Soomaaliya & Trump: Firimbiga, Mamnuucidda Garsoore Cartan, iyo Jiilka Cusub ee Soomaalida
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa diidmada gelitaanka Maraykanka ee garsoore Cumar Cartan, taageeradii uu helay iyo fursaddii UEFA, sida qoraalku sheegayo. Wuxuu dhacdadan ku xiriirinayaa xayiraadaha safarka iyo hadallada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida, isagoo muujinaya adkeysiga bulshada.

Garsoorihii la soo ceshay & falcelintii bulshada
Bishii Juun 2026, Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ah Garsoore Soomaaliyeed oo 34 jir ah, ayaa ku soo degay Garoonka Diyaaradaha ee caalamiga ee magaaadda Miami, ee dalka Maraykanka, isagoo sita baasaboor diblomaasi ah iyo fiiso Maraykan oo sax ah. Wuxuu ka mid ahaa koox garsoorayaal ah oo loo xushey Koobka Adduunka 2026 ee FIFA iyo Soomaaligii ugu horeeyey oo fursadaas hela, isagoo hore ugu guuleystay inuu noqdo Garsooraha Sannadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Africa (CAF). Toban sannadood ayuu ka shaqeynayey inuu soo gaaro heerkan.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha xadka ee Maraykanka ayaa gaar u saarey Cartan, iyagoo baaris ku hayey ku dhawaad 11 saacadood oo su’aalo ah Garoonka dhexdiisa, kadibna waxaa dib loogu celiyay Istanbul, Turkiga, oo aheyd meeshii uu safarkiisa ka soo bilaabmay. Ciidamada Xuduudaha ee dalka Maraykanka ayaa celintiisii kadib sheegay in Cumar loogu diiday soo galitaanka dalka Maraykanka sababo la xiriira “tuhun amni”. Sarkaal Maraykan ah ayaa markii dambe sheegay in lagu soo celiyey inuu xiriir la leeyahay “ururo argagixiso lagu tuhmayo”, taasoo aheyd eedeyn aan wax caddayn loo keenin, Garsoore Cumarna uu si adag u diiday.
Waxaa xusid mudan in dalka Soomaaliya ka mid yahay ku dhawaad afartan waddan (40) oo ku jira liiska mamnuucidda safarka ee maamulka Trump ansixiyey, Cumar Cartan wuxuu noqdey dhibanihii ugu caansanaa, taas oo ka dhigan in lagu ciqaabay oo keliya baasaboorka uu sitay, ee aan loo haysan dembi cad oo uu galay.
Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), oo had iyo jeer ka hadla sida kubadda cagtu ay u midayn karto bulsho-weynta adduunka, ayaan wax badan ka qaban dhacdadaas xaqdaradda ah oo lagula beegsadey Garsoore caan ah oo ka soo jeeda qaaradda Afrika. FIFA waxay ku adkeysatey in go’aanka ogolaanshaha soo gelida ay mas’uul ka yihiin, go’aankeedana leeyihiin wadamada martida loo yahay. Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Cumar ayaa markii dambe diyaarad ugu soo noqday Soomaaliya, kadib markii riyadiisii aheyd inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026 uu ku guuleysan waayey xayiraaddii Maraykanka darteed, hase yeeshee waxa dhacay intaas ka dib ayaa ahaa mid si sax uga uga tarjumaysey dareenka dadka Soomaaliyeed, si ka duwan sida dowladda Mareykanku ay uga falcelisey dhacdadaas.
Garsoore Cartan & soo dhoweyntii Muqdisho
Garsoore-sare Cumar si aamusnaan ah uguma noqon dalkiisii hooyo. Waxaa loogu soo dhoweeyey magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho si heer sare, isagoo ah halyey iyo geesi qaran. Dadweyne aad u tiro badan oo ay ku jiraan saraakiisha dawladda Soomaaliya ayaa kula kulmey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdille Cismaan, kadibna isagoo ku gaashaaman calanka Soomaaliyeed, ayaa kumanaan qof oo kalena waxay soo buux dhaafiyeen istaadiyumka weyn ee magaaladda Muqadisho si ay u arkaan, una soo dhoweeyaan.
Soomaali badan oo qurbaha ku nool, oo ka badan laba milyan, ayaa sawirkiisa u isticmaalay calaamad ahaan baraha bulshada ee kala duwan, waxaana si aad ah u taageerey ciyaartoy caalami oo Afrika iyo adduunkaba laga yaqaan. Qaaradda Afrika oo dhan ayaa taageertay Garsoore Cumar.
