Bulsho

Aanooyinka Qabiilka iyo Raadadka Ay Reebaan

Maqaalku wuxuu falanqaynayaa sababaha aanooyinka qabiilka iyo dilalka dadka aan waxba galabsan, isagoo tilmaamaya jahli, qabyaalad iyo gabaadsiinta dambiilayaasha. Waxa kale oo uu sharxayaa daciifnimada kaalinta culimada iyo hoggaanka dhaqanka, iyo caqabadaha dowladda ka haysta xakamaynta aargoosiga.

Aanooyinka Qabiilka iyo Raadadka Ay Reebaan

Aano maxaa loola jeedaa?

Aano, marka la soo koobo, waa dhib ka dhex dhaca laba qabiil ama laba reer oo khilaafkooda aan xal loo helin; kadibna khilaafkaasi gaaro heer ay qoladii qofka laga dilay ugaarsato reerkii uu ka soo jeeday gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, iyaga oo aan kaliya bartilmaameedsan qofkii dilka geystay.

Waxaa caadi noqotay in marka gacan-ku-dhiigle qof dilo, reerka qofka la dilay ay aargudasho ahaan bartilmaameedsadaan qof ka mid ah reerka dilaaga, gaar ahaan qofka ugu mudan ama ugu magaca dheer. Tani waxay ka dhalataa aaminsanaanta ah in qofka dilaagu aanu u qalmin qiimaha iyo sharafta qofkii laga dilay, sidaas darteedna loo aargudanayo qof ka miisaan culus dilaagii.

Maxaa sababa Aanada Birmagaydada

Alle wuxuu aad u neceb yahay dhiigga Muslimka ah ee la daadiyo. Waxa kale oo Alle Qur’aankiisa ku sheegay in qofkii dhib loo geysto, uu xaq u leeyahay in loo gaarsiiyo dhib u dhigma intii isaga la gaarsiiyey. Tusaale ahaan, haddii il lagaa rido, qofkii kaa riday looma oggola in lagaaga aarguto wax ka badan intii uu kuu geystay. Xadgudub ka badan dambiga la geystay waa dambi.

Maadaama nafaha aadamuhu ay siman yihiin oo aanay kala qiimo badnayn haddii qofku yahay taajir, madax ama faqiir, Alle Qur’aankiisa wuxuu ku caddeeyey inay xaaraan tahay in qof aan wax dambi ah gelin loogu aaro qof kale. Sidaas darteed, in qabaa’ilku aanay ku qanacsanayn in gacan-ku-dhiiglihii qofkooda dilay isaga oo keliya loo dilo, balse ay qof kale oo aan waxba galabsan uga aargutaan, waa dhaqan ka dhashay jahli iyo caado soo jireen ah.

 

Diinteennu waxa kale oo ay jideysay in qofkii qof si kas ah u dila la qisaaso, haddii labada dhinac aysan si iskood ah ugu heshiin in ay mag kala qaataan. Xaaraan ayay tahay in qof aan dambi gelin qof kale loogu aaro. Aanooyinka hadda socda waa jahli ay qabaa’iladu caadeysteen, iyaga oo aan ku qancin in gacan-ku-dhiiglihii qofkooda dilay la qisaaso oo qisaastaas lagu ekaado. Qabiilka dhinaciisa dulmiga jecelna wuxuu ku qancaa in qabiilka ninka dilay laga raadsado nin u dhigma ninkii laga dilay.

Qisaasta khaldan ayaa ah arrinta sii murjisay dilalka loo geysto birmagaydada aan waxba galabsan, kuwaas oo ka taagan deegaannada Soomaalida iyo guud ahaan qabaa’ilka Soomaalida, meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Sababaha keena Aanada Qabiilka

Aanooyinka qabiilka waxaa fududeeya jahli iyo diin-darro, taas oo keenta in aan lagu qancin aayadda Alle ee caddeynaysa in aan qof aan waxba kaa dilin loo dilin qofkii lagaa dilay. Sababaha soo dedejiya dilalka aanooyinka khaldan waxaa ka mid ah:

