaawacay, sidee loo joojin karaa silsiladda aargoosiga? Heshiis-doon wuxuu ina tusayaa in heshiis dhab ahi u baahan yahay in la aqoonsado xanuunka labada dhinac, qof walbana uu yeesho awood uu ku eego masuuliyadda dhiniciisa.

Awoodda ugu weyn ee sheekadu waxay soo baxdaa markii dadkii labada dhinac ahaa ay ogaadaan in khasaaraha ay wadaagaan ka weyn yahay waxa kala qaybinaya. Halkaas ayay ka dhalataa “Awoodda Midnimada Bulshada.” Dadkii markii hore kala cabsanayey ayaa wada bannaanbaxaya, iyagoo diiddan inay dagaal, nacayb iyo aargoosi carruurtooda dhaxal uga tagaan. Markii Cirfiid eygii la yimaado isagoo filaya inay kala cararaan, halkii ay kala yaaci lahaayeen way isku soo dhowaadaan. Muuqaalkan waxaan u arkaa mid ka mid ah meelaha ugu awoodda badan buugga: awoodda cabsidu waxay xoog leedahay inta bulshada la cabsi gelinayaa kala qaybsan tahay; midnimada bulshaduna waxay jebin kartaa awooddaas.

Geeddi Dheere wuxuu noqonayaa codka ugu weyn ee aragtidaas. Wuxuu dadka xusuusinayaa in kuwa dhimanayaa yihiin dadkeenna, carruurta agoomoobaysa yihiin carruurteenna, haweenka asayda xirayana yihiin haweenkeenna. Erayga “annaga” ayuu qoraagu halkaas kaga saaraya xayndaabka beel ama koox, kuna ballaarinayaa bulsho dhan. Sarbeebta uu bulshada ugu tilmaamayo geed leh laamo, caleemo iyo miro kala duwan, balse hal jirid ku taagan, waxay si qurux badan u muujinaysaa in midnimadu aysan ahayn isku-mid ahaansho; dadku way kala duwanaan karaan iyagoo haddana wadaaga jiritaan iyo masiir.

Qoraagu wuxuu sidoo kale iftiiminayaa saamaynta dibadda. Weerta ah “Diyaaraduhu eeyo iyo hub bey noo keenayaan, balse nabad nooma keenayaan” waxay xambaarsan tahay dhaliil cad: awood iyo hub dibadda laga keeno ma xallin karaan khilaaf bulsho oo gudaha ka jira. Hase yeeshee, sida aan buugga u fahmay, qoraagu masuuliyadda oo dhan dibadda ma saarayo. Waxaa jira dad gudaha ah oo hubka qaata, colaadda sii huriya, kana faa’iidaysta kala-qaybsanaanta. Sidaas darteed, nabaddu ugu dambayn waxay ku soo noqonaysaa go’aanka iyo masuuliyadda bulshada lafteeda.

Halkaas waxaa ka muuqata arrin kale oo buuggu si joogto ah u xoojinayo: cid baa colaadda ka faa’iidaysata, sidaas oo kalena cid baa qiimaheeda bixisa. Kuwa faa’iidada ka hela dagaalka iyo kala-qaybsanaanta mar walba ma aha kuwa carruurtoodu agoomoobayaan ama guryahoodu burburayaan. Qoraagu wuxuu akhristaha ku baraarujinayaa inuu dagaalka ka eego nolosha dadka caadiga ah, halkii uu kaga eegi lahaa oo keliya hadallada iyo guulaha hoggaamiyayaasha.

Habka uu qoraagu fikraddiisa u daliilinayo iyaduna waa mid mudan in la xuso. Heshiis-doon ma aha daraasad cilmiyeed ku dhisan tiro-koob iyo tixraacyo badan; daliilkiisu waa sheeko, tusaale, waayo-aragnimo, dood iyo cawaaqibka ficillada jilayaasha. Qoraagu nama oranayo oo keliya colaadi waa xun tahay; wuxuu ina tusayaa waxa ay ku samayso carruurta, qoysaska, deriska iyo bulshada. Nama oranayo oo keliya midnimadu waa awood; wuxuu ina tusayaa dadkii kala cabsanayey oo isku soo dhowaanaya iyo awooddii cabsida ku dhisnayd oo markaas daciifaysa. Su’aalaha uu jilayaasha afkooda gelinayana waxay akhristaha ka dhigayaan qayb ka mid ah doodda, halkii jawaab diyaarsan oo keliya loo dhiibi lahaa.

Buuggan waxaa lagu ammaani karaa inuu fikrado culus ku sharraxayo af, sheeko iyo sawir bulshadeennu si fudud ula xiriiri karto. Hub-uruursiga, amni-darrada, kala-qaybsanaanta, faragelinta dibadda, dib-u-heshiisiinta iyo awoodda bulshada ayuu ka dhigayaa sheeko uu qof kasta fahmi karo. Waxa kale oo muhiim ah inuu dagaalka ku qiimaynayo cidda bixisa kharashkiisa dhabta ah: dadka dhintay, carruurta agoomowday, haweenka asayda qaaday iyo jiilka loo gudbinayo cabsi iyo nacayb.