Soomaaliya oo ah waddan inta badan dibadda loogu yaqaan dagaal sokeeye iyo dhib joogto ah, ayaa dib-u-soo-laabashada Garsoore Cumar waxay noqotay xilli sharaf leh, oo aad loogu shaaciyey isgaarsiinta adduunka iyo mareegyada baraha bulshada. Garsoore Cumar wuxuu dadweynaha u sheegay inuu sii wadi doono riyadiisa, wuxuuna ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inaysan waligood ka quusan riyadooda.
Garsoore Cumar innaba ma uusan muujin wax calaamado ah oo tilmaamaya niyad-jab, aargoosi ama ciil-qab. Taas beddelkeeda wuxuu adduunka tusey adkeysi, geesinimo, iyo degganaansho, taas oo calaamad u aheyd kalsooni iyo daacadnimo. Laba bilood ka dib, ayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub (UEFA) qaadeen tallaabo geesinnimo iyo go’aan farriin siyaasadeed leh, waxayna Cumar u doorteen inuu Garsoore ka noqdo ciyaarta gebegebada koobka Yurub (UEFA Super Cup-ka 2026), ee dhexmareysey naadiyada Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, oo loo madlanaa in lagu qabto Salzburg, dalka Austria.
12-kii bisha Ogosto 2026, ayuu Garsoore Cumar noqday xaakimkii ugu horreeya ee aan Yurub u dhalan, ee weligiis Garsoore ka noqda koobka Super Cup-ka UEFA. Garsoore Cumar oo fursad u helay inuu farriin ku qoro kubaddii ayaa go’aansadey inuu u dhigo sidatan “Tani waxay iiga dhigan tahay Koobkiisii Adduunka”. Waxay ahayd xilli dhif ah oo uu Xiriirka Kubadda Cagta Yurub, si buuq la’aan ah, isu garab-taagey Garsoore caalami ah oo caddaalad-darro kala kulmey dalka Maraykanka. Waxay sidoo kale muujisay in xirfadda iyo daacadnimadu ay ka xoog badan tahay xannibaad kasta oo laysku dayo in lagugu hor joojsado.
“Qashin”: Erey aflagaado ah iyo jawaabtii Soomaalida
Dhacdada Garsoore Cumar ugub ma aheyn, ee waxay qayb ka ahayd dagaal ballaaran oo hadallo adag uu Madaxweyne Trump ku beegsaday bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka oo boqolkiiba sagaashan u badan muwaadiniin Maraykan ah, canshuur bixiyayaal ah, iyo weliba dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, ganacsato, iyo xildhibaanno la doortay. Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamey Soomaalida Minnesota iyo Maraykanka guud ahaan “qashin”, wuxuuna ku eedeeyay in “aysan dalka waxba ku darsan”, iyadoo uu u adeegsadey erayo af-xumo ka muuqato, oo aan weligeed loo isticmaalin bulsho kale, iyadoo saaxiibadda Trump ay ku celceliyeen in Soomaalidu aysan weligeed ka bixin saboolnimo iyo qalalaase siyaasadeed.
Tirakoob sugan oo lagu sameeyey Soomaalida ku nool dalka Maraykanka dhacdadaas kadib, waxaa la xaqiijiyey inay ku dhow yihiin ilaa 260,000 ruux asalkoodu Soomaali yahay. Gobolka Minnesota kali ahaan, waxaa qiyaastii tiradoodu u dhexeysaa 61,000 ilaa 107,000 halka illaa 84,000 ay ku nool yihiin magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities). Guud ahaan Soomaalida ku nool dalka Maraykanka, in ka yar boqolkiiba sagaal (8.4%) ayaan aheyn muwaadiniin Mareykan ah (in ka badan 90% waa muwaadiniin haysta sharci dhalasho). Minnesota keliya, in ka badan konton iyo sideed boqolkiiba (58%) ayaa ku dhashay dalka Maraykanka. Sidoo kale in ka badan boqolkiiba siddeetan iyo toddoba (87%) kuwa dibadda ku dhashay ayaa qaatey jinsiyadda dalka Mareykan oo ah muwaadiniin, iyadoo Soomaalidu tahay qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Maraykana kuwa ugu badan heerka qaadasha jinsiyadda Maraykanka sida ku cad warbixinaha la hayo.
