Caalamka

Bilashada Bariga iyo Galbashada Galbeedka: Isbeddelka Awoodaha Caalamka iyo Aayaha Dunida Islaamka (Qormada 1aad)

Qormadan taxanaha ah waxay gorfaynaysaa aragtida ah in awoodda caalamku ka wareegayso Galbeedka una guurayso Bariga Aasiya, gaar ahaan Shiinaha, iyo soo-kabashada Ruushka. Waxay diiradda saaraysaa saamaynta isbeddelkan ku yeelan karo dunida Islaamka iyo baahida loo qabo aragti istiraatiiji ah.

Bilashada Bariga iyo Galbashada Galbeedka: Isbeddelka Awoodaha Caalamka iyo Aayaha Dunida Islaamka (Qormada 1aad)

Soo Koobid

“Qormadani waxay noqon doontaa taxane. Waxaana sees u ah turjumaad iyo sookoobid aan ku samaynayo daraasad uu cinwaankeedu yahay [شروق الشرق وغروب الغرب: انزياحات القوى الدولية ومصائر العالم الإسلامي / The Rising East and the Setting West: The Shift of the Global Powers and the Destinies of the Islamic World] taas oo uu soo saaray Maxamed Al-Mukhtaar Ash-Shanqiidi. Haddaba, qormadaani waxay diirradda saaraysaa ifafaalaha ku aaddan kala-wareegidda awoodda caalamiga ah oo ka guuraysa Galbeedka Atlaantiga una wareegaysa Bariga Aasiya/Yuraasiya, iyada oo laga eegayo aragtida juqraafi-siyaasadeed (geopolitics). Isbeddelkani wuxuu ka duulayaa nuxurka loollankii taariikheed ee u dhexeeyay quwadaha waaweyn ee berriga teedsan iyo kuwa badaha kulaalaya, iyo sidoo kale xiriirka u dhexeeya quwadaha soo-kacaya iyo kuwii hore u haystay hoggaanka dunida. Sidoo kale, qormadani waxay u kuurgalaysaa kaalinta iyo mowqifka dunida Islaamka kaga aaddan isbeddelkan ku yimid miisaanka awoodaha caalamiga ah, iyadoo adkaynaysa baahida loo qabo in caqabaddan lagu wajaho go’aan adag, wacyi siyaasadeed iyo aragti istiraatiiji ah.”

Hordhac

Qormadan oo taxane noqon doonta waxay dhilaysaa kala-dhantaalnaanta nidaamka caalamiga ah ee labadii toban tirsi ee ugu dambeeyay. Waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa caqabadaha kala-qaybsanaantan cusub kusoo kordhinayso dunida Islaamka.

Waxay dooddeennu tahay in kala-dhantaalnaanta cusub ee caalamiga ahi ay sii qotadheereyn doonto ka wareegidda awoodda ee Galbeedka Atlaantikada iyada oo u guuraysa Bariga Aasiya/Eurasia. Inkasta oo ifafaalahani uu soo bilowday tobannaan sano ka hor, haddana wuxuu si xawli ah u dardar-galay bilowgii qarnigan 21aad, kadib kobocii dhaqaale ee Shiinaha iyo baraaruggii diineed iyo qarannimo ee Ruushka. Hase yeeshee, dagaalka hadda ka socda Yukrayn wuxuu sida muuqata sii dedejin doonaa socodka taariikhda, wuxuuna kordhin doonaa xawaaraha isbeddelkan mudan in si dhug leh loo derso. Isbeddelkan waxaan ugu magac-darnay: “Bilashada Bariga iyo Galbashada Galbeedka.”

Eray-bixintan hal-abuurka leh waxaan kaga dayanaynaa mid ka mid ah aftahannada casriga ah ee afka Carabiga, kaas oo ah qoraagii Masaariga ahaa Axmad Xasan Al-Zayaat (1885–1968). Wuxuu oraahdan ku adeegsaday Axmed maqaal uu sannadkii 1938kii kaga hadlayey difaaca Falastiin. Maqaalkiisa wuxuu ku soo gunaanaday hadal uu ugu hanjabayey gumaystihii Ingiriiska ee la safnaa qabsashadii Yuhuudda ee Falastiin, isagoo yiri: “Falastiin, tan iyo markii Alle abuuray, waxay dhibtay gardarroolaha, waxayna niyadjebisay daalinka. Halkaas ayay Galbeed iyo Bari mar ku kulmeen xilligii Cumar [Binu Khaddaab], mar kalena xilligii Salaaxuddiin [Al-Ayuubi]. Labada jeerba natiijadu waxay noqotay Bilashada Bariga iyo Galbashada Galbeedka.”[1]

