Siyaasad

Falanqayn:Daacish iyo Al-Shabaab — Sidee ayay Xeeladahoodu isu Beddelayaan?

Falanqayntu waxay warbixin Qaramada Midoobay ku salaynaysaa wiiqitaanka Daacish-Soomaaliya iyo isbeddelka xeeladaha Al-Shabaab, iyadoo labada kooxood weli khatar yihiin. Waxay ku baaqaysaa iskaashi amni, la-dagaallanka maalgelinta iyo maamul joogto ah oo laga hirgeliyo deegaannada laga saaro kooxaha.

Falanqayn:Daacish iyo Al-Shabaab — Sidee ayay Xeeladahoodu isu Beddelayaan?

Warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ka soo saartay Daacish, Al-Qaacida iyo faracyadooda ayaa muujinaysa laba isbeddel oo muhiim ah oo ka socda Soomaaliya: Daacish-Soomaaliya (IS-Somalia) ayaa si weyn loo wiiqay, halka Al-Shabaab ay beddelayso qaabkii ay u fulin jirtay hawlgalladeeda.

Nuxurka warbixintu ma aha in kooxahan la jebiyey, balse waa in cadaadiska milatari iyo dhaqaale uu ku qasbay inay beddelaan hab-dhaqankooda iyo istaraatiijiyaddooda.

Daacish-Soomaaliya: Hoos u dhac weyn, balse aan dhammaan

Qaramada Midoobay waxay tirada dagaalyahannada Daacish-Soomaaliya ku qiyaastay 150–250, kuwaas oo inta badan ku sugan buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya. Tiradani aad ayay uga hooseysaa qiyaasihii hore loo aaminsanaa ee ahaa 900–1,500 dagaalyahan.

Hoos u dhaca waxaa loo aaneyn karaa gulufkii ay Puntland qaaday bilowgii 2025-ka, oo ay barbar socdeen duqaymo, kaas oo lagu qabsaday saldhigyo muhiim ah. Arrintaasi waxay keentay kala firxashadii xubnaha iyo yaraanshaha dagaalyahannada ajaanibta ah ee ku soo biirayay kooxda.

Hawlgalka Puntland ee loo bixiyay Hilaac ayaa si weyn u beddelay awooddii Daacish. Ciidamada Puntland ayaa qabsaday saldhigyo, bakhaarro hub iyo marinno sahay, iyadoo taageero xagga cirka ahna ay ka heleen saaxiibo caalami ah. Tani waxay kooxda ku khasabtay inay ka fogaato dagaal fool-ka-fool ah, una gudubto isticmaalka miinooyin, gaadmo iyo weerarro yaryar.

Si kastaba ha ahaatee, guushaasi weli ma dhamaystirna. Markii hawlgalladu yaraadeen horraantii 2026, Daacish waxay isku dayday inay dib ugu soo laabato qaar ka mid ah goobihii laga saaray, gaar ahaan Cal-Miskaad, Togga Jaceel iyo buuraha Golis.

Tani waxay muujinaysaa in Daacish aysan u baahnayn inay ciidanka kaga adkaato dagaal toos ah. Waxaa ku filan inay ka faa’iidaysato meelaha ay dowladdu ka maqnaato, cabsi geliso bulshada, xirto waddooyin ama fuliso weerarro kooban oo muujinaya inay weli jirto.

Dhanka dhaqaalaha, Daacish-Soomaaliya waxay lumisay qayb weyn oo ka mid ahayd doorkeedii shabakadda Daacish. Dakhligeedii ayaa hoos u dhacay, waxaana yaraaday awooddii ay lacag ugu diri jirtay faracyada kale ee Afrika. Hase yeeshee, maadaama ay si weyn hoos ugu dhacday lacagtii baadda ahayd ee ay uruurin jirtay, xoguhu waxay sheegayaan in ay weli dhaqaale ka ururiso qaybo ka mid ah ganacsatada Gobolka Bari, taasoo muujinaysa in shabakaddeedu aysan gebi ahaan burburin.

Sidaas darteed, Daacish-Soomaaliya maanta waxay u muuqataa koox ku jirta xaalad badbaado iyo dib-u-dhis ah, halkii ay ka ahaan lahayd xarun awooddeedu ku fidsan tahay Soomaaliya iyo dibaddeeda.

 

Al-Shabaab: Weerarro yar, awood weli jirta

Kooxda Al-Shabaab waxay wajahaysaa xaalad ka duwan tan Daacish. Warbixinta Qaramada Midoobay ma muujinayso koox burbursan, balse waxay muujinaysaa koox beddeshay qaabka ay u fuliso hawlgalladeeda.