Bruce Corrie, oo ah dhaqaale-yaqaan caan ah, ayaa ku qiyaasay in wax-ku-biirinta dhaqaale ee Soomaalida dalka Maraykanka ay gaarto ku dhawaad $500 milyan oo dakhli-qoys sannadle ah, iyagoo bixiya illaa $67 milyan oo canshuur gobolka/dowladda hoose ah, iyagoo weliba sameeya dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ka badan $8 bilyan gobolka dhexdiisa, taasoo ka badan dhaqaalaha dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Minnesota.
Sida lagu yaqaan dhaqanka Soomaalida oo ku dhisan kaftan iyo adkaysi, Soomaalidu ereygii Trump waxay uga jawaabeen si farshaxansan, halkii laga filayey inay uga jawaabaan si caro leh. Baraha bulshada, Soomaalidu waxay uga jawaabeen caydii Trump kaftan iyo faan. Waxay si xariifnimo iyo majaajilo leh u sheegteen in gobolka Minnesota Soomaalida loo ballanqaaday “seddex kun oo sano” ka hor, farrintaas oo si weyn u qabsatey qeyb ballaaran oo ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka. Kaftankaas waxaa dhinac socdey in Soomaalidu si dhab ah u soo bandhigaan dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada dalka Maraykanka sida xirfadlayaasha caafimaadka, injineerada, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee ka hawlgala dalka Maraykanka, taasoo noqotey jawaab Soomaalinimo marka lagu caayo, lagugu qoslo, waana meesha ay Soomaaalidu ka tiraahdo “Haddii lagu sheego waa la is-sheelaa, haddiise lagu sheelo waa la is-sheegaa”.
1 July 2026: Codka Soomaalida qurba-joogta ah
Si mug iyo miisaan leh ayaa Soomaalida qurbuhu ugu muujiyeen dareenkooda dhinaca dabaaldegga iyo xuska maalmaha xoriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadeyd 1-da Luulyo 2026, taasoo ka soo wareegtey lix iyo lixdan sannadood tan iyo markii Soomaalidii Ingiriiska iyo Talyaaniga gumeysanayeen ay ku midoobeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed (Somali Republic). London, dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa Oxford Street iyo Isha London u rogay meelo maalmaha xoriyadda Soomaaliyeed si rasmi ah looga dabbaal-degay. Calanka buluuga ee leh xiddigta 5-ta gees ah ayaa la surey wadooyinka xaafadaha Peckham, Camden iyo Woolwich ee magaaladda London, iyadoo lagu qaadayey heeso dhaqameed iyo buraanbur. Sidaas oo kale calanka Soomaaliya ayaa lagu arkey bartamaha caasimado kale oo dalalka Yurub ah. Dabaal-degyo kuwaas la mid ah ayaa ka dhacay Minneapolis, Toronto, Stockholm, iyo Nairobi.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa fal-celintooda ku muuujiyey si muuqata, waxayna noqotey 1-da Luulyo fursad kale iyo xilli sannadle ah oo ay sheekadooda iyo taariikhdooda ku soo bandhigaan. Shakhsi ahaan, waxaan goob-joog ka ahaa saarida calanka Soomaaliya ee bartamaha magaaladda Birmingham oo ah magaaladda 2-aad dalka Ingiriiska, waxaana Cawaale si xurmad leh looga taagay aaga maktabadda ugu weyn Yurub ee ku taal Birmingham, waxayna ahayd xilli farxad iyo faan leh.
Runtii waxaa muuqatey in wax badan u badbaadeen Soomaalida qurbaha xaga dhaqanka, dal-jaceylka, cuntada, xiriirka dalka iyo ganacsiga, iyadoo Soomaalida qurbuhu muujiyeen dib-u-dhis noloshooda iyo ka-soo-kabasho rafaadkii adkaa ee dagaalkii sokeeye iyo noloshii adkeyd ee qurbaha. Soomaalidu waxay dhistay suuqyo waaweyn oo caan ah iyo xarumo ganacsi ama dalxiis sida Karamel-ka magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus.