  1. Qabiilka qofka laga dilay oo u arka in haddii aysan ka aarsan qofkii laga dilay ay u muuqanayaan reer daciif ah oo aan aarsan karin.
  2. Qabiilka wax dilay oo aaminsan in haddii ay gacan-ku-dhiiglaha dhiibaan ay isu muujinayaan reer aan is-difaaci karin.
  3. Gacan-ku-dhiiglayaashii hore dilalka u geystay oo qabaa’illadoodu diidaan inay soo wareejiyaan, si ay u muujiyaan awooddooda. Qaar ka mid ahna dalka ayay ka dhoofiyaan si aan loo bartilmaameedsan.
  4. Qabaa’illada oo aanay ka dhexayn heshiis ay isku qisaastaan haddii qabiil kale cid ka dilo, kaas oo ay wada saxiixeen iskuna afgarteen.
  5. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo aan laftoodu lahayn awood ay ku soo wada qabtaan dhammaan gacan-ku-dhiiglayaashii wax dilay ee qabaa’illadoodu gabaadka u noqdeen. Ku-dhiirashada arrintaas waxay qabaan inay keeni karto khasaaro ka badan kan hadda taagan.
  6. Dowladda iyo qabaa’illada oo aan kala saxiixan heshiis qisaas oo ay uga dambeeyaan dowladda in la soo qabto oo la dilo qofkii qof dila, isla markaana loo fududeeyo dowladda soo-qabashadiisa, lagana wada shaqeeyo oo la iska kaashado.
  7. Ku-dhaqanka diinta Islaamka oo qabaa’illada badankooda ay ka weyn tahay qabiilnimadu.
  8. Qabaa’illada tiro ahaan ka badan qabaa’illada kale oo ka tirada yar, kuwaas oo aaminsan in haddii dilaagooda qof ka dilo ay ku wareejiyaan qabiilka laga dilay ay dareemayaan ihaano, ayna qabaan in qabiilkaasi aanu u soo babac dhigi karin, xataa haddii aysan gacan-ku-dhiiglaha wareejin.
  9. Balwadaha dhallinyarada, hubka gacanta ku jira iyo shaqo la’aanta oo soo badatay, taas oo u sahlaysa inay fal-dambiyeed sameeyaan ama si fudud wax u dilaan, ama si sahlan loo adeegsado in dhaqaale lagu siiyo si uu u dilo cid aan waxba galabsan, iyadoo xataa qabiilku aanu isku raacsanayn dilkaas.

 

Maxaa daciifiyey kaalinta culumada iyo hoggaanka dhaqanka ee xallinta Aanooyinka?

 

Culimada iyo hoggaanka dhaqanka, oo shaqooyinkooda ugu waaweyn ay ka mid yihiin inay dulmiga suulaan, qabiilkoodana ka xalliyaan wixii dulmi ah ee ay geystaan iyo wixii iyaga loo geysto, ayaan kaalintooda si dhab ah u gudan sababo dhowr ah awgood:

  1. Hoggaanka dhaqanka ayaa awooddii uu ku lahaa qabiilka dhexdiisa ay wiiqantay, maadaama in badan oo ka mid ah aanay qabiilka si toos ah ugu xirnayn, isla markaana ay ku bateen siyaasadda iyo magaalo-joognimadu. Taasi waxay keentay in amaradooda aan inta badan qabiilku dhag jalaq u siin.
  2. Qabiil-weynaha ay dulmiga iyo qabku ku badan yihiin ayaa aaminsan in qofka wax dila uu yahay dagaalyahanka ama geesiga reerka, sidaas darteedna aanu mudnayn in qabiil kale loo gacan geliyo.
  3. Hoggaanka dhaqanka, gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qabaa’illada waaweyn, ayaa ka cagajiida ama aan si dhab ah ugu ololeyn in qabaa’illada oo dhan ay heshiis dhab ah ka gaaraan joojinta aanooyinka, maadaama ay iyagu masuul ka yihiin xallinta khilaafaadka qabiilka dhexdiisa iyo kuwa

 

Maxaa Dawladaha ka hortaagan xakamaynta iyo sharciga la horgeynta dambiilayaasha fulinaya aargoosiga?