Kadib weerarradii badnaa ee 2025, tirada weerarrada ayaa hoos u dhacday, gaar ahaan Muqdisho iyo hareeraheeda. Hase yeeshee, hoos u dhaca weerarradu si toos ah uma micne aha hoos u dhac ku yimid awoodda kooxda. Kooxaha hubaysan ayaa mararka qaar yareeya weerarrada si ay u ilaashadaan dagaalyahannadooda una urursadaan awood ay ugu diyaargaroobaan hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey.

Al-Shabaab wali waxay leedahay saddex awoodood oo muhiim ah: dhaqaale, hoggaan iyo shabakad dhuleed oo ballaaran.

Inkasta oo la dilay saraakiil sare oo qaabilsanaa qaraxyada iyo dhaqaalaha, haddana kooxda waxay si degdeg ah u buuxisay boosaskii bannaanaaday. Tani waxay muujinaysaa in hoggaanka iyo nidaamka gudaha ee kooxdu wali shaqaynayaan.

Dhaqaalaha kooxda ayaa hoos u dhacay, gaar ahaan dakhliga laga ururiyo Muqdisho, balse xitaa qiyaasta hoose ee dakhliga la sheegay ayaa weli ah dhaqaale awood siin kara kooxda inay maalgeliso hawlgallo, hub iyo shabakaddeeda gudaha.

Arrinta ugu walaaca badan waa xiriirka sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab la leedahay shabakadaha Al-Qaacida ee Yemen iyo Xuutiyiinta. Warbixintu waxay sheegaysaa in xubno Al-Shabaab ah ay u safreen Yemen, halkaas oo ay xiriirro iyo tababarro ka heleen dhinacyo kala duwan.

Haddii xiriirradaasi u horseedaan kooxda inay hesho aqoon iyo qalab cusub, gaar ahaan dhinacyada hubka fog, madaafiicda iyo ka-hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay kordhin kartaa khatarta ay ku hayso ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM.

Laba kooxood, laba istaraatiijiyadood

Daacish-Soomaaliya iyo Al-Shabaab maanta isku xaalad ma aha.

Daacish waxaa laga qabsaday inta badan saldhigyadii waaweynaa, tiradeeda waa la dhimay, dhaqaalihii waa yaraaday, waxaana hoos u dhacay qulqulkii dagaalyahannada ajaanibta ah. Hase yeeshee, hoggaankeeda sare wali wuu nool yahay, waxayna isku dayaysaa inay dib u dhisto shabakadaheeda.

Al-Shabaab, dhankeeda, waa koox ka weyn, dhaqaale badan leh, dhul ahaan ka fidsan, isla markaana leh awood ay ku beddesho hoggaankeeda, ku qariso dhaqaalaha iyo inay xiriirro dibadeed u isticmaasho helidda aqoon iyo farsamo cusub.

Sidaa darteed, hoos u dhaca weerarrada ama tirada dagaalyahannadu ma aha in loo fasirto dhammaadka khatarta.

Maxaa Soomaaliya laga doonayaa?

Puntland waxay u baahan tahay inay guusha militari ku xoojiso joogitaan amni oo joogto ah, maamul rayid ah iyo adeegyo bulshada gaara, si aan meelaha laga saaray Daacish loogu oggolaan inay dib ugu soo laabato.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhankeeda, waa inay Daacish u aqoonsataa qayb ka mid ah khatarta amni ee qaranka, isla markaana Puntland la yeelato iskaashi nidaamsan oo dhinacyada sirdoonka, dhaqaalaha iyo amniga ah.

Dhanka Al-Shabaab, Soomaaliya waxay u baahan tahay istaraatiijiyad isku xirta hawlgallada dhulka, la-dagaallanka maalgelinta, ilaalinta xeebaha iyo dabagalka xiriirrada dibadeed ee kooxda.

Arrintan waxay sii muhiim noqonaysaa iyadoo Soomaaliya ay u dhowdahay dhammaadka muddada AUSSOM ee 31-ka Diseembar 2026. Haddii meelaha ciidamada laga saaro aan loo diyaarin qorshe amni iyo maamul oo cad, kooxaha hubaysan waxay fursad u heli karaan inay buuxiyaan firaaqa.

Gunaanad ahaan, cadaadiska militari iyo dhaqaale wuxuu wiiqay labada kooxood, laakiin khatartu ma dhammaan. Daacish waxay isku dayaysaa inay ku badbaado buuraha Puntland oo ay dib u dhisto shabakadeeda, halka Al-Shabaab ay yareynayso weerarrada caadiga ah, ilaalinayso dhaqaalaheeda, isla markaana raadinayso xiriirro iyo awood cusub oo dibadda ah.

Sidaas darteed, guusha dhabta ahi ma noqon karto oo keliya in koox laga saaro dhul; waxay noqonaysaa in aan loo oggolaan inay mar kale ku soo laabato.

W/Q Mustafa Cusmaan
Kaaliyaha Agaasimaha, Balqiis Insights

 

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.