Haddii Itoobiya Dagaal Dheer Gasho, Soomaaliya Maxaa La Gudboon?
Maqaalku wuxuu ku talinayaa in Soomaaliya u diyaargarowdo dagaal daba dheeraada oo Itoobiya ka dhaca, iyadoo xoojinaysa ciidankeeda, xuduudaheeda, dekedaheeda iyo diblomaasiyaddeeda. Wuxuu adkaynayaa in daciifnimada Itoobiya aysan keligeed Soomaaliya xoog siinayn, burburkeeduna keeni karo hub faafaya, barakac iyo faragelin shisheeye.

Waxaa laga yaabaa in su’aasha ugu muhiimsan ee Soomaaliya maanta iska weydiiso aysan ahayn waxa ka dhacaya Itoobiya, balse ay tahay: maxaa Soomaalida la gudboon haddii Itoobiya muddo dheer ku mashquusho dagaal gudaha ah?
Natiijada dagaalka Itoobiya, cidda ku guuleysata iyo inta uu socdaba, waxay saameyn ku yeelan karaan xisaabta awoodda ee Geeska Afrika. Soomaaliya muddo dheer waxay Itoobiya kula dhaqantay deris aan si buuxda loogu kalsoonaan karin. Sidaas darteed, haddii awoodda Addis Ababa gudaha ku mashquusho, Soomaaliya waxay heli kartaa fursad ay dib ugu eegto kaalinteeda gobolka.
Laakiin waxaa muhiim ah in la kala saaro daciifnimada Itoobiya iyo xoogga Soomaaliya. Itoobiya oo daciifta keligeed Soomaaliya xoog ma siinayso. Fursaddu waxay dhab noqonaysaa oo keliya haddii Soomaaliya awood u yeelato inay ka faa’iidaysato isbeddelka ka dhasha gobolka.
Haddii dagaalku dheeraado, Itoobiya waxay xoog iyo dhaqaale badan ku bixin kartaa arrimaheeda gudaha, taas oo yareyn karta awoodda ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Taasi waxay Soomaaliya siin kartaa fursad ay ku xoojiso madaxbannaanideeda siyaasadeed, xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo kaalinteeda gobolka.
Arrinta ugu muhiimsan waxaa ka mid ah badda Soomaaliya. Xeebta dheer iyo dekedaha Soomaaliya waxay maanta leeyihiin muhiimad ka weyn tan dhaqaale oo keliya. Waxay qayb ka yihiin tartanka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Haddii Itoobiya ku mashquusho dagaal gudaha ah, Soomaaliya waa inay ka faa’iidaysataa waqtigaas si ay u xoojiso dekedaheeda, awooddeeda badeed iyo xiriirkeeda dalalka danaynaya gobolka.
Sidoo kale, arrinta Somaliland waa in lagu eegaa xisaabta guud ee gobolka. Dalalka gobolka iyo quwadaha kale waxay raadinayaan dekedo, marinno ganacsi, saameyn siyaasadeed iyo joogitaan istiraatiiji ah. Sidaas darteed, Soomaaliya waa inay yeelataa siyaasad ka gudubta ka falcelinta heshiis kasta oo cusub, una gudubta qorshe cad oo ku saabsan badda, dekedaha iyo danaha qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waa inay ka digtoonaataa in daciifnimada Itoobiya ay isu beddesho burbur. Itoobiya oo ku mashquusha dagaal waxay yareyn kartaa awooddeeda dibadda; laakiin Itoobiya oo si qoto dheer u burburta waxay abuuri kartaa khataro cusub: hub faafaya, barakac, xuduudo aan la xakameyn karin, kooxo hubaysan iyo faragelin ay quwadaha kale ku sameeyaan gobolka.
Sidaas darteed, waxa Soomaaliya u baahan tahay ma aha inay sugto waxa Itoobiya ku dhaca, balse waa inay horay uga sii diyaar garowdo xaaladaha kala duwan. Haddii dagaalku dheeraado, haddii dowladda Itoobiya daciifto, haddii xaaladdu gaarto Gobolka Soomaalida Itoobiya ama haddii quwadaha kale ay isku dayaan inay buuxiyaan booska bannaan—Soomaaliya waa inay hore u taqaannaa waxa ay samaynayso.
Ugu dambayn, Soomaaliya waa inay ka gudubtaa siyaasadda falcelinta. Itoobiya wax bay samaysaa, Soomaaliya jawaab bay bixisaa; dal kale heshiis buu galaa, Soomaaliya way cambaaraysaa. Taasi ma noqon karto siyaasad istiraatiiji ah.
Haddii Soomaaliya rabto inay ka faa’iidaysato isbeddelka gobolka, waa inay xoojisaa ciidankeeda, ilaalisaa xuduudaheeda, horumarisaa dekedaheeda, mideysaa siyaasaddeeda dibadda, xoojisaa dhaqaalaheeda, isla markaana yeelataa aragti qaran oo fog.
Sidaas darteed, su’aasha saxda ahi ma aha:
“Ma rabnaa Itoobiya inay daciifto?”
Balse waa:
“Haddii Itoobiya daciifto, Soomaaliya ma diyaar bay u tahay inay ilaaliso danaha qarankeeda?”
Itoobiya waxay maamuli kartaa waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, laakiin Soomaaliya waxay maamuli kartaa jawaabteeda. Haddii xisaabta awoodda Geeska Afrika dib loo habeeyo, Soomaaliya waa inay ka mid noqotaa kuwa qorsheeya, ee aysan noqon kuwa la qorsheeyo.
Daciifnimada deriska fursad ma noqoto ilaa aad adigu leedahay awood aad kaga faa’iidaysato.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Ma La Gaaray Xilligii Soomaaliya Dib U Qeexi Lahayd Siyaasaddeeda Arrimaha Dibadda?

Kadib Meelmarintii Sharci-darrada ahayd ee DFD: Maxaa Puntland La Gudboon, Federaal Nooceese Ayay Shacabkeedu Doonayaan?

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Juqraafi-Siyaasadeedka Geeska Afrika

Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 2-aad

Gooni-isu-taag Mise Midnimo? Mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya Aqoonsiga Israel Kadib!