Haddana qiimaha buuggu wuxuu sii kordhayaa marka si dhaliileed loo akhriyo. Fariintiisu mararka qaar aad bay kuu taabaneysaa, khudbadaha jilayaasha qaarkoodna waxay u dhowaanayaan qoraaga oo akhristaha si toos ah ula hadlayo. Sidoo kale, midnimada iyo rabitaanka nabaddu waa bilow, laakiin dal-dhis dhab ahi wuxuu intaas ku daraa caddaalad, sharci, hay’ado lagu kalsoonaan karo, isla-xisaabtan iyo hab lagu xalliyo tabashooyinkii hore. Buuggu dhammaan arrimahaas si faahfaahsan uma qaadaa-dhigayo, balse wuxuu dhigayaa waxa aan u arko saldhiggooda: in dadku marka hore aqoonsadaan inay leeyihiin dan, dal iyo mustaqbal wadaag ah.

Halkaas ayay ila tahay inay ku jirto muhiimadda gaarka ah ee Heshiis-doon u leeyahay Soomaalida iyo geeddi-socodka dal-dhiska. Dal laguma dhiso oo keliya dowlad, dastuur, ciidan iyo hay’ado; waxaa kale oo loo baahan yahay bulsho awoodda inay erayga “annaga” ka dhigto wax ka ballaaran qabiil ama koox. Haddii dhibka dhinaca kale loo arko guul, qaran wadaag ahi wuu adkaanayaa. Haddii dhimashada, agoonta, burburka iyo nabadgelyadu noqdaan arrimo la wada leeyahay, waxaa samaysmaya aasaas lagu dhisi karo kalsooni, muwaadinnimo iyo qaranimo.

Taas ayaa ah meel uu buuggu door kaga qaadan karo dal-dhiska. Buug keli ahi dal ma dhiso, laakiin wuxuu qayb ka qaadan karaa dhismaha qofka dalka dhisaya. Wuxuu beddeli karaa habka dhibaatada loo fahmo, su’aal gelin karaa nacayb la dhaxlay, wuxuuna qofka ku dhiirrigelin karaa inuu kan kale u arko muwaadin uu masiir wadaag la yahay. Haddii fikirka bulshada aan dib loo dhisin, dib-u-dhiska hay’adaha iyo kaabeyaasha keli ahi ma xaqiijin karaan nabad waarta.

Ugu dambayn, Heshiis-doon waxaan u arkaa buug aan ku ekaan sheeko laga qoray dad dagaal iyo kala-qaybsanaan ku daalay, balse akhristaha ku riixaya isbeddel hab-fikir. Wuxuu ina tusayaa in hubku keeni karo cabsi, balse aanu abuuri karin kalsooni; in colaadda jiilba jiil loo gudbin karo, balse sidoo kale jiil go’aansaday uu silsiladdeeda jebin karo; iyo in nabaddu aanay ahayn hadiyad meel kale laga sugayo, balse tahay masuuliyad iyo hawl ay bulshadu wada leedahay. Ereyga Geeddi Dheere ee ah, “Waxaan helnay raadkii nabaddee… raadinta nabadda yaanan ka daalin,” ayaa ila ah mid si kooban u xambaarsan ruuxa iyo farriinta buugga oo dhan.

Magaca Heshiis-doon laftiisa ayaa markaas macnihiisa buuxa helaya: heshiisku ma aha wax iska yimaada, ee waa wax la doono, la raadiyo, loo hawlgalo, mararka qaarna geesinimo iyo tanaasul loo yeesho. Waxaa laga yaabaa in su’aasha ugu weyn ee buuggu akhristaha uga tagayaa ay tahay: maxaynu jiilka naga dambeeya dhaxal uga tegeynaa? Ma colaad iyo kala-qaybsanaan aynu annaguba dhaxalnay, mise nabad iyo dal ay iyagu si wadajir ah ugu noolaan karaan?

Waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa qoraaga buugga, Warsame Axmed Camalle, dadaalka iyo fikirka uu geliyey Heshiis-doon, gaar ahaanna sida uu buuggan qiimaha leh uga dhigay mid qayb ka qaadan kara dhismaha hab-fikirka bulshada Soomaaliyeed. Qalinku mararka qaar wuxuu qabtaa shaqo aan hubku qaban karin: wuxuu qofka ku abuuraa su’aal, wuxuu beddelaa aragti, wuxuuna jiil u tilmaamaa waddo ka duwan tii dhaawaca iyo kala-qaybsanaanta.

Sidaas darteed, qiimaha Heshiis-doon kuma koobna oo keliya waxa maanta laga akhrisanayo, balse wuxuu ku jiraa fikirka uu ku beerayo akhristaha iyo rajada ah in bulshada Soomaaliyeed ay nabad waarta dhisto, jiilka berritana uga tagto dhaxal ka wanaagsan kii ay iyadu soo martay. Haddii nabaddu tahay dhaxalka ugu qiimaha badan ee jiil uga tegi karo jiilka xiga, Heshiis-doon wuxuu ina xusuusinayaa in dhaxalkaas dhismihiisu innaga maanta inaga bilaabmayo.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.