FEDERAALNIMADA SOOMAALIYA: DASTUURKA, MIDNIMADA QARANKA IYO DOODDA KONFEDERAALNIMADA
Qoraalku wuxuu falanqaynayaa warqadda Puntland u dirtay Qaramada Midoobay iyo doodaha federaalnimada, konfederaalnimada iyo midnimada Soomaaliya. Wuxuu ku baaqayaa in khilaafaadka lagu xalliyo Dastuurka iyo wada-tashi, awoodahana si cad loo qaybsado, iyadoo la ilaalinayo is-maamulka iyo midnimada qaranka.

Falanqayn kooban oo ku saabsan warqadda Puntland u dirtay Qaramada Midoobay
Warqadda kasoo baxda Dawladda Puntland ee 13 Sebtembar 2026 loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxay soo bandhigaysaa cabashooyin culus oo ku aaddan xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo Puntland ku eedaynayso Dowladda Federaalka faragelin, wiiqidda federaalka iyo khatar gelinta amniga iyo xasilloonida. Warqaddu waxay sidoo kale dalbanaysaa in beesha caalamku si toos ah ula macaamisho Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.
Si kastaba ha ahaaatee; cabasho siyaasadeed iyo xaqiiqo dastuuri ah waa laba arrimood oo kala duwan. Dastuurkii Federaalka ee 2012 wuxuu Soomaaliya u dhisay nidaam federaal ah, wuxuuna qeexayaa xiriirka iyo mabaadi'da ay ku wada shaqeeyaan heerarka kala duwan ee dowladdu. Qodobka 50-aad wuxuu si gaar ah u dhigayaa mabaadi'da federaalka, halka Qodobka 51-aad uu adkeynayo wada-shaqaynta iyo wada-tashiga heerarka dowladda Federaalka.
Sidaa darteed; Puntland inay leedahay hay’ado, maamul iyo awood is-maamul oo ballaaran ma siinayso, marka la eego nidaamka federaalka, maqaam dowlad madax-bannaan oo caalami ah. Waxaa muhiim ah in la kala saaro is-maamul federaal, madax-bannaani, iyo konfederayshan. Federaalku wuxuu leeyahay dowlad dhexe iyo dowlado xubno ka ah oo awoodahooda Dastuurku qeexayo; konfederayshankuna caadi ahaan wuxuu siinayaa xubnaha midowga madax-bannaani aad u ballaaran, halka awoodda dhexe ay aad u kooban tahay.
Waxaa intaas dheer, sheegashada Puntland ee ah in “shacabka Puntland” ay Dawladda ku khasbayaan inay ka go’aan Soomaaliya, waa sheegasho u baahan caddayn dadweyne oo la cabbiri karo. Mowqifka hoggaan siyaasadeed waa in loo aqoonsadaa mowqif siyaasadeed; looma beddeli karo si toos ah rabitaanka dhammaan shacabka iyadoo aan la hayn afti, sahan cilmiyeed oo matala bulshada ama hannaan kale oo lagu xaqiijiyey rabitaanka dadweynaha.
Arrinta kale oo mudan in si gaar ah loo xuso ayaa ah in Puntland lafteedu ay warqadda ku soo gabagabaynayso inay higsanayso dawlad federaal ah oo deggan, nabad ah, si dimiqraaddi ahna isu maamusha. Sidaas awgeed, doodda maanta taagan waa in laga gudbo eedaymaha siyaasadeed ee la isku tuuro-tuurayo, laysna weydiiyo su’aasha aasaasiga ah: sidee loo dhisaa federaal Soomaaliyeed oo si dhab ah u shaqeeya, awoodihiisana si cad loo kala qeexay?
Dhinaca kale, ilaalinta midnimada Soomaaliya macnaheedu ma aha in Dowladda Federaalka loo oggolaado inay qaadato awoodo xadka ka baxsan oo aan heshiis lagu ahayn. Haddii ay jiraan muranno ku saabsan awood-qaybsi, kheyraad, doorashooyin, amni ama wax-ka-beddelka Dastuurka, waa in lagu xalliyaa Dastuur, wada-tashi iyo hannaan sharci ah. Sidoo kale, difaaca xuquuqda iyo is-maamulka Puntland ma aha in si toos ah loogu beddelo dood ku saabsan kala-goynta Soomaaliya iyo wiiqidda midnimadeeda.
Doodda Konfederaalnimada
Kuwa ku baaqaya konfederayshan waa inay si cilmi ah uga jawaabaan su'aalo aasaasi ah: Yaa matalaya Soomaaliya caalamka? Yaa yeelanaya awoodda arrimaha dibadda, difaaca, jinsiyadda iyo lacagta? Sidee loo qaybinayaa kheyraadka? Maxay noqonaysaa awoodda dowladda dhexe? Maxaase dhacaya haddii xubnaha midowgu isku khilaafaan ama midkood doonayo inuu ka baxo?
Su’aalahan loogama jawaabi karo mowqif siyaasadeed oo aan loo dhammayn. Konfederayshanku waa isbeddel weyn oo saamaynaya qaab-dhismeedka dowladnimada, sidaas darteed wuxuu u baahan yahay dood dastuuri ah, cilmi-baaris, wadatashi qaran iyo in rabitaanka shacabka si dhab ah loo cabbiro.
Soomaaliya maanta uma baahna dawlad dhexe oo aan awoodeheedu xad lahayn, laakiin sidoo kalena uma baahna kala-firirsanaan lagu magacaabo federaalnimo. Waxa loo baahan yahay waa federaal leh dammaanad dastuuri ah oo shaqaynaya: awood-qaybin cad, is-maamul dhab ah, wadaag kheyraad, wada-tashi, isla-xisaabtan iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doodda Soomaaliya waa inay ka gudubtaa “Mogadishu iyo Garowe” oo ay u gudubtaa: Dastuur, Shacab, Awood-qaybin iyo Midnimo Qaran.
— Majalladda Marag, Sebtembar 2026
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira


Dheesha juqraafi-siyaasadeedka (Geopolitics) iyo Faragelinta Shisheeye

Caqabadaha Hirgelinta Federalism-ka Soomaaliya: Falanqayn Cilmiyeed

Kadib Meelmarintii Sharci-darrada ahayd ee DFD: Maxaa Puntland La Gudboon, Federaal Nooceese Ayay Shacabkeedu Doonayaan?

Midnimada ummadda Soomaaliyeed: Tiirka karaamada, iyo mustaqbalka Qaranka