Hase yeeshee, si kasta oo ay u dadaaleen Soomaalida qurba-joogta ah waxaan la qarin karin sida siyaasiyiinta Soomaalidu ay ugu fashilmeen dib-u-dhis degdeg ah dalkii hooyo iyo maamul wanaagsan oo ay ku faani karaan qurba-joogtu, iyadoo taas bedelkeeda Soomaaliya lagu tilmaamo dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan, nafta bani’aadamkuna ay ugu qiimo yar tahay, uguna cimri gaaban tahay, waana farriin ka soo horjeeda dareenka iyo dadaalka qurba-joogta Soomaalida. Madaxda Soomaalida ee gudaha dalka ayaa in ka badan soddon iyo shan sano (1991-2026) aan weli ku heshiin dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan muwaadinimo, kana madax-bannaan musuq iyo wax-isdama-marin, iyagoo heshiis ku ah dowlad-dhiska dalka heer dowlad-dhexe iyo maamul-goboleed, taas oo ah farriin aan caawineyn dadaalka qurba-joogta Soomaaliyeed iyo ilaalinta sharafta dalka iyo dadka.
Rajada mustaqbalka iyo dhallinyarada
Caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska Soomaaliya way badan yihiin, waxaase mudan in la xuso siyaasad jaah-wareersan, khilaaf joogto ah, hay’ado maamul oo daciif ah, musuqmaasuq baahsan, qabyaalad iyo is-cunsuriyeyn, ku-tagrifal kheyraadka ummadda, ku-tiirsanaanta mucaawinada iyo gacmo-hoorsiga, dhisma la’aanta ciidan qaran oo ka kooban Soomaali oo dhan iyo iska-hor-imaad joogto ah oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada dalka. Waa khaladaad waaweyn oo aysan cidna si fudud u tirtiri karin, waana nasiib-darro weyn oo dib-u-dhigtey dowlad-dhiskii dalka iyo dib-u-soo kabashadii nidaamka dowladnimada Soomaaliya.
Hase yeeshee, Soomaaliya waxay ka mid ka tahay wadamada ugu dhallinyar adduunka. Celceliska ahaan da’da dhexdhexaadka ah ee Soomaalidu waa 16 sano, oo u dhiganta bqoqolkiiba afartan iyo lix (46%) bulshada Soomaalida. Waxaa kaloo la ogyahay in Soomaalidu boqolkiiba toddobaatan (70%) ay da’doodu ka yar tahay soddon (30) sano. Taasi ma ah koox yar oo la iska hilaami karo ee waa inta ugu badan bulshada Soomaalida, oo runtii mudan in la dhegaysto, lana siiyo fursad ay dalka taladiisa wax ku yeeshaan.
Gudaha iyo dibaddaba, dhallinyaradu waa aqlabiyadda saxda ah (absulate majority), waxayna si joogta ah u muujiyeen dareenkooda iyo awoodda ay u leeyihiin inay sameeyaan isbeddel suurtogal ah. Tusaale waxaa u ah Cumar Cabdulqaadir Catan oo gaarey inuu garsoore ka noqdo ciyaata kama-dambeysta ah ee UEFA, isagoo weliba la xannibey safarkiisii koobka adduunka ee ka dhacey dalka Mareykanka, dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka hawlgala xarumaha adduunka ee aqoonta, kuwa ka qeybgala tartanka Qur’aanka Kariimka ah munaasabado waaweyn oo caalami ah, xirfadlayaalayaasha Soomaaliyeed ee ka hawlgala xarumaha caafimaadka adduunka, sharci-yaqaanada iyo aqoonyahanadda tignooloojiyada adduunka, gaar ahaan dhinaca wadamadda Galbeedka iyo weliba tiro badan oo sii kordheysa oo siyaasiyiin asal ahaan Soomaali oo ku guulaystay dalalka Maraykanka, Kanada, Finland, Boqortooyada Ingiriiska, Norway iyo Sweden. In fursadahaas loo beddelo saameyn xoog leh oo u dan ah Somaalida waa suurtagal haddii la sameeyo doorasho iyo qorshe sax ah, oo ka muuqata dalkii hooyo.
Gunaanad
Gunaanadkii, waxaa lagama maarmaan ah in la helo qaab daah-furan oo degdeg ah, oo lagu daaweeyo duruufaha adag ee ku gadaaman mustaqbalka dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo socda oo saldhig u ah in xal waara oo laga gaaro xaaladda cakirran ee dalka:
- In lagu heshiiyo, lana qabto doorasho lagu kalsoonaan karo oo daacad laga yahay, taas oo ku salaysan nidaam la isku raacsan yahay oo waara, si awoodda dowladnimadu si nabdoon ugu gudubto gacantii ku guuleysta si xor iyo xalaal ah, iaydoo loo marayo sanduuqa codbixinta, halkii ay ku dhammaan laheyd muran, is-qabqabsi iyo dib-u-dhac joogto ah.