Dawladaha oo loo igmaday isla markaana dhaartay inay sharciga mariyaan dambiilaha iyo inay sugaan badqabka shacabka ayaan ku guuleysan joojinta aanooyinka qabiillada, sababo dhowr ah awgood:

  1. Qabaa’illada oo hubaysan, isla markaana haysta hub le’eg kan dowladuhu haystaan, taas oo ka dhigaysa qabashada dambiilayaasha mid aan sahlanayn iyada oo aan khasaare nafeed dhicin.
  2. Dowladda iyo qabiillada oo aanay ka dhexayn heshiis ay dowladdu ku xakamaynayso dambiilayaasha, halka qabaa’illaduna ay gacan ka geysanayaan in aanay gabbaad u noqon dambiilayaasha.
  3. Dowladda oo aanay weli u sahlanayn inay yeelato awood ciidan oo ku filan, isla markaana ay ururiso oo kala wareegto hubka ku jira gacanta qabaa’illada.
  4. Dowladda dhexe oo aan lahayn awood xooggan oo dalka oo dhan ka wada talisa, isla markaana aan xiriir wanaagsan la lahayn dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.
  5. Iyadoo aysan jirin dib-u-heshiisiin ku filan oo dhex marta qabaa’illada iyo heshiisyo ku saabsan is-weydaarsiga ama isku-celinta maxaabiista, taas oo keenta in gacan-ku-dhiigluhu si sahlan ugu gudbo deegaan aanay dowladdu ka talin, ama deegaan aanu qabiilkiisu u fududayn in gacanta lagu dhigo oo la soo celiyo.
  6. Dagaallada qabiiliga ah oo aan weli dhammaan, taas oo kallifta in qabiil kastaa hubaysnaado si uu u awoodo inuu dadkiisa iyo deegaankiisa difaaco haddii weerar uga yimaado qabiil kale. Sidoo kale, qabaa’illadu aaminaad badan kuma qabaan in dowladdu si sahlan u difaaci karto hantidooda iyo dhulkooda haddii la soo weeraro.

 

Sidee loo yareyn karaa ama loo joojin karaa Aanooyinka Qabiilka?

 

Runtii, ma sahlana in la joojiyo aanooyinka qabiilka iyo in la soo qabto gacan-ku-dhiiglayaasha ilaa la helo dowlad dhexe iyo dowlad-goboleedyo si wadajir ah u shaqeeya oo awood buuxda u leh hanashada amniga guud ee dalka. Hase yeeshee, inta laga gaarayo arrintaas, deegaan kasta iyo maamul kasta waxay hirgelin karaan qodobbada hoos ku xusan:

  1. In maamul walba, shacabka iyo dowladdu ay si wadajir ah u saxiixaan heshiis dhammaystiran oo dowladda awood u siinaya inay sharciga mariso dambiilaha ama gacan-ku-dhiiglaha, iyadoo qabiilku aanu gabbaad u noqon.
  2. In dhammaan dambiilayaasha sababay aanooyinka la soo qabto, sharcigana la mariyo, iyadoo dowladda iyo qabaa’illadu iska kaashadaan dhaqangelinta heshiiskaas.
  3. In dhammaan qabaa’illada hoos yimaada maamul kasta ay si wadajir ah u saxiixaan heshiis qisaas ah oo dhigaya in gacan-ku-dhiigle kasta oo si kas ah u dila qof kale la qisaaso, isla markaana dowladda loo fududeeyo qabashadiisa iyo in sharciga la mariyo.
  4. In dhammaan isimada, nabaddoonada iyo culimada qabiil kasta ay hormuud u noqdaan saxiixa iyo hirgelinta qisaasta gacan-ku-dhiiglayaasha.
  5. In la hirgeliyo heshiisyo iskaashi iyo dambiile-is-celin ah oo dhexmara maamullada iyo gobollada, iyo sidoo kale qabaa’illada deriska ah, kuwaas oo ku saabsan is-celinta dambiilayaasha iyo ka heshiinta wixii dhaawac iyo dhimasho ah ee ka dhasha qabashada dambiilaha.
  6. In culimada, ururrada bulshada iyo indheergaradka deegaan kasta ay ka shaqeeyaan wacyigelinta bulshada, isla markaana meel uga soo wada jeestaan fal-dambiyeedyada ka dhex dhaca bulshada, ayna fududeeyaan wada-shaqaynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka.

Afeef: Qormadani waa fikirkeyga, mana aha mid dhammaystiran oo keliya lagu joojin karo aanooyinka. Qof kasta waxaa laga rabaa inuu gacan ka geysto tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo aanooyinka qabiilka ee xargaha goostay.

  

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.