Al-Zayaat wuxuu oraahdan sarbeebta ah u adeegsaday isagoo ka hadlayey is-riixriixyada ilbaxnimo ee u dhexeeya Bariga Islaamka ah iyo Galbeedka Masiixiga ah. Annaguna waxaan ereygan u adeegsanaynaa nuxurka loollanka ilbaxnimo ee ka dhex socda dunida maanta.

Waxaase muhiim ah in aan caddayno in erayga “Bariga” ee ku jira cinwaanka qormadaan aan loola jeedin Bariga Islaamka ah ee uu al-Zayaat ku xusay maqaalka uu qoray, balse loola jeedo Bariga Aasiya/Eurasia, gaar ahaan qaybta Shiinaha. Kolkaa magacaabistaan iyo ereybixintaan muran kama taagna. Sababtuna waa; in dunida Islaamka marka laga eego dhinaca juqraafi-siyaasadeed aysan ka mid ahayn Bariga ama Galbeedka, balse ay tahay dhul u dhexeeya labadaas dhinac, isla markaana ay tahay goob ilbaxnimo oo gaar ah, lehna astaamo u gaar ah marka laga hadlayo istiraatiijiyadda juqraafi-siyaasadeed. Faahfaahinta iyo astaamaha juqraafi-siyaasadeed ee dunida Islaamka waxaan ku sharxi doonnaa qaybaha dambe ee qormadan.

Sanadihii u dambeeyay waxaa si weyn afka loogu hayay, siyaabo kala duwanna looga hadlay hor-u-socodka guud ahaan Aasiya, gaar ahaan Shiinaha, oo usii gudbaya kaalinta hoggaamineed ee dunida, taas oo ku imanaysa xisaabta awoodihii reer Galbeedka ee muddada dheer ku keliyaystay saamaynta caalamiga ah. Sidoo kale, waxaa si weyn looga hadlay soo-noqoshada istiraatiijiga ee Ruushka xilliga Vladimir Putin, kadib sanadihii uu galay jahawareerka iyo taag-darrida oo ay isaga dambeeyeen talisyadii Mikhail Gorbachev (1931 – 2022) iyo Boris Yeltsin (1931 – 2009). Waxaa loo arki karaa horumarka Shiinaha iyo baraarugga Ruushka, iyagoo wajahaya saamaynta Maraykanka iyo Yurub, inay yihiin muuqaalkii ugu dambeeyay ee loollanka taariikhiga ah ee u dhexeeya awoodaha berriga iyo quwadaha badeed ee dunida. Loollankaas ayuu faylasuufka siyaasadeed ee Ruushka ah, Alexander Dugin, ugu yeeraa “Laba-geesoodka juqraafi-siyaasadeed ee weligiis jiraya ama waaraya”.

Aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha arrintan danaynaya waxay wax ka qoreen iyagoo ka duulaya sooyaal, duruufo iyo dhiirrigeliyayaal kala duwan. Qaar ka mid ah waa reer Aasiya u xamaasadaysan inay arkaan soo bixitaanka dawlad Aasiya ka tirsan oo leh ilbaxnimo cusub; qaar kalena waa reer Galbeed walaac ka qaba waxa John Mearsheimer, oo aynu xogtiisa kusoo noqon doonno, ugu yeeray “duufaanta Shiinaha ee soo kacaysa”; halka qaar kalena ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah oo doonaya in ay qaabeeyaan aasaasyo cusub oo lagu suuragelin karo wada-noolaanshaha caalamiga ah. Hase ahaatee, dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in kor-u-kaca Aasiya iyo soogelitaanka Shiinaha ee safka hore ee masraxa caalamka ay yihiin laba arrimood oo si lama huraan ah u iman doona.