- In la dhiso ciidan qaran oo midaysan, xirfad iyo astaan Soomaaliyeedna leh, oo ka kooban dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee aan qabiileysneyn, iyadoo lagu soo xulanayo sida ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo ciidan federaal ah iyo mid dowlad-goboleed oo u wada shaqeeya qaab la isku raacsan yahay, si loo soo afjaro kooxaha hubaysan iyo argagixisada caalamiga ah ee dalkeena ku soo duuley, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedkii ku qeexnaa qorshihii amniga qaranka (national security architecture), oo hore loogu heshiiyey, lagana soo qorayo dalka oo dhan.
- In si dhab ah loola dagaallamo musuqmaasuqa iyo boobka hantida dadweynaha, ku-tagrifalka awooda dowladnimo si sharci-darro ah, amar-ku-taagleyn iyo is-muquuninta, iyadoo lagu saleynayo hubinta arrintaas hantidhawr madax-banaan oo ilaaliya hantida ummadda, si kheyraadka dalku uu u gaaro dugsiyada, cisbitaallada, iyo waddooyinka halkii uu ku dhici lahaa gacanta shabakado ganacsi ee isku xiran iyo jeebabka shakhsiyaad siyaasiyiin ah.
- In la aasaaso hay’ado dowladeed, oo xaqiijiya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, dhinaca Dowladda Dhexe iyo Maamullada Gobolada, si loo ilaaliyo, si hufana loo maareeyo kheyraadka yar ee dalka.
- In qurba-joogta laga qeybgaliyo qorshaha dib-u-dhiska qaranka, iyadoo aan lagu gaabsaneyn keliya dhinaca xawaaladaha iyo wax-ku-soo celinta dalka, ee sidoo kale dhinaca maalgashiga, wax-ku-biirinta xirfadaha, iyo doorka siyaasadda iyo adeegga bulshada. Dammaanadda ugu fiican ee badbaadadooda iyo wax-ku-biirintoodu waa in dal-joogtu muujiso dadaal, daacadnimo, dowlad-dhis togan iyo la dagaalanka dhaqanada dila bulshooyinka sida musuqa, qaraabo-kiilka iyo dayaca maamulka dalka.
Fulinta arrimahaas kor ku xusan sinaba uma fududa, sidoo kale midkoodna habeen keliya laguma fulin karo, laakiin waddan leh dhallinyaro tiro badan, xirfad-layaal caan ah laga yaqaan adduunka, iyo bulsho lagu yaqaan adkaysi, wuxuu leeyahay fursad iyo sabab macquula oo abuuri karta rajo mustaqbal ah iyo dib-u-soo kabasho degdeg ah. Hawsha ugu weyn maanta waxay saaran tahay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaalida, gudaha iyo dibaddaba, inay ugu dambeyntii ka shaqeeyaan inay dhisaan qaran hoggaamin kara hammiga dhallinyaradiisa.
Hadday sidaas sameeyaana, guulaha aan maanta u dabaaldegayno — sida firimbiga garsooraha ciyaarta ka dhacdey Salzburg, calanka Soomaaliyeed ee Oxford Street London la surey, dhallinyarada xirfadlayaasha ah ee adduunka ku kala firiqsan iyo xufaadda hogaamineysa tartaranada sannadlaha ah ee Qur’aanka Kariimka ah— waxaa lagu xasuusan doonaa inaysan aheyn kuwo dhif iyo naadir ah, ee ay yihiin calaamadihii ugu horreeyay ee muujinayay rajada jiilka dhallinyarada Soomaaliya ee ah aqlabiyadda dalka iyo awoodooda isbedelka mustabqal ka wanaagsan kan maanta.
Ali Haji Warsame MBA MA CPA CGMA
Email: ali.warsame@hiilinstitute.org
Cali Xaaji Warsame waa Agaasimaha Fulinta ee Machadka Hiil Institute for Governance, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, iyo Barre Jaamacadeed.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Dhaqan-Siyaasadeedka Soomaalida: Isdhexgalka Qabiilka, Xeerka iyo Dawlad-dhiska Casriga ah

Midnimada ummadda Soomaaliyeed: Tiirka karaamada, iyo mustaqbalka Qaranka

Confederal-ku waa tallaabo hordhac ah oo Soomaali lagu kala goynayo

Heshiis Bulsho Cusub: Furaha Mustaqbalka Dowladnimada Soomaaliya

Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 1-aad