Haddaba, waxa ay qormadani ku kordhinayso doodda aqooneed ee reer Galbeedka iyo tan Aasiya ee arrintan ku saabsan, waa in ay diiradda saarayso saamaynta uu isbeddelkan qotadadheer ku yeelan doono dunida Islaamka, marka laga eego dhanka juqraafi-siyaasadeedka. Dunida Islaamka halkan waxaa loo tixgelinayaa inay tahay hal deegaan oo leh hal ilbaxnimo, dhul isku xiran oo isu dhow, iyo halbeeg gorfeyneed oo natiijooyinkiisa istiraatiijiga ah lagu qiimayn karo iyada oo lagasoo qaadayo duruufo guud oo mideysan.

Manhajka aynu qormadaan ku salaynayno waa kan juqraafi-siyaasadeed (Geopolitics). Kama dhigna in juqraafi-siyaasadeedka loo tixgelinayo laan aqooneed gaar ah oo keliya, balse sidoo kale, waxa loo qaadanayaa hannaan u gaar ah gorfeynta nidaamka caalamiga ah. Falanqayntan ayaa arrimaha juqraafiyeed ka dhigaysa halka laga duulo, sida ay tilmaameen qaar ka mid ah aqoonyahannada juqraafi-siyaasadeedka. Juqraafiyaddu waa mid ka mid ah go’aamiyeyaasha ugu muhiimsan ee siyaasadda, maadaama ay tahay qaybta joogtada ah (physical base) ee dawladnimada, isla markaana ay muujiso sida ay awoodda dawladdu u kobocdo ama u daciifto. Arrintan waxa si cad u cabbiray aqoonyahanka juqraafiyadda ee Masaariga ah, Jamaal Xamdaan (1928–1993), isagoo yiri: “Juqraafi-siyaasadeedku, asal ahaan, waa cilmiga dawladda ku meeleeya qaab-dhismeedkeeda dabiiciga ah ee ay ku dhex jirto, isla markaana ku celiya ama ku qiimeeya asalkeeda juqraafiyeed ee joogtada ah ee qotadadheer.” Dhanka kale, arrintan waxaa ku muujiyey oraahdiisii caanka noqotay xeeldheeraha istiraatiijiyadda ee Ameerikaanka ah, Nicholas Spykman (1893–1943), taas oo aqoonyahannada arrintan ku takhasusay ay halhays ka dhigteen, iyadoo ugu dambayntiina noqotay oraah farta lagu wada fiiqay: “Wasiirradu way isbeddelaan, xitaa keligood-taliyayaashu way dhintaan, laakiin buuraha xiriirsani halkooda ayay ku negaadaan abid.”

In ka badan toddobaatan sano ka hor, Maalik Binu Nebi way u muuqatay baahidani, waa isagii yiri: “Dunida Islaamku, si ay door wax-ku-ool ah oo saamayn leh uga qaadato dhaqdhaqaaqa horumarka caalamka, waa inay dunida taqaan, nafteedana taqaan, isla markaana dadka kale nafteeda barto.”

Waxaan rajaynaynaa in qormadani ay ka qayb qaadato sidii dunida Islaamku ay nafteeda iyo dunidaba si wanaagsan ugu baran lahayd, isla markaana ay albaab ugu furto inay si dhab ah ugu dhugyeelato fursadaha iyo awoodda dunida Islaamku haysato. Waa xilli ay is-horfadhiyaan quwadaha reer Galbeedka oo weli ku dheggan goobta ay dhacaan iyo saamayntoodii taariikhiga ahayd, inkasta oo awooddoodu sii wiiqmayso, iyo quwadaha Bariga ee soo kaahaya, kuwaas oo ku dhiirran inay buuxiyaan firaaqa/fagaagga istiraatiijiga ah ee ka jira gobolkan, iyo inay dhaxlaan saamayntii reer Galbeedka oo sii hoobanaysa. Haddaba, dunida Islaamku waxay si weyn ugu baahan tahay inay yeelato fahan cad oo ku saabsan isle'egyada iyo xiriirrada cusub ee ka dhalanaya isbeddellada ku socda miisaankii awoodaha caalamiga ah, si ay uga gudubto booska dhibbanaha ama wax-ka-falcelinta, uguna gudubto meel ay iyadu noqoto dhinaca firfircoon ee wax saameeya, qaabeeya, kana qaybqaata go'aaminta jihada isbeddellada caalamiga ah.

Aadan Salaad Maxamuud (Badiic)

 

 

 

Top of Form

 



La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo La Xiriira